Murashaxiinta Axmed Kaare iyo Jamaal Cismaan oo farriin hambalyo iyo Baraarujin isugu jirta u diray Shacabka Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Murashax Axmed Maxamed Kaare oo gobolka Maroodijeex uga tartamaya doorashada mudaneyaasha Golaha Wakiillada iyo Murashax Jamaal Cismaan Cabdilaahi oo u taagan Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa, ayaa maanta farriin hambalyo iyo Baraarujin xambaarsan u diray Shacabka Somaliland.

Labada Murashax oo Xisbiga Kulmiye u metelaya Murashaxiinta ku loolamaysa Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada ee Gobolka Maroodijeex iyo Caasimadda, waxa ay dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan munaasibadda ciidul-fidriga u direen Shacabka Somaliland guud ahaan, waxaanay si gaar ah ula hadleen taageerayaashooda ku dhaqan gudaha iyo dibadda dalka.

Jamaal Cismaan iyo Axmed Kaare oo maanta si wada-jir ah warbaahinta ula hadlay iyagoo ku sugan Xarunta Guud ee Ololaha Doorashada ee labada murashax, waxa ay dhinaca kale shacabka Somaliland, gaar ahaan taageerayaasha ay codka ka doonayaan ku baraarujiyeen diyaar-garowga Doorashada isku-sidan ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo loo muddeeyey inay dalka ka qabsoonto 31-ka bishan May 2021.

Muuqaalka Hoose kaga Bogo Farriinta ay labada murashax la wadaageen bulshada Somaliland

Somalilandpost.net

contact@omalilandpost.net