Muwaadin Hindisay Wershad dalka gudaheeda lagu sameeyeeyey oo Baaq u diray bulshada iyo Xukuumadda Somaliland

HARGEYSA (SLpost)- Wershadii ugu horreysay nooceeda oo soo saaraysa noocyada kala duwan ee Kara-shaharka (dhagxaan la burburiyey) loo isticmaalo dhismayaasha isla markaana laga hirgeliyey dalka gudaheeda, ayaa qayb-laxaad leh ka qaadatay isla markaana kafaysay baahiyaha loo qabo Karasharka loo isticmaalo dhismayaasha.

Warshad-e1471308149308Wershaddan oo uu hindisay muwaadin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Maxamuud, waxa hindisihiisa soo dhaweeyey bulshada ku dhaqan deegaanka uu ka hirgeliyey wershadda Karasharka oo ku taala Galbeedka magaalada Hargeysa, kuwaas oo ku bogaadiyey hirgelinta wershadda oo ay ku tilmaameen mid wax tar badan ka geysatay shaqo-abuurka dhalinyaro markii hore camal la’aani haysay, waxaanay sheegeen inay soo dhaweynayaan isla markaana dhiirri-gelinayaan hindisaha muwaadinkan soo kordhiyey feker ka madax-bannaan taageero dibadeed isla markaana salka ku haysa hindisihiisa gaarka ah iyo inuu adeegsaday qalab kala duwan oo dalka gudhiisa lagu farsameeyey.

SOMALILANDPOST.NET