Muuse Biixi Muxuu ka yidhi Inuu uga Tanaasulo Madaxweyne Siilaanyo Murashaxnimada Xisbiga KUlmiye?

Hargeysa (SLpost)- Guddomiyaha Xisbiga Talada dalka haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii u horreysay tan iyo markii uu shaaciyey inuu u taagan yahay murashaxnimada Madaxweynaha ee Kulmiye bishan horaanteedii, waxa uu ka hadlay isla markaana meesha ka saaray inuu u tanaasulayo madaweyne Siilaanyo murashaxnimada doorashada la filayo inay sannadka dambe ka qabsoonto dalka.

muuseWasiirro ka tirsan Xukuumadda, ayaa muddooyinkii u dambeeyey ka hadlayey damaca madaxweyne Siilaanyo ee doorashada soo socota, waxaanay sheegeen inuu madaxweynuhu yahay murashax u taagan in labaad loo doorto hoggaaminta dalka.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo maanta waraysi siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA, waxa uu ganafka ku dhuftay Wax tanaasulaad ah oo uu cid kale u samaynayoh, isaga oo ku dooday inuu xaq u leeyahay musharaxnimada jagada Madaxweynaha ee uu uga dhex tartamayo xisbiga gudihiisa, isla markaana aanay jirin sabab uu u tanaasulo.

Goddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi oo la weydiiyey sida uu u arko Aqoonyahanno iyo Odayaal u soo jeediyey inuu u tanaasulo madaxweyne Siilaanyo, waxa uu ku jawaabay, “Maxaa loo sheegayaa tanaasul, qof kastaaba inuu is-sharaxo xaqbuu u leeyahay, xisbiyadana waxaa loo samaystay in lagu tartamo, qof kastaana wuxuu sheegayaa fikirka cidda uu taageersan yahay, sabab loo tanaasulaana ma jirto iyad oo lagu jiro xilli doorasho, waana la tartamayaa,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Hadalka Muuse Biixi Cabdi,ayaa noqon kara mid saamayn siyaasadeed oo hor leh ka dhex abuura Xisbi Xaakimka Somaliland ee KULMIYE oo maanta la kowsaday tan iyo markii shirweynuhu dhammaaday 29-kii bishii April, khilaaf hor leh oo ka dillaacay xulidda Guddiga fulinta iyo Xubnaha Golaha dhexe oo ay ku dhawaaqeen Shir-guddoonka Shirweynihii 3aad ee Kulmiye, kuwaas oo hoggaanka Kulmiye ku eedeeyey inay Xisbiga ka galeen dambi culus oo meel-ka-dhac ku ah Qawaaniinta Xisbiga.

 

SOMALILANDPOST.NET