Musharrixiinta golaha deegaanka Gabiley ee Urur-siyaasadeedka WADANI oo soo bandhigay Barnaamijkooda Siyaasadeed

Gabiley, 12 February, 2012 (SLpoar)- Masuuliyiin iyo taageerayaal ka tirsan Urur-Siyaasadeedka WADANI ee Gobolka Gabiley, isla markaana ay ka dhex muuqdeen xubno door ah oo u diyaara ka qeyb-galka tartanka doorashada  Dawladaha hoose ayaa u soo bandhigay Ardeyda Jaamacadda iyo Dugsiga Sare ee Timacadde Barnaamij Siyaasadeedka ururka Wadani iyo qorshayaashiisa mustaqbalka ee ku aaddan doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ee soo socda.

Munaasibad si heer sare a loo soo agaasimay oo ay Masuulyiinta iyo taageerayaasha Urur-Siyaasadeedka Wadani ku qabteen Huteelk Asker ee magaalada Gabiley, waxa ka qeyb galay, Xubno u diyaar ah murrashaxnimada Golaha Deegaanka urur-Siyaasadeedka Wadani, Ardeyda Jaamacadda Timacadde ee Gabiley, Ardeyda Dugsiga Sare iyo Marti-sharaf tira badan.

Waxa ugu horreyn halkaa hadal ka jeediyay Sacad Maxamuud Cumar oo kamid ah murashaxiinta ka hadley badheedhahooda islamarkaana madasha ka shaaciyay in ay diyaar u yihiin ka qeyb galka doorashooyinka D/hoose ee Urur Siyaasadeedka Wadani ee xubanaha uga qeyb galaya Golaha Deegaanka Degmada Gabiley kow iyo labaatanka xubnood, Waxaanu Sacad faafaahin ka bixiyay, Barnaamijka Urur Siyaasadeedka Wadani ee ku aadan dhinacyada Arimaha Bulshada iyo doorka dhalinyarada oo uu ku tilmaamay in mudnaanta koowaad siinayaan, Waxa kale oo uu xusay in Urur Siyaasadeedka Wadani sidoo kale y tix galinayaan kana qeyb galinayaan tartanka Doorashada D/hoose haweenka oo sadex xubnood looga diyaariyay, iyo ku dhaqanka Cadaalada oo bulshada u siman tahay ka qeyb galka iyo wadaaga talada Urur Siyaasadeedka Wadani.

Waxaanu Sacad Maxamuud Cumar ka jawaabay toban Su,aalood oo ay Ardeyda Jaamacada Timacade ee Gabiley u diyaariyeen islamarkaana weydiiyeen xubanaha Murashaxiinta iyo taageerayaasha Urur Siyaasadeedk Wadani

Urur Siyaasadeedka Wadani waxaanu ku door bidney hogaamintiisa gaar ahaan, Gudoomiyaha Ururka C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) oo ah Siyaasi Bilaa Turxaan ah oo daacad ah, Muddadii uu Golaha hogaaminayeyna sidii wacnayd ee uu ilaa hada u soo waday. Waa Urur Siyaasadeedka min Saylac ilaa Sool mar kaliya u dhameys tirey Xafiisyadiisii iyo Nidaamyadoodii iyo qorsheyntooduba ka ay si wanaagsan u socdaan nidaamkaasaanan u door biday uu kusocdo in aan iska sharaxo Urur Siyaasadeedka Wadani, marka aad ku cusub tahay Siyaasada waxa kaa hor yimaada carqalado badan oo u baahan talo laakiin marka aad mudo kusoo dhex jirto, waxa kuu muuqanaya Galdaloolooyin badan oo ku yimaada Maamulkaaga, sida Cadaalada oo kale waxana naga go,an in aanu si wadajir ah uga howl galno sidii loo sugi lahaa Cadaalada anaga oo dadweynahana ka wacyi galin doona bixinta laaluushka oo ah furaha Cadaalad darada”Ayuu yidhi Sacad Maxamuud Cumar.

