Musharax Jamaal Oo Xukuumada Ku Dhaliilay Xadhiga Madaxdhaqameedka Uguna Baaqay Inay Soo Dayso

 

Hargeysa(SLpost)-Musharaxa madaxweyne ee xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Jamaal Cali Xuseen, ayaa xukuumadda ku dhaliilay xadhiga ay kula kacday salaadiinta iyo boqorada Somaliland.

Waxaanu ugu baaqay sida ugu dhakhsaha badan inay ku soo dayso suldaan Sabeyse, Suldaan Ibraahin Sulub iyo Boqor Taabi, waxa uu arintan kaga hadlay qoraal kooban oo uu soo dhigay barta bulshada ee Facbook, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan”Waxaa la xidhay Boqor Raabbi, Suldaan Sabeyse, Suldaan Ibraahim Sulub. Nimankaa madax dhaqameedka ah ee Bulshada sharafta ku dhex leh maaha in fikirkoodda lagu cabudhiyo oo xoriyadoodda la weeraro. Sharcigu miyaanu ahayn marka qof wax Lagu soo eedeeyo Ee ay maxkamaddi xukunto ayaa la xidhi karaa. Arrinkani ma mid dadka lagu mashquulinayo oo boobka hantidda ummadda lagu jeedinayo baa? Waxaa iigu yaab badnaa markay xukuumadu tidhi dadka ayeey kicinayaan oo sababtaa darteed baanu u xidhaynaa. Horta dadka yaan la caayin ileyn caqli bay leeyahiinoo maaha dameeri dhaan raacdaye. Waa mida labaade horta ma dawladda dadka hantidoodii boobaysa ayaa kicinaysa dadka mise madax dhaqameed ka gilgishay xumaha oo dareenkoodda muujiyey. Waxaan ku talin lahaa inaan xuquuqul insaanka lagu xad gudbin oo madax dhaqameedkan xoriyadooda loo soo celiyo. Waftigii Ugu danbeeyey ee Caalamka ka socday ee xukuumadda la hadlay ayaa aad ugula hadlay arrinta xoriyadda muwaadiniinta Somaliland oo ay xukuumaddu god madow ku riday beryahii u danbeeyey. Ilaahay ha sahla amuuraha.”