Muwaadin Caddaalad-darro uu Tirsanayo awgeed u dalbaday in dalka laga mastaafuriyo, sheegayna inuu ka tanaasulay Jinsiyadda Dhalashada Somaliland

221JAMHUURIYADDA SOMALILAND

Taariikh: Date: 17/02/2015

KU: Wasiirka Wassaaradda Arimaha Gudaha ee JSL.

KU: Guddoomiyaha Gobolka Saaxil

KU: Xafiiska Xeer-Ilalinta Guud ee Qaranka (Gobolka saaxil);

KU: Guddiga Qaranka ee Jinsiyadda;

KU: Hay’adaha Caalamiga, UruradaXuquuqda Aadamiga, Komishanka Qaranka ee HR iyo Ururada Wadaniga ee HR;

KU: Hay’adaha UNHCR, IOM,etc.

KU: Ururada Qareenada ee (SOLLA)& (SWAL)

OG: Ururka Saxaafadda Madaxa Banaan ee JSL.

Ujeeddo:- Caddayn Ka Tanaasulid Jinsiyada Somaliland+Diidmo Qaadasho Kaadh Aqoonsi Muwaadinimada Somaliland oo Hal-Dhinacle ah, Iyo Codsi In Dalkan La Iga-Mustaafuriyo, Si Aan Uga Badbaado TAHRIIB, Sababo Shaqayn La’aantaSharciIyo Jiritaan La’aanta Maxkamad Sare oo Madaxbanaan oo Laga Soo Dacweyn Karo Dawladda,Kuna Xukumi Karta Magdhaw Sababta Gefafka M/weyneyaasha, Badhasaabada G/Saaxil iyoMaayarada + Xildhibaanada Golaha Deeg. Deg. Berbera iwm.

Garyaqaan-Maxamed-XasanWaaNatiijo Dhibaato Ka Dhalatay Dacwad Socotay Muddo 15-sanadood (from 24/09/1999 up to 17/02/2015) oo Kiiskeeda Ay Hore Iigu Fureen Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka JSL iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, Sida Ku Cad labadan Warqadood ee Qoraalkaygan ku Lifaaqan ee aanidiin soo gudbinayo eeSumadahoodu Kala Yihiin Sidan:-

  • Ref: WAG/XW/521/37/2000 ee Ku Tr. 06/05/2000 Iyo
  • Ref: KXIG/GSB/132/99 ee Ku Tr: 18/10/1999;
  • Ref: WGW/AG/14/121-12/06/04 ee Ku Tr: 18/10/2004;

Anigoo ah Muwaadin Somalilander ah oo magacaygu yahay Maxamed Xasan Siciid (ina Xasan Siciid Salli-Dhige), ahna maanta qof Garyaqaan (Lawyer) ah, xil-shaqona maanta ah GuddoomiyahaUrurkaQareenadaSOLLA ee LaantiisaGobolkanSaaxil si bilaa lacag ahnaku shaqaynayey (Voluntry Lawyer), ayaa madaxda uu Qoraalkaygan ku kala socdo kuwa Dawladda JSL iyo kuwa Caalamiga ah, iyo kuwa wadaniga ahba aanugu soo gudbinayaa Caddayn-bixin ah in gebi ahaanba aan ka Tanaasulay Jinsiyadaydii Somalilandnimo iyo Codsigayga ah in Dalka la iga Mustaafuriyo (Declarationof Renunciation of the Somaliland Nationality and Request for Deportation imediately), iyadoo si kooban ay bogaga danbe ugu xusan tahay Qodobada Shuruucda iyo Asbaabaha keenay xaaladdan, waana sidan soo socota:

HOOS KA DAAWO VIDEO-GA

CADDAYN KA TANAASULID JINSIYADDA SOMALILAND iyo DALABIn DALKA LA IGA MUSTAAFURIYO ama HAY’ADAHA UN-ta LA IGU WAREEJIYO:

(Declaration of Renunciation of the Somaliland Nationality and Request for Deportation)

 

Anigoo ah Muwaadin Somalilander ah oo magacaygu yahay MaxamedXasanSiciid (ina Xasan Siciid Salli-Dhige), ahayna qof Garyaqaan (Lawyer) ah oo muddo badan dersayey Shuruucda Caalamka iyo Xeerarka socdaaladaba, Anigoo tilmaamaya aqoonsiga Haybtayda Muwaadinimo kana duulaya Aayadda13aad ee Suuradda Al-Xujuraat oo lala akhriyo Qodobka4aad ee DastuurkaJSL, sida ku cad magacayga iyo abtirsiintayda ku sharaxan Sawirkaygan Kurta ah halkan ku dhejisan, ayaa anigoo miyirkayga qaba, maskaxdayduna taam tahay aan halkan madaxda Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland aan ugu soo gudbinayaa Caddayn-bixintaydan iyo Dalabkangan u dhigan sidan:-

CADDAYN BIXIN (Declaration): maanta oo taariikhdu tahay 17/02/2015ayaa anigu;

  • waxaan caddaynayaa In aan Diiday Qaadashada Kaadhka Aqoonsiga MuwaadinimadaSiomalilandee Hal-Dhinaclaha ah (Unilateral Somaliland Citizenship Identity Card), ee 23-sanadood ka dib ay Dawladdu maanta bixintiisa ku hawlan tahay, kaasoo ah Kaadh Aqoonsi Muwaadinimo oo Bilaa Qiimo ah (the Valueless Citizenship Identity Card), ee maantaMadaxweyne Siilaanyo iyo MaayarKa HAYBTII GARANWAAGA ah ee Berbera C/shakuur Cidin ay qaateen, ujeedada bixintiisuna tahay oo keliya in loogumuraadQumiyoSiilanyo iyo Musharixiinta Jagada M/weynenimo ee Doorasho u tartamaysa, oo iyaga iyo inta Xilalka ay u magacaabaan iyo inta u Nacamlaysa oo keliyi ay ahaato Muwaadiniinta Dhabta ah ee xaqa u leh inay manaafacsadaan Dawlanimada, yeeshaana keligood Dhismeyaasha waawey ee Berbera iyo Hargeysa iyo Buqcadaha Dhulka ee istraatiijiga ah (I Hate them);
  • waxaan caddaynayaa In gebi ahaanba aan ka tanaasulay Jinsiyadaydii Somalilandnimo, isla markaasna laga bilaabo saacadan ahay Qof aan Muwaadin ahayn (Non-Citizen) iyo Qof Dal-Laawe ah (Stateless person) oo magangelyo doon ah (Asylum Seeker) si waafaqsan Qodobka7(1)aad ee XeerkaJinsiyadda (Xeer Lr. 22/2002) oo lala akhriyo, Article 14 of the UDHR, iyo Article 15 of the ICPPR, iyo Qodobada Shuruucda xaga hoose ku xusan (taxan).

CODSI MUSTAAFURIN (Request for Deportation and by way of UNHCR or IOM, etc):

Waxaan ka dalbayaa Dawladda Somaliland iyo madaxda kaleba in la iga baajiyo TAHRIIB iyo Dhibaato Safar Hayaan, Inay iga aqbasho codsigaygan soo socda ee u dhigan sidan:

  1. In Dalkayga la iga Mustaafuriyo (la iga saaro), la iina Mustaafuriyo Dal Shisheeye oo leh Nidaamisku-Xukun Sharci (Rule of Law), lehna Dawlad Xil-kas ah (Credible Government) oo ku dhaqanta Shuruucda iyo Xeerarka u dejisan dalkaas iyo kuwa Caalamiga ahba, oo ixtiraamta Xuquuqaha Bani Aadamka (Human rights) gaar ahaan xuquuqaha Dadyaowga Dal-laaweyaaasha (Stateless persons), kuwa Qaxootiga ah (Refugees) iyo kuwa Magangelyo doonka ah (and the Rights of Asylum seekers), ee dalalkoodii hooyo uga soo haajiray, sababo Shuruucda dalkooda oo shaqayn weyday, iyo madaxda dalalkooda oo Rabitaankooda iyo Caqliyadooda yar wax ku xukuma, kuna xadgudbay xuquuqdooda, sida madaxdan Somaliland ee isku shaqaysanaya, kuna xadgudbaya xuquuqahaygii Muwaadinimo, deegaanimo, iyo Dadnimoba;
  2. In Dawladdu ay igu wareejiso Hay’adaha Caalamiga ah sida UNHCR, IOM, EEC, etc., si madaxda Hay’adahaasi ay si nabdoon oo sharci ah ay dalka iiga saaraan, iyagoo gudanaya Waajibaadkooda Sharci ee ku xusan Shuruucda Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha iyo xuquuqaha dadka Dal-laawaha iyo Qaxootiga magangelyo doonka ah (the rights of a stateless persons, Refugees, and the asylum seekers), shuruucdaas oo ku lifaaqan qoraalkaygan;
  3. In Wasiirka Arrimaha Guduhu uu guto waajibaadkiisa Sharci ee ku xusan Qodobada 34aad iyo 35aad ee Xeerka Socdaalka Somaliland (Somaliland Immigration Law No. 72 of 27/11/1995) oo ka hadlaya Dadka laga saarayo dalka iyo Habka Fulinta Ajnebiga aan la Dooneyn; maadama aan idiinka tegay dalkii iyo idiinkana tanaasulaya jinsiyadii.

 

QODOBADA iyo SHURUUCDA AAN CUSKADAY EE DIFAACAYA XUQUUQDAYDA

Madaxda Sharafta mudan ee Qoraalkaygani uu ku kala socdo ee Dawladda, Hay’adaha Caalamiga, Kuwa Xuquuqal Iinsaanka, Ururada Rayidka, Ururada Qareenada iyo Ururka Saxaafadda madaxa banana waxaan dhammaantiin halkan aan idiinku soo bandhigayaa Qodobada iyo Shuruucda Caalamiga ah ee aan cuskanayo, ee jidaynaya isla markaana difaacaya xuquuqdayda Qofnimo, waxaana idinla gudboon in aad gudataan Waajibaadkiina, oo aad iga saartaanDalkan ay kolba ka talinayaan Kooxo isku shaqaysanaya oo Rabitaankooda wax ku xukumaya (Will of the Rulers) ee ku xadgudbay xuquuqahaygii, isuna arkayn in iyaga Sharcigu qabanayo, waana sidan shuruucdu:-

any individual who is not a national of a State in which he or she is present.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL waxan xaq ugu leeyahay In ay isiiso Baasaboorka Dadka Ajaanibka ah loogu talo galay (an alien’s passport) si aan dalka uga baxo si waafaqsan (Articles 25, 27 and 28 of the 1954 Convention Relating to the Status of Stateless Persons) oo lala akhriyo Qodobka 10(2)aad ee Dastuurka Somaliland, (because I am not possess a valid travel document from country and also I Renounce your Nationality, and Refused to take Your Citizenship/Nationality ID).

Soomaalidu waxay tidhaahdaa Hadal badan haamo lagama buuxsho, marka kiiskaygan oo dawladda iyo cid walbaaba ay kawada warhayso, dib ugu noqon maayo qisadiisa, halkan waxaan idiinku soo bandhigayaa saddexdan murti-Dhaqameed oo si dhab ah uga turjumaysa xaaladayda, damaqa dareenkayga iyo inta ay le’eg tahay dhibta maanta dalkayga iga saartay, murtiyahaas oo iskood isu fasiraya, waay u dhigan yihiin sidan:-

  • Awr Xammulkii Wuu Qaadaa, Xadhig Qaloocanse Ma Qaado
  • Rag Caddaalad Waayey, Sidii Cawsha Kala Yaac
  • Nin Ku Yidhi Sinnaan Mayno, Adna Diid Sarayntiisa

 

SABABAHA MUSTAAFURINTA AAN U DOORBIDAY

Shuruucda caalamku waxay mamnuuceen in dawladuhu ay dadka ajaanibka ah iyo kuwa magangelyo doonka ahba ay ka Mustaafuriyaan dalalkooda (sida “The collective expulsion of aliens is prohibited. …. Articles 6 and 9 of the 1945 IMT Charter) iyo (UN Convention against Torture.Article3 of the Convention prohibitsextraditing or deporting someone to a place where he or she would be tortured); iyadoo ujeedada la ilaalinayaana ay tahay in siniaba loogu xadgudbo xuquuqda Aadamaha.Haddaba, Anigoo arkaaya xaaladayda adag ee aan ku suganahay iyo dareenka xanuunka badan ee dabada iga riixaya iina diidan inaan sii joog dalkaygan iyo deegaankaygan iyo inaan madax ka dhigto oo aan isku haleeyo kooxo xulafo ah oo isku shaqaysanaya oo dalkan iyo deegaankayga ka ah Madaxweyne, Maayar iyo Xildhibaano Gole Deegaan Degmada Berbera oo la doortay oo ku xadgudbaya Dimuquraadiyada iyo Nidaamka Isku Xukunka sharci (Rule of Law) iyo Madaxdbaananida Garsoorka Maxkamadaha (independence of the Judiciary) kuna shaqaynaya (Will of the rulers), arkayana duruufaha igu xeeraniba oo aan ka baqayo inay si sibiq ah ii dhaqaajiyaan, oo hab ismaqiiqid ah aan dalkan kaga baxo, ayaa madaxda Dawladda iyo madaxda Hay’adaha ee qoraalkaygani uu ku socdo waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa Afar arimood oo Mustaafurinta aan ku doortbiday, waana kuwan afarta sababood oo kala ah sidan:-

