Musharax Hanad Xaashi Axmed Iyo Taageerayaashiisa Oo Si Weyn Uga Dhex Muuqday Maalintii Ololaha KULMIYE

Hargeysa (SLpost)- Musharax Hanad Xaashi Axmed Caydiid Oo Ka mida Murashixiinta Xisbiga Kulmiye Uga sharaxan Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa Iyo Taageerayaashiisa Ayaa maanta si Layaab leh uga qayb qaatay Ololihii Xisbiga Kulmiye.

Taageerayaal Aad U tiro Badan oo lulayey Oo Astaanta Xisbiga KULMIYE iyo Sawirada Musharax Hanad Xaashi Axmed Caydiid oo adeeganayey Gaadiid tiro badan ayaa saaka Damaashaad ka Bilaabay Jidadka waaweyn ee Ee Caasimada Hargeysa, iyaga oo markii dambena isugu Soo Biyo Shubtay fagaaraha Beerta Xoriyada Hargeysa oo uu ka socda Dabaal Dagii weynaa ee dhamaan Musharixiinta Xisbiga KULMIYE.

Musharax Hanad Xaashi Axmed Caydiid Oo ka hadlay Xarunta Beerta Xoriyada ayaa Khudbad kooban u jeediyey Taageerayaashiisa isaga oo Ugu Baaqay In Hadii Ay Codkooda Siiyaan Uu Wax Ka Qaban Doono Adeegyada ay Dawlada Hoose u qabato Dadka ku dhaqan Caasimada Hargeysa.

Hadaladiisiina waxa ka mid ahaa “ Dadweynaha Reer Hargeysow hadii aad ii Codaysaan waxaan wax weyn ka qaban doonaa Adeegyada aas-aasasiga ah ee Caasimada , waxa horumarin doonaa Shaqada ay qabato Dawlada Hoose ee Hargeysa, Codkiina ugu hiiliya Hargeysa, ana waxaan iga balan ah inaan Masaxdayda , Muruqayga, iyo naftayda u hurindoono Harumarinta Caasimada Hargerysa, Namberkayga Codaynuna waa 317.” Ayuu yidhi Murashax Hanad Xaashi.

Ka dib markii ay dhamaatay Munaasibadii Beerta Xoriyadu ayey Musharax Hanad Xaashi Axmed Caydiid Iyo taaageerayaashiisu dib u bilaabeen Damaashaadkii iyo dabaal degyadii ay ku muujinayeen Cududooda taageero ee ay ku leeyihiin Magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa, iyada oo dabaal degyadaasina ay si Nabada ugu dhamaadeen.

Somalilandpost.net

Hargeysa News Desk