“Muuse Iyo Cirro Gacanta Ayaan Isu Saarnay, Waanay Noo Dhego-nuglaadeen” Suldaan Aadan Faarax

(SL.Post) Suldaan Aadan Faarax Cumar, oo ka mid ah Salaadiinta iyo Madax-dhaqameedka Somaliland, isla markaana ka tirsanaa Salaadiintii ka qayb qaadatay xalinta iyo soo af jarida khilaafkii muddooyinkii ugu dambeeyey u dhexeeyey Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), iyo Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in labadan masuul ay heshiisiyeen, gacantana isku saareen, balana meel ay isla dhigeen,

dsc09070-jpg

Suldaan Aadan Faarax Cumar, oo wareysi gaar ah siiyey  Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale talo u soo jeediyey Saddexda Xisbi Qaran iyo Shacabka reer Somaliland, waxaanu ugu horeyn yidhi “Haddii aanu nahay Madax-dhaqameedka ama Salaadiinta Somaliland, mar walba danta Qaranka iyo danta Shacabka ayaanu ku hawl-nahay, markii aanu aragnay in Madaxdii Qaranka iyo Madaxdii Axsaabta ee  doonayey inay iyagu dalka hogaamiyaan mustaqbalka, inay iyaga xurguf siyaasadeed soo kala dhex gashay, oo hadalo kulul is wareydaarsaday, ayaa madaama aanu nahay Madax-dhaqameedkii Somaliland, ayaa aniga iyo Salaadiin kale oo reer Somaliland ahi aanu go’aan ku gaadhnay oo isla garanay in aanu soo af jarno khilaafkan soo kale dhex galay Xisbiyada,waanu iskugu yeedhnay, oo gaacanta ayaanu isku saarnay Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Cirro, oo hadalo iyagu is weydaarsaday, nasiib wanaagna wey noo dhega nuglaadeen,  weyna heshiiyeen, weyna isa saamaxeen, khilaafkiina halkaas ayaanu ku soo af jarnay, waxayna noo balan qaadeen in khilaafkan oo kale aanu dhici doonin, ee tartan wanaagsan oo nadiifa ahi dhexmari doono, markaas Madaxda Saddexda Xisbina waan uga mahadnaqayaa sida wanaagsan ee ay noo soo ajiibeen”.

Suldaan Aadan Faarax Cumar ayaa dhinaca kale sheegay inay wali abaartii taagan tahay, oo loo baahan yahay in la iska kaashado oo loo gurmado dadka ay abaaruhu hayaan, waxaanu Saddexda Xisbi kula taliyey inay ka fogaadaan wax walba oo dhib iyo khilaaf abuuri kara

Somalilandpost.net