  • Sabab Sharci: waxaan ahay Qof Garyaqaan (Lawyer) ah, oo anigu ma awoodo inaan sifo Sharci darro ah ku galo xuduud (illegal immigrant) Dalal Shisheeye, oo waxa aniga isaaran waajibaad ah inaan ixtiraamo Shuruucda iyo Nidaamka Xeereed ee ay dejisteen dalalku;
  • Sabab Caafimaad: waxaan ahay Qof qaba xanuunka Macaanka (Diabetic patient), xanuunkaas oo aan ii saamaxayn inaan galo Sacdaal Silic iyo Rafaad badan oo qadoodi iyo gaajoba leh;
  • Sabab Dhaqaale: Anigu ma hayasto lacag aan ku socdaalo, oo aan iskaga bixiyo Kharashaadka kala duwan ee igu baxaya mudada Safarkayga Hayaamida ah; iyo
  • Sabab Diineed: Diinta Islaamku waxay iga mamnuucday inaan Naftayda geliyo BIIMO iyo MAHLAKO, waayo Nafta Aadamuhu waa Qaali, si waafaqsan Aayadda195 ee SuuraddaAl-Baqara, oo u dhigan sidan:-

Dariiqa MUSTAAFURINTU Waa Hab Ammaan ah oo ka Nabdoon TAHRIIBTA

(Deportation is a Secure and Safety way than the illegal imigrant)

Marka loo eego xaaladayda, dareenkayga kacsan iyo duruufaha igu xeeranba, Mustaafurintu waa dariiqo Sharci ah oo Qof ama Dad lagaga saaro Dal, waana dariiqo nabdoon oo ka ammaan badan TAHRIIBTA. Waayo Qofka ama Dadka la mustaafurinayaa waxay ku gudo jiraan gacan Masuuliyad Dawladeed (under the Responsibility of Government or/and states), oo waa nidaan ah Dawlad ilaa Dawlad kale. Sidaas dartedna, markaan anigu eegay xaaladayda iyo duruufaha igu wareegsan, ayaa dariiqa biimada khatarta badan ee iyo Sharcidarada ah ee TAHRIIBO, waxaan ka doorbiday in dalkayga aan kaga baxo dariiqa Dawladeed ee Mustaafurinta ah ama nidaamyo Sharci ee dariiqa Hay’adaha Caalamiga ah (by UNHCR, IOM, or/and through the International Human Rights Organizations, etc).

Madaxda Sharafta mudan eeQoraalkaygani uu kala socdo ee kala ah: Madaxda Dawladda; Madaxda Hay’adaha Caalamiga ah; Madaxda Ururada Xuquuqul Iinsaanka; Madaxda Ururada Qareenada ee (Somaliland Lawyers Associations (SOLLA)) iyo (Somaliland Women Lawyers Associations (SWLA);Madaxda Saxaafadda madaxa banaan ee JSL, dhamaanmadaxdaas waxaan ka codsanayaa inay ka hadlaan arrinkayga oo ay gutaan Waajibaadkooda Sharci iyo Masuuliyadda Bani Aadminimo ee ku aadan arrinkaygan, islamarkaana ay ka hawlgalaan sidii si nabadgelyo ah ay iiga saarilahaayeen Dalkan, igana baajiyaan lahaayeen TAHRIIB iyo inaan SIBIQ-DHAQAAQO.Waxaan diyaar u ahay inaan idiinka jawaabo Su’aalo kasta oo aad iga weydiisaan kiiskayga iyo inaan idin horkeeno Dhokumenti kasta oo Sharci ah oo la xidhiidha Kiiskayga iyo xogwaranka Xadgudubyadii ay madaxda Dawladdu ii geysatay, iyo wixii kale ee caddaymo ah ee aad iiga baahataan.

Waxaanad arrinkaDal-Ka saaridayda, Dhokumentiga-Safar (Travel Document) iyo Kharashaadkaba idinka caawindoona, waxaad arrinka kiiskayga aad si toos ah ugala xidhiidhaan Xafiiska Gudida Sare ee Jimciyadda Quruumaha ka dhexaysa u Qaabilsan Xuquuqda Aadamaha (UN COMMISSION ON HUMAN RIGHTS or Office of the High Commissioner for Human Rights[OHCHR])Gudidaas oo gacanta ku haysay kiiskayga, horena Madaxweynihii hore ee geeriyooday marxuum Maxamed X. Ibraahin Cigaal ku qabsatay xadgudubyadii uu iigeystay, iyadoo Khabiiradii Xuquuqda Aadanaha ee GaryaqaanadaMr. Mona Rishmawi ay si toos ah ugu gudbisay Qoraal, kiiskaygana ka qortay Tixraac Warbixinta: United Nations, Distr. General E/CN.4/2000/110 26 January 2000, Commission on Human Rights, Fifty-Sixth Session, item 19 of provisional agenda:

http://www.arabhumanrights.org/publications/countries/somalia/rapporteurs/e-cn-4-2000-110-2000e.pdf

 

FIIRO-GAAR ah: Ogow Ka Tanaasulida Jinsiyadeed waxay keentaa Dal-Laawenimo(RenunciationLeadstoStatelessness). OGOW waxaan ahay Garyaqaankii Dawladdiisa soo Caawiyey ee TABLIIQINIMADA SHARCI iyo HIILKA-SHARCI u soo fidiyey Wasiiradan iyo madaxdan hay’adaha ee dawladdan Siilaanyo (I am the Lawyer who helps his Government and provides Legal Supports), waa inaad ixtiraamtaa Xuquuqahayga, (please, Deport me). Waxaan xaq u leeyahay inaan ka Tashado Aayahayga (I have the Right to Self-Determination), Shan iyo Toban sanadood oo Cimrigayga ka mid ah ayaad baabiiseen.

