Muwaadinad sarkaal ka tirsan hay’adda Merci Corps ku Eedaysay inuu Kula Kacay Tacaddi Ka Dhan Xuquuqda Aadamaha

Mercy_corps_logoHargeysa (SLpost)- Hay’adda Mercy Corps oo ka mid ah Ururrada Caalamiga ah ee ka hawl-gala Somaliland, ayaa lagu eedeeyey inay hab-dhaqan baalmarsan shuruucda Caalamiga kula dhaqanto shaqaalaha muwaadiniinta ah ee ka tirsan hay’addaas.

Shaqaalaha ka hawl-gala hay’addaas ee hab-dhaqankan ku waayey shaqadooda waxa ugu dambeeyey oo ka mid ah gabadh lagu magacaabo Huda Maxamed Ibraahim oo dhibbane u noqotay Shaqo uu leeyahay mid ka mid ah masuuliyiinta ugu sarreysay madaxda hay’addaas oo ku amray inay saxeexdo waraaq ay ku qoran tahay digniin ku socota isaga laftiigiisa, sida ay gabadhani u sheegtay Wariyeyaal ka tirsan Wargeyska Himilo iyo Somalilandpost.net.

Huda Maxamed oo xafiiska hay’addaas u qaabilsan maamulka, waxa ay sheegtay inuu wakhtigan maqan yahay masuulkii ugu sarreeyey hay’adda Mercy Corps xafiiskeeda Hargeysa, balse uu wakhtigan joogo sarkaal u qaabilsan hay’addaas Maamulka shaqada iyo Shaqaalaha (Human Resource & Admin) oo lagu magacaabo Maxamed Sheekh, kaas oo sida ay sheegtay ku amray inay saxeexdo waraaq digniin ah oo markii labaad ku socota iyada, balse markii ay akhrisatay ay ku aragtay inaanay waraaqda digniinta ahi iyada ku socon ay u sheegtay inaanay saxeexanayn maadaama qofka digniintu ku socoto aanay iyada ahayn, taasina ay keentay inay shaqadeeda sidaas ku weydo.

Huda oo ka warramaysay sida ay wax u dhaceen, waxa ay tidhi, “Shaqada walaal waxaan bilaabay bishii 5aad, 2013-kii. Isniintii (dorraad) ayuu Super-visor-kaygu (maamulahaygu) subaxdii ii yeedhay, waan u tagay, wuxuu igu yidhi, Waxan ahay maamulahaaga, shaqo kastoon kuu dirana waad qabanaysaa. waxaan ku idhi hayeh. Dabadeed wuxuu igu yidhi, Warqadan Saxeex. Warqada waxa ku qornaa; waxaanay ahayd Digniintii labaad, Anigoon haysan digniintii koobaadba. Markaasuu igu yidhi, Imika saxeex, markaasaan ku idhi , ma saxeexayo, markaasuu igu qayliyuu yidhi, ka bax xafiiska.”

Huda oo aanay weydiinnay inay akhriday qoraalka waraaqda ku qornaa iyo in kale, waxa ay ku jawaabtay, “Haa, waan akhriyey waxa ku qornaa. Markaan eegayna aniga iguma socon, waxa ku qornayd HR/Admin Officer (Human Resource/Admin Officer) Madaxa shaqada iyo Shaqaalaha, Anna shaqadaydu waxa weeye Admin Officer (Sarkaal Maamulka ah). Waxaan ku idhi waad khaladay masuuliyadayda, markaasuu yidhi , hayeh waayahay, wuu soo bedelay , wuxuu ku qoray. shaqadaa iyo shaqadaas maad qabanin, markaasaan ku idhi, shaqooyinkan aad ku qortay inaanan qabanin,  aniga ima khusayso, ee waxay khusaysaa masuuliyaddii hore (Title kii ) aad ku soo qortay warqada markii hore,  ana masuuliyadaas ma hayo,  markaasuu igu yidhi,  Adigu i tilmaami maysid shaqadu waxay tahay, ee anigaa shaqadaada kuu sheegaya, anigaa Maamulahaagii ah, anigaana og shaqadaadu waxay tahay.”

Huda oo aanu mar kale waydiinnay waxa ay ahayd qoraalka digniinta ah ee waraaqda ku qoran, ayaa ku jawaabtay, “Waxaa ku qornaa inaanan qaban shaqooyinka sida Tababarka shaqaalaha, la socodsiinta maamulka ee tababarada ay u baahan yihiin iyo fasaxyada u yaala shaqaalaha iyo kuwa fasaxa u baxay, waxyaabahaas oo dhan oo la xidhiidha masuuliyadda Human Resource- ka (Waaxda shaqaalaha), anna waxaan ahay kaliya maamule (Admin).”

