Muuse Biixi oo ka hadlay Go’aankii Maxkamadda Sare, Mucaaradkana Wada-shaqayn ugu baaqay

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweeyey go’aanka Maxkamadda Dastuuriga ahi ka soo saartay dacwad xisbiyada Mucaaradka uga gudbiyeen hay’adaha ammaanka oo is-hortaagay shir wada-tashi oo mucaaradka u qabsoomi lahaa Khamiistii maanta.

Maxkamadda Sare ee Somaliland waxa ay go’aan ka soo saartay oo shalay xisbiyada mucaaradku u gudbiyeen dacwad ka kooban laba qodob oo kala ah in laga horjoogsaday qabsoomidda shir ay ku sheegeen talo-qaran oo ay Salaasadii todobaadkan iclaamiyeen iyo in Hoteellada magaalada Hargeysa lagu soo rogay amar ah inaanay mucaaradka ka kirayn karin meheradooda.

muuseWaxa ay maxkamaddu go’aamisay in dastuurka dalka iyo xeerka xisbiyada qaranku u oggol yihiin axsaabta mucaaradka inay qabsadaan shir, balse waxa ay qodob labaad ku xustay inay reebban tahay shir Talo-qaran ku magacaaban oo ay qaban karaan mucaaradku, maadaama aanay ka mid ahayn goleyaasha Qaranka ee Dastuurka ku sugan oo kala ah Golaha Fulinta iyo Sharci-dejinta.

Haddaba, Guddoomiye Muuse Biixi oo war-saxaafadeed uu go’aanka Maxkamadda kaga hadlayo soo saaray caawa, ayaa sheegay inuu si gaar ah u soo dhawaynayo qodob saddexaad oo uu sheegay inuu ku jiray qaraarka Maxkamaddu shaacisay, kaasoo sheegaya in dhinacayada ay Doorashooyinku khuseeyaan soo af-jaraan muranka siyaasadeed ee taagan.

War-saxaafadeedka uu soo saaray Muuse Biixi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Somalilandpost.net, waxa uu xisbiyada mucaaradka ugu baaqay inay kala hawl-galaan sidii loo dhammaystiri lahaa heshiis hore looga gaadhay xilliga doorashooyinka la qabanayo oo dhexmaray saddexda xisbi qaran iyo xukuumadda, kaas oo dhigayey in wakhtiga doorashooyinka loo muddeeyey bisha December ee sannadka 2016-ka.

War-saxaafadeedka Guddoomiyaha Kulmiye, ayaa u qornaa sidan:- Xisbiga KULMIYE waxa uu soo dhawaynayaa go’aanka ay soo saartay Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland maanta oo taariikhdu tahay 23/07/2015, waxaannuna diyaar u nahay in aannu ugu dhaqanno sidiisa.

Waxa kaloo aannu si gaar ah u soo dhawaynaynaa qodobka saddexaad ee go’aanka Maxkamadda Sare ee amraya in dhinacyada doorashadu khusaysaa soo afjaraan muranka taagan.

Sidaa darteed xisbi ahaan waxaannu jecelnahay in arrintaasi laga midho-dhaliyo, iyadoo horeba KULMIYE uu ugu jiray sidii loo dhammayn lahaa khilaafkan, waxaannuna ugu baaqaynaa xisbiyada mucaaradka ah inay nalaga hawlgalaan dhammaystirka iyo hirgelinta heshiiskii hore loo galay,” Sidaas ayuu Muuse Biixi ku sheegay war-murtiyeedka uu caawa soo saaaray.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net