Muuse Biixi oo shaaca ka Qaaday Mowqifkiisa Murashaxnimada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay mowqifkiisa Musharaxnima madaxweynaha ee gudaha Xisbiga, isaga oo sheegay in cid kasta oo ka mid ah Golaha Dhexe ee xisbigu xaq u leedahay inay isa sharraxdo, isla markaana ay wada-tartamayaan haddii Madaxweyne Siilaanyo mar kale isa soo sharraxo.

Muuse BiixiGuddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo maanta la waydiiyay sida uu arko hadal dhawaan ka ka soo yeedhay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye) oo ah Mudane ka tirsan golaha Wakiilada, kaas oo ahaa in Madaxwayne Siilaanyo mar labaad u taagan yahay Musharaxa Madaxwayne ee Kulmiye, ayaa sheegay in cid kasta oo golaha dhexe ahi isa sharraxi karto isla-markaana xaq u leedahay inay ka dhex tartanto shirka Golaha Dhexe oo loo asteeyay bisha Afraad ee Sannadkan 2013-ka.

“Cidkasta oo ka tirsan golaha dhexe ee xisbigu waxay xaq u leedahay inay iska sharaxdo xisbiga gudihiisa. Aniguna waxaan ka mid ahay musharixiinta tartamaysa, markaa Madaxwaynaha iyo ciddii kale ee isa sharraxaysa waxa lagu soo kala baxayaa shirka Golaha Dhexe ee bish April,” ayuu yidhi Md Muuse Biixi oo telefishanka HCTV arrintan wax ka weydiiyey ka hor intii aanay bilaabmin khudbaddii madaxweyne Siilaanyo ka jeediyey Golaha Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Kulmiye waxa uu sheegay inaan weli la magacaabin Gudida Qaban-qaabada ee Shirweynaha Xisbiga oo loo asteeyey badhtmaha bisha April ee sannadkan, in kasta oo uu carrabaabay in haddii duruufo farsamo yimaaddaan, Xisbigu ka tashan doono.

SOMALILANDPOST.NET