Waxaan dareemayaa Kelinimo (I feeling Loneliness), Go’doon, Daal, Awoodid la’aan iyo tabar daro.Waxaanan u baahanahay cid i ah oo fidisa Hiil-Sharci iyo Garab.Kelinimadu waa sifo Illaahay (SWT) keligiis u gaarowday, oo aanay cidina la wehelin.Waayo, Illaahay (SWT) waa Qani, oo wuu isku filan yahay.Wehel iyo cid la gargaarsadana isagaa mudan, Illaahay (SWT) ayaa mudan mahad. (I cannot be nobody, No more Feeling loneliness). 15-sanadood in ka badan ma sii ahaan karo Bilaa Dawlad, Bilaa Madaxweyne, Bilaa Maayar, Bilaa Xildhibaano Gole Deegaan, Bilaa Salaadiin iyo Bilaa Cuqaal Qabiil Ciise-Muuse.

WAXA I KELIYEEYEY ama I GO’DOOMIYEY

Waa Dacwadda aan maxkamadda u dacwooday; Waa Sharciga aan xuquuqdayda ku dalbayo; waa hadhiwaanimadayda iyo waana ku adkaanshaha dalabka xuquuqdayda aan ku adagahay!!!

DHIBAATOOYINKA LA II GEYSTAY

Dhibaatooyinka mudadaas Shan iyo Tobanka sanadood ma soo koobi karo, iminkana mana wada xasuusto, laakiin wax aka mid ah:-

Waxay burburiyeen Dhismeyaashaday Qoysnimo; Waxay shaqooyinkoodii ay ka eryeen cid ka sata oo gudanaysay waajibaadkeeda oo arrinkayga dariiqa sharciga ah wax kaga qabatay; Waxa kiiskayga dartii shaqadoodii loogaga eryey Guddoomiyeyaashii Maxkamadda sare, waxaana shaqo ka eryid loogu hanjabay garsoorayaashii gacanta ku hayey kiiskayga, ilaa iyo ay noqotay in garsoore kasta oo maxkamadda sare ahi uu ka baqo in arrinka kiiskaygu uu galaafto shaqadiisa, ilaa markii dambe mid ka mid ah Garsooreyaashii Maxkamadda Sare ee JSL uu si cad oo badheedh ah, uu guddoomiyihii Maxkamadda sare ugu qoray warqad uu ku muujinayo in xiligii Fulinta Xukunka Maxkamadda sare ay Dawladda iskaga horyimaadeen oo ay shaqadiisa saamayn ku yeelatay, isla markaana uu dalbay in kiiska cid kale lagu qoro; Waxa dalka laga mustaafuriyey GaryaqaanTALIIL Xaaji Axmed oo ah sarkaal UNDP u qaabilsanaa arrimaha Sharciga iyo Xaaskliisa iyagoo waxba aan galabsan, waxa kale oo Dawladdu ay Colaad u muujisay GaryaqaanAlexandra Campo lawyer oo ay saaxiib ahaayeen isla markaana ay wada shaqaynayeen Tahliil; Waxa dartay loo dhibaateeyey Saxafiyiin fara badan iyadoo welibana qaar badan dawladdu ay ka jejebisay kamaradahoodii; Ilaa iyo maalinkan maanta ah cid waliba waxa ay ka baqaysaa in haddii ay ii hasho ay dhibaato kala kulmayso Dawladda oo dhaqaale ahaan ama shaqo ahaan laga dhibaataynayo ciddaas. KIISKAYGU WAXA UU NOQDAY KIIS LAGU DHIBAATOOBAYO.

15-sanadood oo noloshaydii, Cimrigaygii iyo Shabaabnimadaydii ayey i dhibaateeyeen, Gebi ahaan maanta waxaan ahay Qof wada ciro ah.

Niloshadayda iyo mustaqbalkayga dib uguma aamini Dadkan Siyaasiyiinta ah ee Nidaamyadii Dictator-kii Siyaad barre ku soo hano qaaday kuna indho dilaacsaday. Dadka RULE OF LAW meesha ka saaraya ee RULE OF MEN ka dhigaya nidaamkii isxukun ee Dawladnimada

1991-kii halkii dadka Somaliland ay ka soo bilaabeen Noloshooda maanta aniguna Dib Noloshaydii halkan ugama soo yegleeli karo, dib uma rafaadi karo.

