Muwaadin ka hadlay Ciidamo Boolis ah oo Ku Rasaaseeyey Hawl-gal ay ku qaadeen Gurigooda

idirsHargeysa (SLpost)- Muwaadin Idiris Dayib Cabdi oo kamid ah Dhalinyarada Somaliland ee deggen Hargeysa, ayaa sheegay in askar Hubaysani ay maanta duhurkii Ku soo weerareen gurigooda Magaalada Hargeysa, isla markaana labadiisii waalid hantaaqooyin iyo cago-jugleyn gaadhsiiyeen.

Muwaadin Idiris oo xalay warbaahinta qaarkeed u warramay, waxa sheegay in Askar ka tirsan rugta booliska ee degmada Ibraahim Koodbuur ee Hargeysa ay duhurnimadii shalay abbaaro 12-kii hawlgal ka fuliyeen gurigooda iyaga oo ku raad-jooga wiil la dhashay, isla markaana ay shakhsi ahaantiisa (idiris) rasaas ku rideen, inkastoo uu ka bedbaaday.

“Illaa 12-kii duhurnimo ayay ciidan ka tirsan saldhiga Koodbuur gurigayaga soo galeen waxaanan ku war helnay oo aan ku soo baxay Hooyaday oo uu nin askari ahi qoorta ku dheggen yahay,” sidaa ayuu yidhi Mr Idiris waxaanu intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii watay, “Askartu haddii ay Cid ku doonayaan ama eedaysane yahay walaalkay maan u diidin ee waxaan ka xanaaqay, markaan arkay Hooyaday oo uu ku faro saaray aniguna waan is hayn kari waayay oo waan ka furfuray balse waxaa ii xigtay laba xabbadood oo ay igu soo rideen, inkasta oo Alle mahaddii aan ka bedbaaday oo aanay igu dhicin,” ayuu yidhi Idiris.

Mar la weydiinay sababta ay ciidanku u soo galeen gurigooda iyo eedda loo raadinayo wiilka ay walaalaha yihiin waxaa uu sheegay in ay daba socdeen walaalkiisa ka yar oo ka mid ahaa dhalinayaro habeen dhawayd ka qayb galay xaflad aroos oo rabshadi ka dhacday.