“Muusoow Kursi Laguma Fuulo Dadka Kale In Aad Carqaladaysid Oo Dad Dhibaatayso” Jamaal Cali Xuseen

Hargeysa  (SL.Post) Musharraxa Madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi eedo u jeediyay.

 

 

 

 

Musharraxa Jamaal Cali Xuseen waxa kale oo uu dhaliilay Xisbiga go’aanka ay Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda Somaliland dib ugu celiyeen Madaxweynaha ee Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada.

 

 

 

“Muusoow kursi laguma fuulo dadka kale in aad carqaladaysid oo aad dhibaatayso, taas micnaheedu maaha Anigaa guulaysanaya. Waxan Illaahay-baa haya, haddii lllaahay noo qorayna Annagaa helayna. Faysal-na waxaan leeyahay intaad Aniga iga qaaddid Musharraxnimo intaad halkaa la istaagtid Aniga igu doorta waa habeenkii xalay oo tegay, waxaanay taasi u dhacayn, koow waxaad taariikhda noqonaysa ninkii ugu horreeyay ee Xisbi dhaca. Soomaalida ayaa Berigii hore odhan jirtay Ninku inta uu Geela dhaco ayay meel la tagi jireen. Laakiin, weli maan arag taariikhda Adduunka nin inta uu wax soo dhaco yidhaahda wixii aan soo dhacay igu doorta.” Sidaa ayuu yidhi Musharrax Jamaal Cali Xuseen.

 

 

 

Jamaal Cali Xuseen waxa uu intaas ku daray, “Guddoomiyeyaashu inay Madaxweynaha dib ugu celiyaan saami-qaybsiga may ahayn, oo ay qaadan kari waayaan go’aan waa mid daciifnimo ah ayaan anigu u arkaayay, annagu haddii aan ku dhex jiri lahaa waxaan odhan lahaa Adeer aynu ka fikirno ama sidaa aynu samayno ama sidaa. Arrintaanna waxaannu ka talla galin lahayn dad ka mid ah goboladda berrigga iyo goboladda galbeedka iyo dadka cabanaya ayaynu ka tala-galin lahayn, iyadda oo aanu talo midaysan aanu haysanno ayaannu Madaxweynaha ula tagi lahayn.”

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa