Muxuu Danjire Nicholas Kay ka yidhi in Madaxweyne Siilaanyo ka ogolaaday inay Somaliland tahay gobolka ka tirsan Soomaaliya?

Hargeysa (SLpost)- Ergayga Gaar ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo dhowrkii maalmood ee u dambeeyey socdaal ku joogay Somaliland, ayaa iftiimiyey danaha xafiiskiisu UNSOM ka leeyahay Somaliland iyo wada-shaqaynteeda maadama aanay is-waafaqsanayn aragtiyaha kala duwan ee Qaramada Midoobay iyo Jamhuuriyadda Somaliland ka kala aamisan yihiin jiritaanka iyo madax-bannaanida Qaranimada Somaliland.

Silanyo_Nicholas KayTelefishanka Madaxa-bannaan ee HCTV oo magaalada Hargeysa Waraysi gaar ah kula yeeshay Danjire Nicholas Kay, ayaa weydiiyey su’aal nuxurkeedu yahay Maadaama oo Xukuumadda Somaliland u ogolaatay inuu Xafiiskiisa UNSOM ka furo Hargeysa, isla markaana Qaramada Midoobay u aqoonsan tahay Somaliland qayb ka mid ah Soomaaliya, in markaa Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirkiisa Arrimaha dibaddu ka ogolaadeen qaabka ay UN-ku ula macaamilaan tahay inay Somaliland qayb ka tahay dalweynihii laysku odhan jiray Soomaaliya.

Danjire Nicholas Kay waxa kale oo uu ka hadlay rejada Qaramada Midoobay ka qabto inay ka soo baxdo taageerada ay muddada labaatanka sanno ah ku garab-taagnaayeen dawladnimo dhammaystiran oo ka hirgashada Soomaaliya oo wakhtigan ka sii liita heerkii uu qaran ahaan taagnaan jiray muddadii ka horeysay intii aan xilka wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya loo magacaabin Nicholas Kay bishii June ee sannadkii hore, wakhtigaas oo uu socdaalkiisii ugu horeeyey uu yimi caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo uu doonayey inuu ka furto Xafiis UNSOM ku yeelato, balse ay isku af-garan waayeen Madaxweyne Siilaanyo mawqifka uu ka aamisan yahay Somaliland oo ka soo horjeeday Qaranimada iyo madax-bannaanida Somaliland.

HALKAN KA DAAWO