Muuse Biixi iyo C/raxmaan Cirro oo Is-dhaafsaday Weedho Kaftan siyaadadeed iyo Hanjabaado xambaarsan (VIDEO)

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani, Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa markii u horeysay Isku-haleelay Madal Il-yartu Is-qabatay oo lagu marti-qaaday, halkaas isku dhaafsadeen weedho isugu jira Hanjabaad iyo Kaftan siyaasadeed aanay labada masuul waxba iskula hadhin.

Hadalladan, ayay labada masuul isku weydaarsadeen Munaasibad loogu wan-qalay Xarunta Guud ee Telefishanka Madaxa-bannaan ee STAR TV ku yeelanayo Hargeysa oo la daah-furay, waxaana sidoo kale xafladda lagu marti-qaaday oo goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe.

cirro_muuseMuuse Biixi oo ugu horeyn ka hadlay madasha, waxa uu dhiggiisa Xisbiga Waddani oo uu si gaar ah u bartilmaameedsaday ku dhaliilay ballan-fur uu Md Cirro kaga baxay Saddexda Xisbiga Qaran heshiis ay ku wada-gaadheen in Golaha Guurtida u gudbiyaan muddo-kordhin sannad iyo dheeraad ah oo loo sameeyo Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, taas oo saddexda xisbiba isla qaateen, balse Xisbiga Waddani kaga baxay heshiiskaas labada Xisbi ee UCID iyo Kulmiye, iyada oo sidoo kale hoggaanka Xisbiga Waddani ku baaqay bannaan-bax lagaga soo horjeedo muddo-kordhin ka badan Hal-sanno  oo ah xilliga Guddiga Doorashooyinku u qabteen inay ku diyaarinayaan qabsoomidda Doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha wakiillada oo ku beegan Bisha June ee sannadkan dambe.

Muuse Biixi oo daba-socda labadaas tallaabo ee Xisbiga Waddani kaga baydhay labada xisbi ee kale, waxa uu yidhi, “Iyadoo lay-diray Qolada dowlad ah oo wakhti badan naawilaysay, labada nin (Faysal iyo Cirro) ee aanu saaxiibka nahay, halkaa keen bay igu yidhaahdeen, Illaahay waa nagu soo guuleeyey. Maan Filayn in qolada Mucaaradku nagaga baxdo. Dhantaalankaa innagu dhacay, waxa laga yaabaa inuu inala jiitamo oo dhibaato inoo keeno. Waxaan leeyahay Xisbiga Waddani oo guddoomiyuhu isoo hor-fadhiyo oo aanaan is-xamanayn, walaalayaal haddaynu heshiinnay, haddii aynu nidhi aynu midowno, marka la oofin waayo wixii laysku ogaaday, xumaanbaa ka imanaysa. Waxaan idinku dar-daaranayaa, taasi dhacdaye, dawadeediibaa laydinka rabaa. Waxaynu hubnaa in labada cisho ee soo socda ay Guurtidu go’aan gaadhi doonto.”

ciroMuuse Biixi waxa uu ku dooday inaanay haboonayn inay mucaaradku xalka khilaafka taagan ku raadiyaan rabshado iyo bannaan-baxyo la sameeyo, waxaanu  Guddoomiye Cirro uga digay in bannaan-baxa xisbigiisu iclaamiyey xasilooni-darro ka abuuro dalka, “ Waxaan idinku dar-daarayaa hadday cabasho timaaddana inaynu si habboon oo nabadgelyo leh u kala cabanno. Ku dhali mayso, iskuna gacan-garoojin mayno waxaan samaynayaa oo dadka ku abaabulayaa Buuq iyo fowdo, Cabdiraxmaanow Yeeli Mayno. Ma doonayno inay carruurtayadu Iskuulada Mari waayaan oo mudaharaad geliso adiga oo kuwaagii Finland joogaan, kuweygu Halkanay ku dhigtaane, yeeli maayo in khatar layga galiyo,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo hadalka ka daba-qaaday dhiggiisa Kulmiye, ayaa weedho duur-xul siyaasadeed xambaarsan oo uu isku difaacayo ku ganacay Muuse Biixi, waxaanu isbar-bardhig ku sameeyey farqiga u dhexeeya wakhtigan oo uu guddoomiye Xisbi yahay iyo xilliyadii hore ee Noloshiisa, gaar ahaan sannadihii 1994-kii xilligaas oo ay dalka ka dhisnaayeen Xukuumadihii lagu soo doortay nidaamka Qabaa’ilka.

“Muuse Koorashkii (Kuliyadda xalinta khilaafaadka) Nabaddaanu ka wada-baxnayoo, barigii hore wixii laga sheegi jiray…. Waa nin nabadeed maanta sidaan filayo. Dar-daarankiisii Odaynimo wuu ku mahadsan yahay,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Cabdiraxmaan Cirro oo ka jawaab-celinayey eedda loogu jeediyey inuu labada Xisbi ee kale ku wacad-furay, waxa uu ku dooday in sababta uu heshiiskaas uga baxay ahayd kaddib markii ay u cuntami weyday fulinta heshiiska la-wada-gaadhay oo u cuntami waayey Xisbigooda Waddani, waxaanu yidhi,  “Waa run oo saddexdayada Xisbi ayaanu ku wada-galnay (wakhtiga Muddo-kordhinta), waxay u muuqatay uun howshii aanu doonaynay inaanay noqon mid aanu wada-fulin karayno, sidaa daraadeed, ayay howshii shalay u dhacday, wax badanna kaga noqon maayo.”

museGuddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, waxa uu mar kale kelmado weerar celin ah ku tuuray Muuse Biixi Cabdi, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxay ila tahay, Oday Muuse, shalay markuu Kulmiye ahaa (Mucaaradka) wuxuu samayn jiray iyo maanta waxa fool-xun maanta. Annaga Qoladayayada Waddani aad looga baqan maayo, nabadda-na looga baqan maayo, laakiin shucuurta inaan muujinno, xaqbaanu u leenahay,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

Somalilandpost.net