Muwaadin Reer Somaliland ah oo Ganafka ku Dhuftay in uu Noqdo Wasiir uu Cali Khaliifka Khaatumo u Magacaabay

Hargeysa(SLpost)-Iidle Dubad Muuse oo ah muwaadin reer Somaliland ah oo ka soo jeeda gobalka Sool, ayaa beeniyay xil uu dhawaan u magacaabay hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, kaas oo ah wasiirka caafimaadka iyo arrimaha qoyska.

Mr. Iidle oo isagoo jooga magaalada Hargeysa, saxaafadda la hadlay wuxuu sheegay in magacaabista Cali Khaliif tahay mid lagu waxyeelaynayo amnigiisa. “Anigoo ah Iidle Dubad Muuse, anoo ah nin muwaadin Somaliland ah, waxaan cadaynayaa war la isla dhex marayay oo ah kooxda ku sugan Hawdka Lascaanood in la yidhi waxaanu u magacawnay wasiirka caafimaadka iyo qoyska, hawshaas waxaan cadaynayaa inaanay ciddi igala tashan oo aanan ogayn oo aanan lug ku lahayn oo aanan qaadan oo aan u arko hawl anoo Hargeysa caafimaad u jooga hawshaasna aan xog ka hayn, dadkana aan ka maqlayo suuqa.”

Wuxuu Mr. Iidle intaas raaciyay “Markaas sidaas darteed waxaan cadaynayaa inaanan hawshaas ka mid ahayn, Khaatumana aanan ka tirsanan ahayna, waxaana loogu tallo galay in nabadgelyada iyo odaytinimadayda meel loogaga dhacay. Waxaan cadaynayaa mar labaad iyo mar saddexaad iyo mar afraad inaan hawshaas beri ka ahay.”

Mr. Iidle ayaa warkan beeniyay ugu yaraan toban maalmood ka dib magacaabistiisa, isagoo markii la magacaabayna Hargeysa ku sugnaa. Mr. Cali Khaliif laftiisa ayaa markii uu ninkan magacaabayay wuxuu sheegay inaanu goobta lagu magacaabayay joogin ee uu ka maqanyahay.