Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo ka hadlay ololaha xisbiga iyo xogogaalnimada uu dheeryahay dhiggiisa

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa maanta, waxa uu ka hadlay ololaha iyo isu-soo-baxyada taageerayaasha xisbiga oo uu u mahadceliyey, farriina u diray maalmaha u dhiman iyo xogogaalnimada uu dheeryahay murrashaxiinta dhiggiisa ah ee la loollamaya.