Murrashaxnimada Xaglo-toosiye: Xaqiijinta Himilooyinkii hoggaaminta! by: Weriye Saleeban Kalshaale

“Fursadaha Xisbiga Kulmiye dhaxli doono haddii uu Wasiir Xaglo-toosiye ku guulaysto Murrashaxa Madaxweyne ku-xigeenka” Falanqeyn; Qalinkii. Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

Xisbiga  Kulmiye waxa uu todobaadkan qabanayaa  Shirkii golaha dhexe ee xisbigaas, kaasoo lagu dooran doono Murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka u tartami doona Doorashada Madaxtinimada ee shanta sannadood ee soo socda.

Ugu yaraan sagaal Murrashax ayaa  illaa hada isu soo taagay Murrashaxnimada Xisbiga ee  labadan jaggo, kuwaasoo ay intooda badani shaaciyeen inay u tartamayaan Jagada madaxweynaha xisbiga ee Mustaqbalka dhow.

Inkasta oo uu Shirku wakhtigiisii qabsoomay, waxa jira khilaaf xisbiga dhexdiisa ka aloosnaa tan iyo markii la iclaamiyey qabsoomida Shirka Golaha dhexe ,kaasoo sababay inay Murrashaxiinta qaarkood ilaa hadda dibada ka joogaan diyaar-garowga ka qayb-galka Shirka, isla markaana  ay lumiyaan  jaran-jarooyinka sharci iyo shuruudaha loo baahanyahay inay buuxiyaan ka hor intaan la gaadhin Maalinta Shirka ee doorashaada Murrashaxiinta.

Inta la ogyahay afar Murrashax oo qudha ayaa buuxiyey waajibaadka sharci ee looga baahanyahay Murrashaxiinta tartamaysa, shuruudahaasoo ah;  xaqiijinta dambi la’aanta, shubista lacagta Fee-ga ah, ku qanacsanaaanta natiijada Shirka iyo Shuruudaha kale ee ay shuruucdu ku waajib yeeshay.

Afartan Murrashax ee isu diyaariyey Shirka Xisbiga ee Maalinta salaasada furmaya,  waxa kamid ah Madaxweyne ku-xigeenka iminka talada haya Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), oo labadooduba u taagan Murrashax Madaxweyne ku-xigeen.

Saylici iyo Xaglo-toosiye

Murrashaxnimadda labadan Siyaasi, ayaa ah mid todobaadkan dambe si weyn xalad u yeellatay, isla markaana indhaha Siyaasaddu fiiro gaar ah ku eegayaan, kaddib markii Murrashaxa Saleeban Xaglo-toosiye uu dar dar geliyey olollihiisa ku wajahan kasbashada xubnaha Golaha dhexe ee ay isaga iyo tartameyaasha kaleba codka ka doonayaan.

Inkasta oo bilowgii, aan la filayn in hirdanka Murrashaxa Madaxweyne ku-xigeenku miisaankan yeellan doono, waxay bishu bulshada horteeda timi markii uu Wasiir Xaglo-toosiye isu tubay, garoomo mucayim ahna ku soo bandhigay daraasiin kamida taageerayaashiisa xubnaha  golaha dhexe oo uu qayb-qayb ugu qaabiley kulamo is-daba joog ah, taasoo culays baaxaddiisa leh iyo af-kala-qaad ku noqotay Madaxweyne ku-xigeenka oo aad moodo inaanu kolkii hore dareen badan ka qabin arrintan.

Si kastaba haku timaado, hana loo miisaamee, doodda Siyaasaddeed ee Rayul-caamku waxay hadda maraysaa heer ay labadan Murrashax isku meeqaam iyo isku-miisaan ula muuqdaan dadka Siyaasada lafa-gura iyo daneeyayaasha Xisbiga Kulmiye, waxaanay taasi iftiiminaysaa in la jabiyey laba arrimood oo saaxada Siyaasada looga bartay.

1-      Tartankani wuxuu meesha ka saaray, isla markaana haddii aanu saaxadaba ka riixin  uu jabiyey   Koto-dhaqameedkii reer Awdal loogu xidhay kursiga Madaxweyne ku-xigeenka dalka, taasoo ahayd maslaxad aan sharci ku dhisnayn, balse saami-qaybsiga kuraasta dalka lagu saleeyey Cahdigii lagu jiray dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha dawladnimo.

2-      Waxa kale oo uu hadh-cad hadhuudhlaha ku daray aragtidii tabnayd ee ay dadka badankiisu ka qabeen Siyaasiyiinta Gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, kuwaasoo aan marna la filayn inay wakhti dhow ku dhiiran doonaan inay u tartamaan kuraasta ugu sareysa dalka,.

Saylici

Si kooban haddii aan isu dul-taagno Sooyaalkooda Siyaasaddeed labadan Murrashax;

> Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici waa Madaxweyne ku-xigeenka  Xukuumadda talada haysa. Sanadkii 2008-dii ayaa loo doortay Murrashaxa Madaxweyne ku-xigeen ee xisbiga Kulmiye. Wuxuu ahaa siyaasi si fudud ku soo fuulay salaanka Siyaasada iyo meeqaamka Madaxtinimo,  Intii uu Madaxweyne ku-xigeenka  ahaa oo hadda gaadhaysa  5 sanno iyo bilona, saameyn maamul iyo mid siyaasaddeed oo uu taageero ku kasbaday kumuu lahayn saaxada.

