MUSTAXIIL: Ciidamada Liyuu Booliska Ismaamulka Soomaalida oo Dad Shacab ah ku Laayey Soohdinta u Dhaxaysa Itoobiya iyo Somaliya

MUSTAXIIL (SLpost)- Ciidamada Liyuu Booliska ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia, ayaa la sheegay inay 15 Qof oo shacab ah ku laayeen Degmada Mustaxiil ee ku taala Xadka u dhexeeya Dalalka Somaliya iyo Itoobiya.

Wararka ka Imanaya ka imanaya deegaankaas, ayaa sheegayaa in falkan xasuuqa ahi ka dhaxay  degaano u dhexeeya degmooyinka Qalaafe iyo Mustaxiil, ka dib markii sida la sheegay Kolanyo ciidankaasi ah koox hubaysani weerar ku qaadeen.

Warku waxa uu intaas ku daray in kooxda hubeysani ay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidamo ka tirsan Liyuu Booliska, kuwaasoo qasaare soo gaadhsiiyay, dabadeed-na ka baxsaday.

Ciidamada Liyuu Boolisku Iyagoo weerarkaasi ka jawaabaya, hawl-galo ay sameeyeen oo ka dhacay Qalaafe iyo mustaxiil inta u dhaxaysa, ayaa sidoo kale lagu qabqabtay dad farabadan oo qaar la dilay.

Nabadoon Cumar Shiikh Yuusuf oo ka mid ah Cuqaasha deegamadaasi ayaa warbaahinta u sheegay in Nin ay walaalo ahaayeen uu ka mid ahaa 15 qof ee la dilay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidamada Maamulka Kilalka Shanaad iyo dawladda toona, waxaanay wararku intaasi ku darayaan in dad badan la jidh dilay, isla markaana bvaro kac bulsho halkaasi ka bilaamay.

Ciidanka Liyuu Booliska oo ah cutubyo tobanaan kun gaadhaya oo u tabobaran una hawl-gala qaabka Milatariga, ayaa inta badan xad-gudubyo kala duwan ka geysta Deegaamada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, waxaanay inta badan hawl-galladooda ku bartilmaameedsadaan dadka Shacabka ah.

SOMALILANDPOST.NET