Musharrixii 3-aad ee UCID ugu tartamaya golaha deegaanka Hargeysa oo noqday Cabdicasiis Caga-weyne

Hargeysa (SLpost)- Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Ina-Cagaweyne) oo ka mid dhalinyarada reer Hargeysa, ayaa shaaciyey inuu u sharraxan yahay Xildhibaannada golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa, isaga oo sheegay inuu ka sharraxan yahay Xisbiga mucaaridka ah ee UCID.

Munaasibad si fiican loo soo agaasimay oo maanta loo sameeyey murrashaxa Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Ina-Caga-weyne) oo ka mid ah dhallinyarada muddada dheer ka soo shaqaynayey dawladda hoose ee Hargeysa, waqtiganna ka mid ahaa Saraakiisha dawladda hoose ee Hargeysa, oo lagu qabtay hudheelka Dalxiis ee magaalada Hargeysa waxa ka qaybgalay madax-dhaqameed, aqoonyahanno, ganacsato, masuuliyiin ka tirsan Xisbiga UCID, dhalinyaro iyo boqollaal ka mid ah taageerayaasha musharraxan da’da yar ee shaaciyey inuu doorashada golaha deegaanka ee Caasimadda uga dhex-tartami doono Xisiga UCID.

Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in qof kastaa isku soo saari doono kartidiisa, isaga oo si gaar ah farta ugu fiiaqay in musharraxan da’da yar ee tartanka doorashada golaha degaanka ka qaybgali doonaa uu yahay mid uu ku kalsoon yahay, waxaanu Xisbiga UCID kula dardaarmay inay dedaal badan sameeyaan, isagoo sheegay in inta xisbi waliba uu golaha deegaanka ka helo ay gaadhsiin doonto inuu u tartamo doorashada madaxweynimo.

“Bulshadu waxay maanta wax ku doortaan nin afkaar hufan iyo barnaamij ula yimaadda oo cod karna ah, laakiin yaa reer hebelaay cidina wax kuma doorato. Cabdicasiis waxaan filayaa waa nin dhalinyaro ah oo aftahan ah, muddo dheerna ka soo shaqaynayey Dawladda Hoose ee Hargeysa, waanu ku bannaan yahay haddii uu maanta hungureeyo Maayernimo.” ayuu yidhi Suldaan Maxamed Cabdiqaadir.

Ugaas Cabdillaahi Cabdi Xasan (Xawaareeye), oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa soo dhaweeyey Musharrax Cabdicasiis, isla markaana sheegay inuu ku guulaysan doono tartanka doorashada golaha deegaanka Caasimadda, waxaanu yidhi; “Cabdicasiis meel kale kamuu iman waa dadkii ciidda Hargeysa u dhashay, hadduu maanta Xildhibaan noqdana dawladda hoose ee Hargeysa kuma cusba ee wuu ku barbaaray. Waxaanan hubaa inuu Cabdicasiis deegaanka Hargeysa ka heli doono codka uu u baahan yahay iyo ka badan-ba, waanan soo dhawaynayaa..”

Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga mucaaridka ah ee UCID,  Aadan Jaamac Hoorri, oo munaasibaddaa hadal ka jeediyey, ayaa sheegay inay tan iyo markii Guddiga diiwaangelinta ururrada siyaasadda Somaliland 20-kii bishii April ee sannadkan shaaciyeen natiijada ururrada u tartami doona doorashada golayaasha deegaanka ay hawlgallo muhiim ah iyo abaabul xooggan oo ay ku soo xulayeen xubnaha Xisbiga ugu tartami doona doorashada dawladaha hoose, kuwaasoo uu xusay in Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Caga-weyne) safka hore kaga jiro dadka karaamada leh ee Xisbigu go’aansaday inay u sharraxaan golaha deegaanka Caasimadda.

Guddoomiye ku-xigeenku waxa uu sheegay in loo baahan yahay in dad nadiif ah, isla markaana sumcad wanaagsan bulshada ku dhex leh loo soo xulo inay u tartamaan golayaasha deegaanka Somaliland ee la filayo in doorashadooda bilaha soo socda ee sannadkan loo dareero. Waxaanu tilmaamay in UCID oo arrintaa ka duulaysa ay weli u socoto xulashada dadka ku habboon inay bulshada xil u qabtaan ee dhawrsoon Akhlaaqiyan, Diiniyan iyo Dadnimo ahaanba.

