Mushkiladda Geesku Waa Mushkilad Hooggamineed – W /Q : Prof Yusuf Kaariye

Waxaan maanta qalinka u qaatay anigoo mudo aamusnaa inaan wax ka iftiimiye dhibaatada ka taagaan Geska Afrika , siiba ta ku geedaaman deganada Soomalidu kaga nooshahay.

Hadaba waxa ka dhacay Mandaqada is_bedel faran muddo aad iyo aad u gaaban . Wuxuna waxay daaranyiin mushkilad JIIL Hogaamineed oo hadeer ku kali yeeystay  dalka Somaliland .

Bal aynu ka dhugano siduu is-badalku u saameeyay Dalalkaa iyaga ah .

  • DHINACA JABUUTI

1999 ayuu AHN Madaxweynihi dalkaas Xasan Guuleed Aptidoon oo soo hayay talada tan iyo markii ay ka xoreebeen Guumaysii Faransiiska , 27 Juun 1977 , uu go’aasaday inaanu sii wada Karin ku nagaanshaha kursiga isaga markaa da’diisu ku dhawayd 80 Jir .Waxay ahayd talaabo wanaagsan oo qof u gaado inaanu si tamarkarin .

Waxa doorasho ku yimid Madaxwaynaha hada ka taliya  , Ismaaciil Cumar Geele da’diisuna ahayd 52 sano. Hadeer uu ku fadhiyo kursiga waxa uu cagacagaynaa  65 jir. Inkastoo uu xukunka ku raagay hadana dadka badankoodii waxay aaminsan yihiin inaanu weli lumIn hogaamintii dalka  .

  • DHINACA  ETHIOPIA

Waxa  dhawaan  ka dhacay dalka Ethiopia is-bedel markii  Raisal Melez Zenaoui uu geeriyooday  isagoo kunrsiga ku fuulay 36 jir oo ka soo talinayay tani 1991 hadeerna ku dhintay isaga ah 57 jir. Waxa uu ka tagay oo bedelay Raisalwasaarah maanta ka taliye Ethiopia oo da’diisu tahay 47 jir.

  • DHINACA SOMAALIYA

Somaliya oo lafteedi murugsan tahay waxa la doortay Madaxweyne Cusub oo International Communility gu ay markhaati ka ahaayeen , Xasan  Sheikh Maxamuud oo dahdidusu  dhowr iyo konton jir . Isna wuxuu u soo doortay  Cabdi Faarax oo isna ah nin 54  jir.

  • DHINACA SOMALILAND

Iyadoo aynu ka dharagsan nahay waxa kor ku xusan , ayaa waxa muuqda inaanay Somaliland la jaaqaadi  karayn wax aka socda Geeska , siiba dadka Soomaaliyeed eek u dhaqan Geeska .