Musharax Jamaal Oo Dhaliilay In Xisbiyadu Ay Bixiyaan Kharashka Ku Baxaaya Goobjoogayaashooda Diiwaangalinta

Hargeysa(SLpoat)-Musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa dhaliilay in xisbiyada la waydiiyo xubnaha u joogayo goobaha diiwaangalinta kharashka ku baxaaya iyada oo aan doorashii la gaadhin.

Waxa uu sidan ka sheegay Jamaal Cali Xuseen mar uu maanta ka hadlaayay xaflad xisbiga Ucid uu ku soo dhawaynaayay taageerayaal “Waxa layna leeyahay dadka goobaha u joogay xisbiyada diiwaangalinta qaranka ee umadda Somaliland oo dhan lagu diiwaangalinaayo, maaha hada waa la codaynayaa, waanu garanay hadii maalinta codka dadka noo jooga ay lacagtooda xisbiyadu bixiyaan, laakiin in nala yidhaahdo diiwaangalintii xubnii soo dirsada oo lacagtana bixiya, bajadkii dhamaa ee diiwaangalintana aan la’la xisaabtamin, arinkaas mid cusub ayaanu u aragnaa ee xaguu ka dhacay bajadkii loogu talo galay diiwaangalintu.”