Musharax Jamaal Cali Xuseen Oo ka Hadlay Go’aanka Golaha Wakiilada ee Madaxweynuu Dib Ugu Soo Celiyay

 

Hargeysa(SLpost)-Musharaxa madaxweyne ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay go’aanka golaha wakiiladu uu ku laalay haamaha shidaalka kirayntooda  ee uu madaxweynuu golaha ku soo celiyay.

Waxa uu musharax Jamaal xukuumada ku eedeeyay mid haamaha shidaalka albaabada isugu laabtay intii ay gacanta ku haysay inta hadhayna kiraynaysa, waxaan isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi“Dawlada waxa uu dastuurku u siiyay marka arimahu ay hiyiin kuwo daruuri ah waana run oo ma diidanin, waxaanu dastuurku yidhi marka ay culaysdhaqaale arinkaasi uu ku abuurayo dalka waa in golaha wakiilada la mariyaa, golaha wakiiladu meesha ka biximaayaan ee masuuliyada qaranka ayay qaybkayihiin, waynu garan karnaa doorka ay haamahu ka ciyaaraan dhaqaalaha dalkeenan fiqiirka ah, Cigaal TOTAL oo shirkad caalami ah  ayuu ka kireeyay haamaha Riyaalena waa uu siiwaday, laakiin maalintii ay xukuumadani timi waxay tidhi hantidii dalka ayay shirkadi ku tagrifalaysaa, hadab maxaa keenay markay shansano maalaysay kadib inay tidhaahdo waanu iibinaynaa.aniga ayaa runta idiinka sheegaya sida ay wax u jiraan waxaynu ognahay in markii shirkadii TOTAL la’la galay heshiiska foostada toban doolar ayaa la saari jiray markaas qasnada dawlada waxa ku dhici jiray shan dolar, shanta kalen shirkada ayaa qaadan jirtay oo badhna haamaha ku dayactiri jirtay badhna waxii ay gashatay kaga soo ceshan jirtay.”

Shurax Jamaal oo hadalkiis sii wataa waxa uu yidhi“dawladani markay timi waxa ay ka dhigtay 14 dolar oo todobana ay qasnada ku dhacaan todobana uu maamulka haamaha shidaalku qaado oo ay iyagu toos u qaataan, markaas lacagtii lagu dayactiri jiray haamaha laguma dayactirin, shantii sanadoodana 24-kii haamood lixbaa ka shaqaynaaya, dhuumihii shanta ahaa midbaa inoo shaqaynaysa  dhuuntaasi haday jabto dalka waxay ku keenaysaa fawdo, waxay ku keenaysaa nabadgalyo daro oo hadii dalka la soo weeraro oo aanu shidaal haysan waa dhib, hilibkii ayaynu arkaynaa halka la marinaayo ee ma haamaha ayaynu ku aaminaa ganacsato shacab ah.”