Maanta ma haysto Guri aan seexdo, ma jirto Xaas aan leeyahay, …iwm dhammaan waxasi oo dhami waxay u baahan yihiin in dib loo tabco.

Markii aan dib ugu soo noqday deegaankaygii iyo degmadaydii Berbera dhowr iyo toban sanadood ka dib, ayaa xiligii doorashadii Deegaanka ka dib waxaan GUDDIDA JOOGTADA AH EE GOLAHA DEEGAANKA DEGMADA BERBERA, iyo badhasaabkii Gobolkan Saaxil Cali gadh-dheer waxaan u qortay Qoraal nuxurkiisu koobsanayey saddexdan arrimood 1- DIB-U-DEJIN; 2- IMETELID; iyo 3-IGA JID-BAXID. Runtii waabay i quudhsadeen oo waxay ii quudhi waayeen inay Qoraalkaygii iiga jawaabaan.Waa arrin xanuun badan.AAMUSNAANTU WAA QUUDHSI iyo NABAR AAN LAGA GAM’I KARAYN.

 

DAWLADDA JSL

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, Guddoomiyaha Gobolka Saaxil, iyo Xafiiska Ku Xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee Gobolkan Saaxil ee Qoraalkaygani uu sida tooska ah ugu socdo, marka hore waxaad mudan tihiin in la ixtiraamo xuquuqdiina madaxtinimo, iyo Sharafta Hay’adaha Dawladda ee aad madaxda ka tihiin, waxaanan halkan idiinku soo gudbinayaa labad warqadood ee aad iigu Codsateen in Maxkamaduhu Ogoladaan in kiiskayga ay Qaadaan oo ay ii furan Gal-Dacwadeed, labadan warqadood oo qoraalkan idiinku lifaaqan oo sumadahoodu ay kala yihiin Ref: WAG/XW/521/37/2000 ee Ku Tr. 06/05/2000 Iyo Ref: KXIG/GSB/132/99 ee Ku Tr: 18/10/1999: waxaanan halkan si kooban idiinku waramayaa Natiijada wixii aan kala Kulmay qoraalada Codsiyadiina ee GUUL iyo DHIBAATOOYIN ah, inkasta oo aanan Niyad u haynin inaan idiinka wada Qisoodo Dhacdooyinkii Kiiska haddana waan isku dayi doonaa, Waayo, ma jiro Wax masuuliyad Dawladnimo ah oo wax akhriyi karta ama kugu dhiiri gelin karta inaad wax u soo qortid, waana sidan:-

WARBIXIN KOOBAN KIISKAYGA iyo NATIIJADA KA DHALATAY

LABADAAS WARQADOOD EE GUUL iyo DHIBAATO AH

Dacwad Socotay Muddo 15-sanadood (from 24/09/1999 up to 17/02/2015)

1) GUUSHII: NATIIJADAWARQADDII XEER-ILAALINTA:Ugu horayn mudaneyaal, Ku Xigeenkii Xeer-ilaaliyaha Guud ee Gobolka Saaxil YUUSUF SAN-JEEX oo kiiskayga Suntii aan ku dhawaacmay baadhistiisa gacanta ku hayey ayaa wuxuu Maxkamadii Gobolka Saaxilu soo qoray Xaashida Sumadeedu tahay Ref: KXIG/GSB/132/99 ee Ku Tr: 18/10/1999 oo ah Natiijada Baadhistii Kiiska Qoraalkaas oo uu Maxkamadda kaga codsaday inay ii furto DACWAD MADANI ah, oo ay Magdhaw noogu Xukunto Shirkadahii ka Masuulka ahaa Dhaawaca Suntii ay noo qarisay ee ay igaga shaqaysiisay, dabadeedna Maxkamadii way aqbashay Qoraalkii Xeer-ilaalinta, waxaanay ii furtay Kiis Gal-Dacwadeed Lambar: MDGB/DML/49/1999, dabadeed taariikhdu markay ahayd 30/12/1999-kiiBadhasaabkii Gobolka Saaxil ee Xiligaas Maxamed Jibriil Faahiyeayaa is hortaagay Fulintii Awaamiirtii Maxkamadda Gobolka Saaxil, isagoo badhasaabkaasi fulinayey Rabitaankii khaldanaa ee M/weyne Cigaal (Will of the Ruler). Dabadeedna waxa dhacday in dareenkaygu uu kacay oo aan Weerar Gacan ka hadal ah oo dhaawacyo leh aan u GeystayTaliyihii Qaybta ee xilgaas TILIYE MAXAMUUD, oo aan isu tusay inuu doonayo inaan madaxda Shirkadda Ajaanibka ee deegaankayga degan aan u geysto dhibaato, anoo taas ka cararay dareenkayguna kacsan yahay ayaan talihii Qaybta Maxkamadda horteeda kula dhacay cadhadii oo aan kula dagaalamay, isla markiiba Aniga inta Askartii ay i Garacaaday waxa la isoo taagay Maxkamad iyadoo la igu soo eedeeyey Dembi weerar ISKU DAY DIL, inkasta oo Taliyihii Qaybtu markuu ogaaday inaan colaad shakhsi u haynin uu iska kay saamaxaysidiina la igu siidaayey, isagoo Taliyuhu Maxkamadda ka hor sheegay in Badhasaabka Gobolku bixiyey Joojinta Fulinta Awaamiirta Maxkamadda. Is hortaagii Xukuumaduna wuxuusoo Af-jaray Kiiskii Maxkamadda Gobolka Saaxil ee Xeer-ilaalintu ay ii furtay.

