Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Oo Ku Tilmaamay Marxuum Abwaan/Macalin Cali Xasan Aadan (Cali Banfas) Halyey Ka Baxay Bahweynta Suugaanleyda Af-Ka Soomaaliga Iyo Umadda Reer Somaliland-ba.

“Marxuum Abwaan Cali Banfas waxa uu ka mid ahaa Suugaan-yahanadii calanka u siday hal-abuurka Soomaalida sanadihii 1980-kii, waxaanu kaga door-roonnaa in baddan oo bahda Murtida ay wada ahaayeen dhiiranaan iyo hal-adayg aanu runta la gaban jirin haday mur ka qadhaadh tahay”. Jamaal Cali Xuseen

jamaal-cali-xuseen2

Hargeysa(SLpost):-Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Qoyskii, eheladii, qaraabadii, Suugaanleydii iyo guud ahaan umadda reer Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariiste Abwaan/Macalin Cali Xasan Aadan (Cali Banfas) oo maanta si heer qaran ah loogu aasay Magaalada Hargeysa,Kadib markii isla maanta geeriyooday.

Sidaa waxa uu Jamaal Cali Xuseen ku sheegay qoraal uu soo saarey, waxaanu u dhignaa qoraalkaasi sidan:

“Aniga oo ku hadlaya magacayga, kan Xisbiga, iyo ka taageerayaasha Xisbiga UCID ee ku kala nool dunidda dacaladooda, waxaan halkan tacsi uga dirayaa Alle ha u naxariiste Abwaan Cali Xasan Aadan (Cali-Banfas) oo maanta lagu aasay Magaalada Hargeysa. Alle ha u naxariiste Marxuum Abwaan Cali Banfas waxa uu ka mid ahaa Suugaan-yahanadii calanka u siday hal-abuurka Soomaalida sanadihii 1980-kii, waxaanu kaga door-roonnaa in baddan oo bahda Murtida ay wada ahaayeen dhiiranaan iyo hal-adayg aanu runta la gaban jirin haday mur ka qadhaadh tahay.

Waxa uu ahaa Marxuumku Nin wanaagsan oo dadka jecel oo Suugaantiisa aad looga wada-yaqaano dhulka Soomaalidu degto,waxa uu ahaa Macalin, isla markaana waxa uu ka mid ahaa Mujaahidiintii SNM isaga oo kaalin miisaan leh ka soo qaatey halgankii dib u xoreynta dalka, halkan kuma soo koobi kareyno taariikhda Marxuum Abwaan/Macalin Cali Xasan Aadan (Cali Banfas).

Marxuum Cali-Banfas waxa uu ahaa halyey ka tagay taariikh lagu xasuusan doono, waxaanu muddooyinkii ugu danbeeyey bukaan-jiiff ku ahaa Magaalada Hargeysa.

Waxaan si gaara u tacsiyadeynayaa qoyskii,eheladii, qaraabadii,Bahweynta Suugaan-leyda Af-ka Soomaaliga ku hadasha iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariiste Marxuum Cali Xasan Aadan (Cali Banfas) oo maanta si heer qaran ah loogu aasay Xabaalaha Magaalada Hargeysa, kadib markii uu isla maanta geeriyooday.

Geeridu waa xaq oo naf-kasta way dha-dhamin doonta geerida oo waa la wada dhimanayaa, Waxaanan Marxuumka ILAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Qoyskii iyo guud ahaan umadda reer Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo”.

Somalilandpost.net

Hargaysa