Muuse Biixi oo ka hadlay Dagaalkii Saaka Ciidamada Qaranku kula wareegeen Buuhoodle iyo Mawqifka Xisbiga ee Shirka Taleex

Hargeysa, 15 January, 2012 (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka hadlay mawqifka xisbiga ee ku aaddan Shirka Taleex isla markaana shacbiga ugu baaqay inay xukuumadda ku taageeraan difaaca iyo midnimada dalka.

Guddoomiyuhu sidoo kale waxa uu ka hadlay dagaalkii Saaka Ciidamada Qaranku kula wareegeen magaalada Buuhoodle isaga oo sheegay in Ciidamadu ay halkaa kula dagaaleen maleeshiyo u adeegaysa Shirka ka socda Taleex. Guddoomiyuhu waxa uu ku nuux-nuuxsaday in qaranimada iyo midnimada Somaliland ay lagama maarmaan tahay isla markaana Xisbigiisu xukuumadda ku taageeraayo difaaca dalka.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa sidaas ka sheegay shir jaraa’id oo isaga iyo xubno ka tirsan hoggaanka Xisbigu ku qabteen Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa. Guddoomiyuhu waxa uu xusay in mawqifka xisbiga talada haya ee Kulmiye  ka taagan yahay arrinta shirka Taleex uu  la mid yahay kii shalay uu madaxweynaha Jamhuriyada Somaliland sheegay, waxaana uu intaasi ku daray in midnimada, wadajirka iyo nabadgalyada qaranka Somaliland uu yahay lama taabtaan.

Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaa uu farta ku fiiqay in  shirka Taleex ay majaro habaabiyeen rag  fidnowalayaal ah oo ku soo duulay qaranimada wadanka,  waxaanu xusay in ay waajib tahay xukuumadu  inay gacan bir ah ku qabato cid kasta oo isku dayda in ay kala dhantaasho wadajirka iyo qaranimada jamhuuriyada Somaliland. Gudoomiyaha xisbiga talada haya ee Kulmiye waxa uu ku nuux-nuuxsaday in xukuumada ku barbar taagan yihiin dedaalka loogu jiro maamul fidinta, waxaanu dadweynaha ugu baaqay in xukuumada lagu barbar istaago talaabooyinka dhinacyada horumarka iyo adkeynta amaanka iyo maamul fidinta.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net