Mustaqbalka Nicolas Anelka ee Chelsea oo durba Mugdi galay

Hargeysa (SLpost Sports)- Tababare Andre Villas-Boas ayaa qirtay in Nicolas Anelka ay u muuqato inuu ka tagayo kooxda Chelsea dhamaadka xilli ciyaareedkan.Anelka ayaa ku jira sannadkiisii ugu danbeeyay ee qandaraaskiisa, waxaana Andre Villas-Boas uu shaaca ka qaaday in weeraryahanka uu isku diyaarinayo inuu dhameysto qandaraaskiisa haatan kaliya.Ciyaaryahankii hore ee xulka Faransiiska oo ay dadiisu tahay 33- jir ah ayaa mustaqbalkiisa uu mugdi ku jiray markii la caydhiyey tababare Carlo Ancelotti intii lagu jiray xagaaga.Laakiin Anelka ayaa soo jiitay tababaraha cusub AVB, iyadoo laga xushay Fernando Torres todobaadkii hore kulankii Sunderland, islamarkaana bedel ifaayo ku soo galay kulankii Champions Leagu ee Salaasadii.Layaab ma noqon doonto haddii kulanka  Manchester United dib loogu soo darro line-upka kooxda, laakiin markii la weydiiyay Villas-Boas in haddii qaab-ciyaareedka fiican ee Anelka uu ku muteysan karo qandaraas cusub waxa uu ku jawaabay:“Ma noqon karto waxa uu ciyaaryahanka filanayo inuu heshiiska cusbooneysiiyo”.

“Nico qof ahaan aad iyo aad ayuu u faraxsan yahay, waxaa uu ka mid yahayChelseasannadka ugu danbeeya ee qandaraaskiisa. Waxaan ku dadaali doonaa inaan heshiiska u kordhino laakiin Nico ayaa iska leh go’aankiisa shaqsiga. Mana hubo inuu yeeli doono”. Ayuu yidhi Tababare Andre.

Somalilandpost.net

Sports News Desk

Contact@somalilandpost.net