DHACDADII MASAAJIDKA:Waxa dhacday dabadeed, inaan anigu ahaado Qof Ciil iyo Cadho Laamiyada Suuqyada keligay dhex mudaaharaada. Taariikhdu markay ahayd 08/12/2000maalin Ciidal Fidri ah ayaan masaajidka ku dhex qabsaday marxuum Madaxweyne Cigaal anigoo uga ashkatooday Shirkadahaas TOTAL/MEG iyo sida Kiiskii Maxkamaddii Gobolka loo hor istaagay, xiligaas waxa fadhiyey WasiirkanMaxamed Cali Waran-Cade oo xiligaas ahaa Wasiir, markii M/weyne Cigaal uu Aamusay kana Jawaabi kari waayey Dacwadayda, ayaa Wasiir waran-cade iyo Wasiir Saalax ayaa soo kaceen oo iga codsaday inaan fadhiisto, oo salaada ka dib iyaga xaga Madaxtooyada aan u raaco.

Mudaaharaad Maxkamadda sare Lid ku ah………………………..

2) GUUSHII: NATIIJADA WARQADDII WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA: Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xiligaas AXMED JAAMBIIR SULDAAN ayaa wuxuu MaxkamaddaSare ee JSL uu u qoray warqadda sumadeedu tahay Ref: WAG/XW/521/37/2000 ee Ku Tr. 06/05/2000Ujeedadeeduna tahay CODSI KIIS MISKIINintaa kadibna Maxkamadii sare waxay aqbashay inay qaado kiiskayga oo aanay wax bixin lacag Cashuur Kiis ku xidhin, waxaanay furtay Gal-Dacwadeedka MS/01/2000Kiiskii way noo garqaaday, Shirkadihii TOTAL/MEG waxay Qabsadeen Qareen marxuum ROOBLE MAYKAL MARYAMO Vs. Aniguna waaan Qabsaday Qareen JAAMAC CILMI XAASHI, kiiskii waan ku guulaystay Maxkamaddii sarena waxay ii xukuntay Xuquuq, Shirkaddii TOTAL /MEG waxay Ogaolaatay inay bixiso oo ay meel-mariso Xukunkiii Maxkamadda Sare ee JSL. Kiiskayaguna wuxuu socday muddo hal sanoo oo keliya 18-10-1999 ilaa iyo 29-10-2000.Markaa kiiskaas Waan ku gar helay, waanan ugu mahad naqayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSl iyo Xafiiska Xeer-Ilaalinta Qaranka JSL sababta kiiskii ay ii fureen.$ 166, 666 ayaa la ii xukumay + 100,000 Kharash = $ 260, 000 USD (laba Boqol iyo Lixdan kun oo doolar).

Mudadaas Dhawr iyo Tobanka sanadood ah waxa Dhibaato ii geystay Masuuliyiintan iyo shaadhka Dawladnimo uga faa’iideysanayaayey danahooda gaarka ah iyo sidii Shirkaddii TOTAL ay sifo Sharci darro ah uga Maalaysan lahaayeen (illegal Enrichment), mana jirto Maxkamad madaxbanaan oo maanta aad uga dacwad tegi kartid, iyaguna isumab arkaan inuu Sharcigu qabanayo, waana kuwan kooxaha isku shaqaysanayey:-

Saddex Madaxweyne JSL; Todoba Maayar Berbera; Lix Badhasaab Gobolka Saaxil iyo laba Gole Deegaan oo la soo doortay:

  • MADAXWEYNEYAASHA JSL: 1) marxuum Cigaal; 2)Rayaale; iyo 3)Siilaanyo;
  • BADHASAABO G/SAAXIL: 1) Maxamed Jibriil Faahiye; 2) Xasan Gadhweyne; 3) Max’ed X. (Talaata Cadle); 4) Max’ed Cabdillaahi; 5) Maxamuud C. S. (Ramaax); iyo 6) Cali M. C. [Cali Gadhdheer)
  • MAAYARADA DEGMADA BERBERA: 1) Cabdalla Xaaji Cali; 2)Xasan Gadhweyne; 3) Cabdalle M. Carab; 4) Cabdi Musbaar; 5) Siciid Daa’uud 6) Cabdalle M. Carab; iyo 7) C/shakuur Cidin.