Waxaanu intaa ku daey hadalkiisa “Urur Siyaasadeedka Wadani Haweenku door weyn ayay ku leeyihiin waxaana jira hablo badan oo qurba joog ah oo kamid ah Saraakisha sarsare waxaana Gabiley looga qorsheeyay in Golaha Deegaanka laga sharaxo sadex haween ah doorka dhalinyaraduna waa muhiimda koowaad oo Gudoomiyaha ayaa ansixiyay iyo xubnaha Baarlamaanka uu hogaamiyo in shan iyo labaatan jirku iska sharixi karo Doorashooyinka D/hoose”Ayuu yidhi.

Waxaanu ka jawaabay tobn su,aalood oo ardeyda Jaamacada weydiiyeen isagoo madasha ka tiriyay Gabey Wadani ah oo ka hadlaya Ictiraafka Somaliland.

Waxa kale oo isaguna halkaa hadal ka jeediyay C/laahi Cilmi Warsame oo kamid ah Xubnaha soo bandhigay, in ay ka go,an tahey tartanka Doorashada Golayaasha Deegaanka ee Urur Siyaasadeedka Wadani ee Golaha Deegaanka Degmada Gabiley, isagoo xusay in qof kasta oo doonaya in uu ka qeyb galo tartanka Doorashadaasi uu noqonayo qof aqoon leh oo bulshada waxa u qaban kara, isagoo Urur Siyaasadeedka Wadani muhiimada siinayo Aqoonyahanka iyo Ardeyda Jaamacadaha dalka ka baxay kuwa kujira, iyo kuwii hore u dhameysteyba.

Sidoo kalena waxa isaguna hadal ka jeediyay Madashaasi, Faarax Maxamed Aw Muuse, oo isaguna sheegay in cida dalka wax kusoo kordhin karta ee ay maanta dalka iyo dadkub u baahan yihiin ay yihiin dhalinyarada wax bartey ee Aqoonyahanka ah islamarkaana iyaga laf ahaantooda looga baahan yahay in ay doorkan si qoto dheer uga fiirsadaan taageeradooda iyo qaabka ay ku kala dooranayaan Ururada Faraha badan ee Siyaasada Somaliland ku loolamaya oo qaarkood qaaa,il ku dhisan yihiin qaar Wadaniyad ku dhisan yihuiin Sida Urur Siyaasadeedka Wadani , Waxaanu Faarax carabka ku dhuftey in ay diyaar u yihiin taageerayaashiisu Doorashada u horeysa ee Golaha Deegaanka Guulna u rajeynayo Urur Siyaasadeedka Wadani.

Waxa kale oo iyaduna madashaasi hadal ka jeedisey islamarkaana soo dhaweysay doorka uu Urur Siyaasadeedka Wadani sii yay tartanka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Degmada Gabiley Xamda Mahad oo sheegtey, in ay tahay mid muhiimad weyn ugu fadhida Haweenka kuna dhiiri galinaysa in ay xubno ka noqdaan Golaha Deegaanka si ay uga qeyb qaataan Waxaqabadka iyo Hurumarka Bulshadooda.

Waxa kale oo iyadun madashaasi ka hadhashey, Fardowsa Rashiid Cusmaan oo iyaduna soo dhaweysey Urur Siyaasadeedka Wadani doorka uu siiyay haweenka iyo dhalinyarada sheegteyna in ay taageerayaan soona dhaweynayaan islamarkaana dhiiri galinayaan haween kasta oo iska sharaxa Urur Siyaasadeedka Wadani xubanaha ku tartami doona Doorashooyinka Golaha Deegaanka.

Waxa isaguna halkaa Gabey, uu ku taageerayo Urur Siyaasadeedka Wadani, ka tiriyay Cabdi C/laahi oo kamid ah Taageerayaasha Urur Siyaasadeedka Wadani.

Ardeydii su,aalaha ku weydiisay Xubanaha isu diyaarinaya Urur Siyaasadeedka Wadani Doorashada Golaha Deegaanka Gabiley, waxa kamid ahaa Cumar Cali,C/raxmaan Dhey Lo,aad oo kmid ahaa Xulk Kubada Cagta Gobolka Gabiley iyo Ina Carab Aadan Cabdi Dube iyo Xubo kale oo kamid ah Ardeyda Jaamacada Timacade ee Gabiley.
Munaasibadan oo aheyd tii ugu horeysay ee Nooceeda ah ee ay Ururada Siyaasadu maxfal noocan oo kale a ku qabsadaan Gabiley ayaa ku dhamaatay jawi aad u Wanaagsan.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net