Musharaxa Xisbiga UCID Oo Ka Digay Mar Labaad Dib U Dhac Ku Yimaada Doorashooyinka Somaliland

Hargaysa(SLPOST) Musharaxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga UCID, Mud: Jamaal Cali Xuseen ayaa markale ka digay dibudhac ku yimaada doorashooyinka Somaliland la filaayo inay ka qabsoomaan sannadka 2015.

jamka

Mud: Jaamal Cali Xuseen oo saxafadda maanta kula hadlaayay Magaaladda Hargaysa, wuxuu sidoo kale ka waramay safar dhawaan saddexda Guddoomiye ee Xisbiyada Qaranku ugu bixi doonaan waddanka Kenya, halkaas oo ay wadahadalo kula yeelan doonaan deeq bixiyaasha Somaliland ka tageera doorashooyinka, waxaana hadaladiisi kamid ahaa.

Musharaxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga UCID, Mud: Jamaal Cali Xuseen

“Waxaa muhiim ah in waxyaabaha loo baahan yahay ee doorashooyinka khuseeya hore loo qabto, oo aan markiiba lagu boodin dibudhac ku yimaada doorashooyinka, arrinta dibudhigida doorashooyinka mid taala maha, Madaxweynaha Somaliland waxaa isna laga hayaa in aanu hal maalin dib u dhigidoonin, hadalkaas ayaanu annagu ka haynaa, waxaa kale oo jira in xooga tafaahum la’aan ahi ka dhaceen diwaangalint codbixiyaasha oo ay wadeen waddamada ina tageera, iyo diwaan galinta muwaadiniinta, tiina hadda waa laysla  gartay in aanay caqabad isku noqonayn, oo wixii ay kala faa’iidaysan karaan is dhaafsadaan lakiin aanay is carqaladayn.” Musharaxa Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen wuxuu sidoo kale ka waramay safar dhawan la filaayo inay Guddoomiyaasha Saddexda Xisbi Qaran ku tagaan dalka Kenya, wuxuuna isagoo arrintaasi ka hadlaaya yidhi.

“Waxaa iyana jirta inay dhawaan Guddoomiyaasha Xisbiyadu socdaal ku tagi doonaan waddanka Kenya, halkaasna ay shirar kula yeelan doonaan deeq-bixiyaasha caalamiga ah ee inaga tageera doorashooyinka, si loo diyaariyo dhaqaalihii lagu qaban lahaa doorashooyinka inagu soo foolka leh”.

Musharax Jamaal Cali Xuseen ayaa hore uga digay in wax muddo kordhin ah laga sameeyo dalka, wuxuuna dhawaaqiisan haddu noqonayaa markii labaad ee uu ka digo arrintas.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

Somalilandpost@live.com