Muuse Biixi oo Afka Xidhay Xadhiga Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley iyo Hirdanka Laga Dareemay Masuuliyiin Katirsan Xukuumada oo isu seegay arintan

Gabiley, (SLpost)-Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye,  Muuse Biixi Cabdi ayaa guud ahaanba ka gaabsadey in, uu ka hadlo arinta Xadhiga Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley Aamiin Muuse Xirsi, oo Khamiistii loo gudbiyay Xabsiga Dhexe ee Gabiley kadib markii maalintii Arbacadii lagu xidhay Saldhiga Booliska Gabiley, iyadoo lagu eedeeyay in ay is af dhaafeen Xoghayaha D/hoose ee Gabiley.
Sababat uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, gacmaha uga laabtay Xadhiga Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ee Gobolka Gabiley ayaa lagu sheegay in ay ka danbeysay kadib markii, ay Saraakiisha Ciidanka Booliska Gobolka Gabiley diideen in ay amar ka qaataan Muuse Biixi oo
soo amray in si degdeg ah loo sii daayo, arintaas oo ka cakirantey dhinaca Gabiley, islamarkaana aan laga hoos qaadin in la meel mariyo amarka Guud ee Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ku dalbaday in ooda laga qaado Amiin Muuse Xirsi Gudoomiyhii Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley.

Saraakiisha Ciidanka Booliska ayaa guud ahaanba ka gaabsadey in ay tafaasiil ka bixiyaan Xadhiga Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley, iyadoo loo dhaadhiciyay Xabsiga Dhexe ee Gabiley oo uu ilaa hada ku sugan yahay , waxaana aan ilaa iyo hada ka hadal Xadhigiisa Siyaasiyiintii Xisbiga Kulmiye, ee kasoo jeeday Gobolka Gabiley kuwaas, oo hore ugu kala qeybsanaa garabyo ay ku kala feyshan yihiin how-lwadeenada Xisbiga Kulmiye ee Heer Gobol iyo Degmo.
Aamiin Muuse Xirsi, Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley, oo hada ku jira Xabsiga Dhexe ee Magaalada Gabiley, ayaa oo warbaahinta Fariin ugu soo dhiibay eheladiisa oo Xabsiga ku booqday
Jimcihii shaley ayaa sheegay, in uu ku xidhan yahay Xaq-daro islamarkaana xadhigiisa xiligani ka dhashay in lagu sii adkeeyo iyadoo aanay weyneyn sababta markii hore lagu xidhay oo uu ku sheegay, in ay aheyd muran dhex maray isaga iyo Xoghayaha D/hoose ee Gabiley C/raxmaan Nuur Abokor, waxaanu carabka ku dhuftey in lagu sii adkeeyay Xadhiga kadib markii Xildhibaan Ibraahim Axmed Heybe iyo Muuse Biixi ay masuuliyiinta Gabiley kusoo amreen in si degdeg ah loo sii daayo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka, waxa kale oo Amiin Muuse Xirsi ku cowday in ay ragii uu lamidka ahaa ee Gudoominayay Xisbiga ee Gobolada kale ee dalku ay mutaysteen xilal lagu abaal mariyay, oo Xukuumada looga dhiibay  marka laga reebo Gabiley, oo aan dib loo soo eegin waxaanu ku sababeeyay arintaasi, in ay dhinaca Madexweynaha Axmed Siilaanyo, marka layidhaa Gobolka Gabiley uu uga wakiil ahaayeen rag uu kamid yahay C/casiis Samaale, haseyeeshee, aanay wax tix galin
ah habayaraatee ku  lahayn Siyaasiyiinta Kasoo jeeday Deegaanka oo iyagu midba midka kale u muuqdey.
Majiraan wali cid ka hadashay, Xadhiga Masuulkan haday, tahay Xildhibaanada Golaha Wakiilada ugu jira Gabiley ee kasoo baxay Xisbiga Kulmiye,sida Xildhibaan Ibraahim Axmed Heybe, iyo Cabdi Casiis Muxumed Samaale Gudoomiye Kuxigeenka Golaha Wakiilada, waxaana ilaa iyo hada muuqata in sababta xadhigiisu u muuqato in loo rogay qaab wanjal ah iyadoo, sida la sheegay aanay buurnayn khilaafka dhex maray isaga iyo Xoghayaha D/hoose waxaanay dadka qaar xiligan leeyihiin wuu dhirbaaxay Xoghayaha halka qaar kalena, ay ka leeyihiin way is af dhaafeen laakiin, waxa iyagu amuurtaasi afka ka xidhay Maamulka Gobolka  iyo ka Degmada Gabiley, hadey xataa tahay Xoghayaha D/hoose ee Khilaafku dhex maray Gudoomiyaha Xidhan ee Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley.
Dhinaca kale Xoghayaha Xisbiga Udub ee Gobolka Gabiley, Aadan Maxamed Xaaji iyo Yuusuf Cilmi Dabalule ayaa si adag u cambaareeyay, xubno ku hadaly Magaca Xisbiga Udub ee heer Qaran kuwaas, oo ay ku tuilmaameen in ay sabab u ahaayeen in laga guuleysto Xisbigii Udub isalamrkaana, uu Xisbigaasi u baahan yahay gurmad iyo dad cusub oo aan aheyn Wasiiradii Xukuumadii hore, ee Madexweyne Daahir Rayaale Kaahin.

SLpost News Desk

kaafi20@hotmail.com