Sidoo kale, Gobolka Awdal ee uu ka soo jeedo, waxa la aaminsansanyahay inaanu ku lahayn taageero  shacbi oo gaadhsiisan heerkii la rabay, iyadoo intii uu xilka hayey ay gobolka ka dhaceen mashaqooyin fara badan oo qarkood ugu ku yihiin hab-dhaqanka iyo qadiyada Bulshada Gobolka, xalintooddana uu ilaa hada faro-madhan ka joogo. Tusaalena waxa inoogu filan dhacdooyinkii u dambeeyey ee Magaalada Boorama ka dhacay ilaa dhamaadkii sanadkii hore.

Xaglo-toosiye

Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), waa Wasiirka Caafimaadka Somaliland. Waa siyaas hankiisa siyaasaddeed u soo maray jid dheer oo raf iyo rafaad badan. Wuxuu markii ugu horaysay  saaxada Siyaasadda Soomaalida ka soo dhex muuqday sanadkii 2007-kii, xilligaasoo uu ka qayb-galay doorashadii madaxtinimada ee  Maamul-gobolleedka Puntland , wallow aanu ku guulaysan oo inta aan ognahay ama taariikhdu xustay hannashada mansabka uu isu taagay oo ahaa Kursiga Madaxweynaha iyo ku-xigeenkaba,  lagaga reebay hab-qabyaaladdeed oo ka baxsanayd miidaankii lagu loolamayey.

Waa Siyaasi inta aan ka baranay, go’aan qaadasho, samir iyo kal-adaygnimo kaga soo gudbay marxalado raad-reeb ku yeeshay gobollada uu ka soo jeedo iyo geyiga Somaliland. Waa Shakhsi ku dhac iyo dhiirranaan qoto dheer looga bartay, kana muuqdaan badi  astaamaha  lagu garto hogaamiyeyaasha mustaqbalkoodu waaro, kuna guulaysta himillooyinkooda fog iyo hindiseyaashooda Siyaasaddeed.

Inkasta oo aan qalin iyo qormo toona lagu koobi Karin taariikheed-siyaasaddeedka Masuulkan oo hadii  aynu bar-bar dhigno dhigiisa hadda ku fadhiya kur-siga Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ee uu loollanku ka dhexeeyo, kaasoo  ay  wakhti  isku dhow soo fuuleen salaanka sare ee garoonka Siyaasada, waxyaabaha cajiibka ah ee uu koobka hogaaminta ku qaaday waxa kamida; hormoodnimadii isbedel doonka Bulshada  Gobollada uu ka soo jeedo , taasoo uu sahankeedii iyo sal u dhigisteediiba halkan ku soo gaadhay, wallow uu sur-suur adag iyo sallow colaadeed u soo maray.

Sida la rumaysanyahay, loogana bartay, Xaglo-toosiye waa Nin Colaad iyo nabad-ba wax ka tari kara. Wuxuu tusaale cad u yahay  halgan iyo hayaan guul ku dhamaaday. Waxa uu hormuud u  colaad nabad ku dhamaatay, wuxuu horseed u yahay maamul-daadejin iyo midnimo qaran. Wuxuu hor-gale u yahay hayaan  iyo bulsho la hagraday. Waa xaq u dirir xoriyad iyo xeelad ku socda.  Waa hogaamiye mustaqbalkiisa u soo shaqaystay,  waxaanu ceelalyo u yahay soo afjarida fofaanshiyihii  Siyaasaddeed ee gobollada uu ku abtirsado. Sidaas darteed waxa uu mudan yahay  in la siiyo fursad uu kaga jibo gaadho, kuna xaqiijiyo himilooyinkiisa hogaamineed.

Kulmiye iyo Xoglo-toosiye

Mugdi kuma jiro inuu mug iyo miisaan ku soo kordhiyey xisbiga Kulmiye muddadii uu xukuumadda ka tirsanaa. Waxa kale oo ay xeel-dheerayaasha Siyaasaddu rumaysanyihiin in Murrashaxnimada Xaglo-toosiye fursad  cusub u tahay xisbigan iyo asxaabta kale ee Mucaaridka ah; Waayo waxa uu haystaa, islamarkaana xisbiga uu hormuudka  uu noqdaa kasbanayaa taageerada shacbiga ku dhaqan Gobollada Badhan ilaa Buuhoodle  ama SSC (Sool, sanaag iyo Buuhoodle).

fursadaasoo  ah mid marka waxa kale oo dhan laga tago uu dheer yahay  Md. Cabdiraxmaan Saylici, ayaa hadii uu xisbiga Kulmiye dayaco wakhtigan, kana door-bido  raali-gelinta Mujtamaca  reer Awdal ee biseylka siyaasaddeed dartii saddexda xisbi Qaran u kala qaybsan,  waxa muuqata inay xisbiyada kale  ka faa’idaysan doonaan jaaniskaas oo aan la barbar dhigi Karin baaxaddiisa gobollada Awdal iyo Selel ee uu ka soo jeedo Madaxweyne ku-xigeen Cabdiraxmaan Saylici.

Saleeban Cabdi Cali

Suxufi Falanqeeya Arrimaha Siyaasada

Hargeysa/Somaliland