Mar kale Huda oo aanu weydiinnay inay digniintu ahayd shaqo-ka-joojin, waxa ay tidhi, “Digniin Shaqo dayicid ah bay ahayd. Anna waxaan ku doodayay shaqadaydiiba maaha ee waa shaqadii masuulka shaqaalaha, markaasuu isna igu leeyahay meesha uma joogtid inaad ii tilmaanto shaqadaadu waxay tahay ee anigaa og shaqadaada, anna waxaan ku idhi , sidii aad u qaladay cinwaanka (Title-ka) ayay shaqaduna u qaldan tahay, mana aha shaqadaydii hawshan aad igu canaananaysaa.  Markaasuu igu yidhi , hadda saxeex ,  ana waxaan idhi ma saxeexayo.”

“Wuxuu igu yidhi , ku qor inaad tidhi ma saxeexayo,  kuma qorayo ayaan ku idhi oo ima khusayso digniintani. Intuu xanaaqay buu igu yidhi, ka bax xafiiska, kuma arki karo  wejigaaga iga qari,  hadda xafiiska ii dhaaf.”

Miss Huda waxa tilmaantay in shaqada uu eedaynteeda dusha ka saarayo ay tahay shaqo uu masuuliyaddeeda iska leeyahay masuulka shaqada ka joojiyey. “Isagu waa Human Resource Admin Manager waa shaqadiisii tan uu I weydiinayo ee uu igu canaanayo,” ayey tidhi Huda Maxamed.

Waxa ay gabadhi sheegtay inay cabashadeeda u gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, laguna wargeliyey inay xidhiidh la samayn doonaan masuuliyiinta hay’adda shaqaalaheeda ay ka tirsan tahay, balse ay ilaa immika ka dhur-sugayso tallaabada ay wasaaraddu ka qaadi doonto tabashada ay u gudbisay.

Dhinaca kale, Sarkaalka ka tirsan hay’adda Merci Corps ee falkan kula kacay gabadha oo aanu la xidhiidhnay, ayaa gebi ahaanba diiday inuu wax jawaab ka bixiyo eedaynta loo jeediyey, isaga oo ku dooday inaanu fasax u haysan la-hadalka saxaafadda.

“Kuuma jawaabayo, kamana hadlayo arrintaas, fasax uma haysto inaan jaraa’idka la hadlo,” ayuu yidhi Sarkaalkan oo magaciisa la  yidhaahdo Maxamed Sheekh oo dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolka Soomaalida ee dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Wajeer.

Maxamed Sheekh oo aanu sii weydiinnay cidda isaga ka sarraysa ee aanu eedayntan wax ka weydiin karro iyo telefoonka aanu kala xidhiidhi karno, ayaa sheegay inuu jiro sarkaal isaga uga sarreeya maamulk hay’adda balse waxa uu ka gaabsaday inuu nagu caawiyo telefon laga xidhiidho cidda isaga ka sarraysa, arrintaas oo iftiimisay inuu is-diidsinayey isla markaana ay kaligii ku kooban tahay falka sharciga baalmarsan ee uu kula kacay gabadhan ka shaqaynaysa xafiiska uu masuulka ka yahay.

Haseyeeshee Huda Maxamuud Ibraahim, ayaa noo xaqiijisay inuu fasax ugu maqan yahay dalka Kenya ninka masuulka ka ah xafiiska hay’adda Mercy Corps ee Hargeysa, kaas oo dhalasho ahaan ka jeeda gobolka Woqooyi-Bari ee Dalka Kenya. “Isaga waxa ka sareeya Operation Director (Agaasimaha Howlaha) isagaana maamulihiisii ah,  isna wuu ka maqan yahay dalka oo fasax buu ku maqan yahay wuxuu joogaa Nairobi.”

Shaqaale kale oo ka hawl-gali jiray Hay’addan Merci Corps, ayaa shaqada looga joojiyey qaabkan sharciga shaqaalaha baalmarsan ee gabadhan looga ergey shaqaaqdeeda

Saraakiisha ugu sareysa xafiisyada hay’adaha caalamiga ah ee dalka ka hawlgala, ayaa intooda badani yihiin Ajaanib ka soo shaqo tagay waddamo shisheeye, mana jirto cid ka war haysa tacaddiyada iyo falalka sharciga shaqaalaha baalmarsan ee ay kula kacaan shaqaalaha muwaadiniinta ah oo inta badan ugu dul-qaata shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta.

Shaqaale badan ayaa shaqooyinka lagaga caydhiyaa dano shakhsiyeed oo ay ka doonaan masuuliyiinta ka sareeyaa iyadoona jirin cid ka daba tagta iyo cid arimohooda baadhaa maadaama oo aanu jirin sharci shaqaale oo dhaqan-gal ah iyo masuuliyiinta xukuumada ee ay hawshani shaqadooda ahayd oo inta badan aan uga hawl-galin waajibaadkii ka saarnaa ilaalinta xuquuqda Shaqaalaha Muwaadiiniinta ah ee ka hawl-gala hay’adaha ajaanibka ah, Kuwa Dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahayba.

SOMALILANDPOST.NET