Fiiro-Gaar ah: waxaan diyaar u ahay in si dhamays tiran aan kaga waram o Qisada dhacdooyinka Xadgudub ee kiiskayga iyo sida Ay Madaxdii Dawladdu u lunsadeen Lacagtii Shirkadda TOTAL lagu xukumay ee Maxkamadaha laga horjoogsadayu inay xukunkooda awoodooda ku meel-mariyaan.

Madaxda Dawladda ee qoraalkaygani uu ku socdo waxaan u sheegayaa, anigu Dalkaygan Somaliland, Gobolkan Saaxil, iyo Degmadan Berbera kuma joogo warqado ama Kaadh yar oo ay bixiyaan Shakhsiyaad madax ah oo ujeedadoodu tahay oo keliya inay doorasho u tartamaan oo dadku ay madaxnimo. Laakiin waddankan JSL waxaan ku joogaa waa Fadli, Qaddar iyo AbuurfidroIllaahi ah oo iLLaahay (SWT) uu igu beeray dalkan (Dhulkan) JSL.Muwaadinimadayduna waa mid aan maydhmi (la tirtiri) Karin, oo waa mid ka soo jeeda Asiilinimo, ku dhalasho iyo u dhalasho daleed, waxaanan anigu ka mid ahay dadka xaqlaha ah ee Illaahay (SWT) uu mulkisiiyey kuna beeray Dalkan ama geyigan Somaliland ee qaaliga ah, samaystayna Dawladnimadan Jamhuuriyadda Somaliland.Sidoo kalena anigu ma ihi sida Qof Adoon-dad ah ama wax la leeyahay (Hanti) oo kolba shakhsiyaad la maamuusay oo Madaxweyne iyo madax laga dhigay ay siday doonaan ugu tasarufi (ka yeeli) karaan xuquuqdiisa. Waxa kale oo dalkan aan ku joogaa waa Sharci.

Dawladdan JSL iyo madaxdeedana waxa naga dhexeeya ee nakala nidaamiya waa shuruucda iyo xeerarka u dejisan Dalkan JSL iyo kuwa Caalamiga ah. Waxaan ahay Qof Bani Aadam ah oo xuquuq iyo xeerbaay wadaagaan gaar ahaan dhamaan bulshada JSL, guud ahaana dhamaan dadyowga Caalamka ee ku kala nool dalalka kala duwan ee aduunka. Aniga iyo Dalkayga waxa isku kaaya haya waa Dabar-Qaanuuneed (Legal bond).Laakiin ma aha Warqad (Kaadh) xun oo ay ugu yeedheen KAADHKA AQOONSIGA MUWAADINIMO SOMALILAND oo hagardaamo ah, oo ay bixinayaan shakhsiyaad ujeedadoodu tahay oo keliya inay bixinta Kaadhkaas si khaldan ugu kasbadaan Dhaqaale iyo inay ku galaan doorasho oo la doorto oo keliya.Laakiinse aanay ujeedada bixinta kaadhku ahayn mid ay ugu danaynayaan bulshada oo ay ku dhawrayaan xuquuqaha sharci ee muwaadiniinta reer Somaliland ee anigu aan ka mid ahay.

KUMANAAN QOF OO DHALINYARO AH OO ANIGA IGA SHARAF iyo RAGANIMO BADAN AYAA U SOO DHINTAY, USOO NAAFOOBAY DEEGAANKAN BERBERA, GOBOLKAN SAAXIL iyo DAWLANIMDAN JSL. Waana dad mudan inaan ixtiraamo oo aan dhawro karaamadooda iyo Dawladnimadooda, waxa kale oo ay xaq iigu leeyihiin inaan u dulqaato dhibaato kasta oo maamulXumo oo aan kala kulmo madaxda Dawladda ee xadgudbaysa kuna Amar kutaaglaynaysa xilka Dawladnimo ee lagu aaminay iyo Dayacaad kasta oo Masuuliyadeed oo aan kala kulmo Maayarkan iyo Xildhibaanadan HAYBTOOD GARANWAAGA AH ee Degmadan Berbera, Badhasaabadii G/Saaxil iyo M/weyneyaasha ya kuwaasi raciyadda u yihiin Rabitaankooda (Will of the Rulers) ay ku shaqaynayaan.

 

ALLAA MAHAD LEH

Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (TABLIIQI-SHARCI)

 

LIFAAQ

 1 2 12 122 22 221 212