Muuse Biixi oo qiray in Wasiirro Xukuumadda ka tirsani kaga Adkaadeen loolankii Siyaasadeed ee Kulmiye

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa daboolka ka qaaday inuu ku fashilmay isla markaana lagaga guulaystay loollan siyaasadeed oo u dhexeeyey hoggaanka Xisbiga oo uu isagu ka mid yahay iyo Wasiirro ka tirsan xukuumadda, kuna jira guddiga fulinta ee Kulmiye, kuwaas oo ka soo horjeestay siyaasadda hoggaamineed guddoomiye Muuse.

muuserGuddoomiye Muuse oo maanta ka qayb-galay shirka golaha Wasiirrada ee Xukuumadda oo maalin kasta oo Khamiis ah ka dhaca Qasriga Madaxtooyada, isla markaana lagu xalliyey khilaaf ka dhex-aloosnaa hoggaanka xisbiga iyo Madaxweynaha, waxa uu goobtaas ka qirtay inay wasiirrada xukuumadda ka badiyeen ciyaartii siyaasadeed ee ku dhexmartay loollanka iyo kala-jiidashada xubnaha xisbiga iyo Hanka hoggaamineed ee xisbiga.

DHEGAYSO

SOMALILANDPOST.NET