Sidoo kale, Xoghaye ku-xeenka Xisbiga UCID Cabdinaasir Yuusuf Ismaaciil (Qodax) oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inay xisbigan isbeddel weyn ku samayn doonaan, isla markaana ay weji cusub oo dhalinyaro iyo aqoonyahanno ah keeni doonaan, waxaannu sheegay inay xisbi ahaan soo dhowaynayaan murrashaxan da’da yar.

Guddoomiyaha Garabka Haweenka heer Qaran ee Xisbiga UCID Xaliima Cismaan Raage, ayaa sheegtay xulashada Xisbiga UCID ku soo sharraxay Musharrax Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Ina-Cagaweyne), ka sokow beelaha uu ka soo jeedo dhalasho ahaan iyo beesha reer Abtigii si kalsooni leh ugu soo xuleen inuu u tartamo xildhibaannimada golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa, isla markaana ay ugu bushaaraynayso inuu cod aqlabad ah ku soo bixi doono Insha Allaah.

Cuqaasha beesha uu ka soo jeedo Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Caga-weyne), oo iyaguna halkaa ka hadlay ayaa ugu duceeyey Musharraxa da’da yar inuu Illaahay ku guuleeyo tartanka uu u geli doono doorashada golaha deegaanka Hargeysa, isla markaana waxay ku dardaareen inuu noqdo Wiil dhawrsoon oo bulshadiisa u adeega ee aan isagu jeebadaha buuxsan haddii uu ku guulaysto doorashada dawladaha hoose ee Caasimadda Hargeysa.  Cuqaashu waxay intaa ku dareen inay musharrax Cabdicasiis si kalsooni buuxdaa ku jirto beel ahaan ugu soo xuleen inuu noqdo Musharrax u tartama doorashada galaha deegaanka Hargeysa, sidaa daraaddeedna ay la garab istaagi doonaa duco, hoo iyo hiilba wakhtiga doorashada.

Gebo-gabadii munaasibaddaa, ayuu Musharrax Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Ina-Cagaweyne) hadal kooban ka jeediyey, waxaanu sheegay inuu guulo weyn ka soo hoyn doono tartanka doorashada innagu soo fool leh ee golayaasha degaanka, isaga oo intaa ku daray inuu ummadda uga faa’idayn doono waayo-aragnimada iyo khimbarrada uu u leeyahay hawlaha dawladda hoose.

Mr. Cabdicasiis waxa uu ballan-qaaday in haddii uu ku guulaysto Xildhibaannimada golaha deegaanka Caasimadda doorashada soo socota ee dawladaha hoose uu u tartami doono Maayer-nimada Caasimadda, isla markaana uu qorshihiisu yahay sidii uu magaalada Hargeysa ula tartansiin lahaa Caasimadaha Adduunka. “Anigu isumaan sharrixin inaan ka shaqaysto golaha deegaanka, isumaan sharrixin in Xildhibaan la I yidhaahdo, ee waxaan isu sharraxan inaan khibraddayda iyo waaya-aragnimadayda aan u leeyahay shaqada dawladaha hoose dadkayga iyo dalkayga uga faa’iidooye. Anigu waxaan shaqada dawladda hoose ee Caasimadda ka bilaabay karraaninnimo, waxaan noqday cashuur-qaade, illaa aan ka soo gaadhayey Guddoomiye ku-xigeen shanta waaxood ee Hargeysa mid ka mid ah, sidaa daraaddeed wax badan oo shaqada dawladda hoose ah ayaan fahmi karaan oo aan fahansanahay.” Sidaa ayuu yidhi Musharrax Cabdicasiis Caga-weyne.

“Waxaan halkan ka caddaynayaa inaan ahay musharrax u taagan inuu u tartamo doorashada golaha deegaanka ee Caasimadda Hargeysa, oo weliba haddii aan Xildhibaannimada golaha deegaanka ku guulaysto waxaan ku rejo weynahay inaan u tartamo Maayer-nimada Caasimadda Hargeysa Insha Allaah.” ayuu yidhi Cabdicasiis Caga-weyne. Musharraxan da’da yar, Cabdicasiis Caga-weyne, ayaa sheegay in beesha uu ka soo jeedo ee Ciidagale, gaar ahaan Cabdi Ciise ay kalsoonidooda wada siiyeen inuu u tartamo Xildhibaannimada golaha degaanka ee Hargeysa, waxaanu u mahad-naqay cid kasta oo Xafladda ka soo qaybgashay, Beesha soo xushay iyo Xisbiga UCID ee u soo xushay inuu noqdo musharrax u tartama doorashada galaha deegaanka ee Caasimadda.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net