Mushaharka ay Sannadkii qaataan 13 ka mida Hoggaamiyeyaasha Dunida oo Madaxweyne Siilaanyo ku jiro

Hargeysa (SLpost)- Akhristeyaasha ku xidhan Shabakadda Wararka ee Somalilandpost.net iyo guud ahaan umadda Afka Soomaaliga ku hadasha, waxa aanu halkan ugu soo gudbinaynaa baadhis lagu soo bandhigay Mushaharka ay sannadkii qaataan 12 ka mid ah hoggaamiyeyaasha waddamada ugu waaweyn adduunka dhinaca Dhaqaalaha iyo kuwa dunida saddexaad ee dhaqaalahoodu soo kobcayo.

1Hoggaamiyeyaashan 12-ka ah ayaa isugu jira madaxweyneyaal waddamada Maraykanka, Russia, France, Brazil, South Africa, China iyo Raysalwasaareyaasha dalalka Britain, India, Canada, Japan, Italy, Germany.

Sida ay baahisay Shabakadda AfricanAffairs, liiskan waxa hoggaaminaya isla markaana mushaharka ugu badan qaata sannadkii madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo jeebadda ku rita sannadkii $400,000. Liiskan waxa qaaradda Afrika kaga jira Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma oo isagu sannadkii qaata $223,500, isaga oo ka mushahar badan Madaxweynaha waddanka labaad ee ugu dhaqaalaha badan dunida ee Shiinaha Mr Jin Ping oo isagu sannadkii mushahar ahaan u qaata $22,000 (laba iyo labaatan Kun oo Dollar) isla markaana liiska 12-kan hoggaamiye xagga ugu hoosaysa kaga jira.

2 34 56 7 8 9 10 11 12Madaxweyne-axmed-Siilaanyo2Sida lagu Ansixiyey ODOROSKA MIISAANIYAD-SANNADEEDKA 2015-KA , Mushaharka Madaxweynaha Somaliland, ayaa dhan 819,800,000 Shilin Somaliland (Siddeed boqol Sagaal iyo Toban Milyan iyo Siddeed Boqol oo Kun Shillinka Somaliland ah, taas u dhigan 117,000 Dollar (Boqol iyo Todoba iyo Konton Kun oo Dollar), taas oo ka dhigaysa inuu ka mushahar Badan yahay Raysalwasaaraha dalka Hindiya iyo Madaxweynaha Shiinaha.

SOMALILANDPOST.NET