Mushkiladda Xuduudaha Afrika waa Caqabad Gumeystuhu ugu talagalay Shucuubta Qaaradda – By Xildhibaan Maxamed Cali (Khamriile)

Xildhibaan Khamriile
Xildhibaan Khamriile

Shirkii dawladaha reer yurub ee qaybsigii qaaradda Afrika sanadkii 1884kii magaaladda Berlin ee dalkaasi Germany, ujeedooyinka shirkaasi laga lahaa waxay ahayd   saddex arrimood:

  1. Dhinnaca Strategy-yada Milateri in looga faa’iidaysto
  2. In Khayraadka dihin ee Qaaradda la hantiyo
  3. In Diinta ,Dhaqanka iyo Hiddaha shucuubta Afrika lagu bedelo Diinta Kiristaanka, Hiddaha iyo Dhaqanka Yurub lagu faafifyo Guud ahaan Qaaradda Afrika

Ku talo-galka Qorshaha Foq ee Shirkanu wuxuu ahaa Boqol sanno ka dib in uu hirgelo ,Afrikana xoriyadooda hesho waqtigaasi( 1884-1984) eek u talo galkood ahaa balse ,waxaa dhacay dhaqdhaqaaq gobanimo doon oo ay bilaabeen halyeeyo Afrikaan ah , dhamaadkii dagaalkii kowaad ee adduunka horseedna ay u ahaayeen Sayid Maxamed Cabdille Xasan,Sheekh Bashiir, Al-Mahdi(Sudan) , Mukhtar (Aljeeriya) . nasiib darro dhaqdhaqaaqan laguma guulaysan hasayeeshe wuxuu marlabaad dib u cusboonaaday dagaalkii labaad ee adduunka dhamaadkiisi 1954aadkii  ,waxaana horseed u ahaa aqoonyahano dhalinyaro ah oo ay ka mid ahaayeen Kwama Nkruma, Patrick Lamuube, Jealas Nerere ,Kanis-Kuwunda, Jamal Cabdi Nasir, Daud-Jawari,Sheekhu-Shajaar, Xabiib-Raqiiba, Xayle Silaase, Leoprad Sengor, Axmed Banbeela, Cabdilaahi ciise , Abii bokor Tafaawe balaawa, Nelson Mandela, Axmedu-ahejo, Milton abote, Jomo Kenyatta ,Axmed Sakatotuure, Boqor Xasan. Hogaamiyayaashan Afrika waxay badankoodu ka faa’iidaysteen Loolankii quwadahii waaweynaa ee Yurub(Warsaw-Nato) waxayna gacan buuxda ka heleen dowladihii Yurubta bari ee Warsaw oo shuuci ahaa, talaabadana waxay sababtay in uu beenoobo Qorshihii Nato ee ahaa in Afrika Xoriyadda hesho sanadka 1984ka .

Sanadkii 1960 oo loo yaqaan sanadkii Afrika ee inta badan dowladaha Afrika Gobanimadooda heleen , Hasayeeshe xoriyadii AFrika laguma nasan waxaana dowladihii Afrika ka hor yimid Carqlado iyo mushkilado baaxad wayn kana mid yihiin 1. Mushkiladaha Xuduudaha, balse nasiib wanaag waxa Qodobka lagu soo afjaray Shirkii Aasaaska Midowga Afrika “OUA” ee sanadkii 1963, oo lagu heshiiyay Qodoka (111) ee charterkii OAU-da in xuduudaha Afrika loo aqoonsado sidii dowladii Qumaystuhu  kaga tageen, inkastoo aanay dowladii Somaliya aanay saxeexin waa sharci hir gelay.

Hadii aynu soo qaadano Geeska Afrika Su’aalaha xuduudaha Somaliland xuduudaheeda dhinaca( Somaliland ama British Somaliland-Italian Somaliland) waxa la jeexay lana kala saxeexday 1887kii, labadii dowladood ee Ingiriiska iyo Talyaaniga sido kale Somaliland xuduudaha Djibouti way sugan yihiin ,dhinaca Ethiopia , Somaliland waxa la jeexay 1954kii. Hasayeeshe dhulkii la odhan jiray ( Italian Somaliland) iyo Ethiopia waxay ku heshiiyeen labadii dal ee Talyaaniga iyo Ethiopia, Boqor xayle silaase heshiis qoran oo tilmaamaya 800km laga soo gaato cabirka Banaadir ,Dhinaca Koonfur Jihada uu ujeedo ayuu xadku yahay. Tusaale Feerfeer ayaa cabirka heshiiska ku qotanta. Waxaa jira meelo aan jeexnayn ama aan calaamadsanayn Khilaafka xuduudaha Afrika ma badna marka laga reebo meelo aan calaamad-sanayn (Ethiopia – Eriteria) , (Djibouti- Eriteria) , (Waqooyiga Sudan-Koonfurta Sudan).

Gebgebo, dowladaha Afrika waxaa ku waajib ah in ay qiimayn ku sameeyaan xoriyadii afrika waxay u tartay ,waxa khaldamay iyo mustaqbalka wixii lagaga gudbi lahaa. Dib u dhacan marka laga reebo South Afrika oo qaatay xoriyadiisa sanadkii 1994kii ahna dalka kaliya ee xoriyadiisa qaatay sanadkii ay Quumaystuhu ugu talogalay, inta kale waxay dhaxleen inqilaabo milateri, dagaalo sokeeyo, qaxooti, cuduro, gaajo, barokac, dayn faro badan.

Xildhibaan Maxamed Cali Axmed(Khamriile)

Tel: 4112263

Hargeisa, Somaliland