Murashaxa Madaxweynanimada UCID-da Cusub Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Mid Noqday 100-ka Qof Ee Loo Xulay Haldoorka Somaliland

Hargeysa (SLpost)-Murashaxa Madaxweynanimada UCID-da cusub Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa ka mid noqday boqolkii qof ee loo xulay haldoorka Jamhuuriyada Somaliland oo xaflad bilado lagu gudoonsiinayay munaasibad shalay lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Xafladaas oo si weyn loo soo agaasimay  oo ay ka qayb galeen, Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), gudoomiyaha Gollaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, masuuliyiin, Salaadiin, Cuqaal iyo marti sharaf tiro badan, ayaa lagu soo afmeeray barnaamijka Qiimee Qofkaaga si aad Qiime u yeelato oo sannadkii ina dhaafay dhexdiisii ka bilowday Somaliland, kaas oo shacabka reer Somaliland kusoo xulanayeen 100 ka qof ee ugu mudnaa mudaddii labaatanka Sanno ahayd ee Geeddi-socodka dhismaha Somaliland lagu soo jiray.

Jamaal
PHOTOFILE: Jamaal Cali Xuseen oo Abaalmarin la guddoonsiinayo

Bandhigan oo ay soo qaban-qaabiyeen Ururka qiimaynta qaranka ee SONEC, ayaa ahayd gunaanadka iyo natiijadii ka soo baxday  daraasad loogu codeeyey  100-kii qof ee dedaalada wax ku ool-ka ah ku sameeyey naftooda iyo bulshadaba. Dadkan la soo xulay ayaa iskugu jiray siyaasiyiin  mansabyo kala duwan dalka soo qabtay ama imikaba xil haya ,culimaa-udiin, abwaano, dadka u dooda xuquuqda aadamaha, gacansato, dadka ka shaqeeya horumarka Bulshada iyo shakhsiyaadka naftooda horumariyey.

Murashax Jamaal Cali ayaa isagu biladan ku mutaystay dedaalkiisii shaqsi ee uu noloshiisa ku sameeyey iyo doorkii firfircoonaa ee uu ka ciyaaray horumarinta adeegyada Arrimaha  bulshada  labaatankii sanno ee Somaliland jirtay,waxa uu dhalinyaro tiro baddan ka bixin jirey Jaamacadaha waddamada Uganda, Malesiya, iyo waddamo kale, Intaanu siyaasadda soo gelin waxa uu ahaa madaxa ugu sareeya ee Baanka weyn ee Citibank ee dunida ka shaqeeya qaybtiisa waddankaasi Tanzania.  Waxa uu shaqadiisii uga yimid inuu hogaanka siyaasadda ka qayb galo. Tiraba 4 jeer ayaa la siiyey abaal marino caalami ah oo Baankii uu masuulka ka ahaa ku guuleystay abaalmarino sida loo maamulay Baankaasi taasina ay dhalisayay hogaaminta hufan ee Jamaal Cali Xuseen. Waa shakhsi u dhuun daloola waddanka horena u ahaan jiray gudoomiyahii ururka Somaliland Forum, isagoo ka mid ahaa dadkii bilaabay ururkani, mashaariic badana wadanka ka soo fuliyey ilaa iyo 1997kii. Intii danbe qaarada Afrika ayuu ka shaqeeynayey. Waxa uu dunida ku leeyahay saaxiibo iyo hogaamiyayaal caalamiya.

jamaal caliJamaal Cali Xuseen waxaa la siiyey abaalmarino caalami ah o xagga Bankiyada ah maadaama Bankiyaddii uu maamulaayey ay noqdeen kuguu ugu fiicnaa qaarada Afrika. Haddaan tusaale u soo qaadano wuxuu ku guuleystay Abaalmarinta caanka ah ee sannadlaha ah ee ay bixiso jariiradda weyn ee London ka soo jeedda ee la yidhaa EMEA Finance. Jariiraddani oo iyadu xagga Bangiyada wax kaqorta waddamadda qaaradda Yurub, Bariga Dhexe, iyo Afrika ayaa uu Jamaal ku guuleeystay Baankii uu maamulaayey abaal-marinteeda iyadoo loo siiyey tayada fiican, iyo sida wanaagsan ee uu Jamaal u hogaamiyey. Hogaamintii Jamaal darteedna waxa uu Bangigii uu maamulaayey ku guuleystay abaal marinta “Best Bank” ama Bangiga ugu fiican sannadihii 2009, 2010, iyo 2011. Guushaasoo Baankii uu maamulaayey uu kaalinta koowaad ka galay Baanankii tirade badnaa ee waddankaasi ku tartamaayey. Jamaal wuxuu kaalimo hor leh oo xagga dhaqaalaha ah ka soo qaatay waddamadii uu ka soo shaqeeyey, waxaanu ka helay amaan badan dawladahii uu la soo shaqeeyay.

Jamaal mar walba waxa uu ka mid ahaa haldoorka xagga dhaqaalaha ee waddamadaasi isagoo mar walba ku jiray Guddida ugu sareeysa ee xagga dhaqaalaha ee waddamadaasi; meelaha uu Board member ama guddida ug sareeysa ku jiray waxa ka mid ahaa, Economic Round-Table, American Chamber of Commerce, iyo University of Dar es Saleem.

Jamaal Cali Xuseen wuxuu uu ka qaatay shahaadadda digriiga labaad ee Masters- Maamulka, Maareeynta, maamulka, Dhaqaalaha, iyo Baayacmushtarka, ee loo yaqaan Master of Business Administration (MBA) jaamacadda ugu caansan dalkaasi Maraykanka kana mid ah kuwa dunnida ugu caansan, Jaamacadaasina ay badanaaba ay ka soo baxaan hal-doorka madaxweynayaasha dalka Maraykanku sida madaxweyne Obama iyo ninkii dhowaan la tartamaayey. Jaamacadaasna waxa la yidhaa Harvard University”, waaxanu ka qalin jebiyey sanadku markuu ahaa June 5, 1997.

Murashaxa madaxweynanimada  UCID-da Cusub Jamaal Cali Xuseen waa shakhsi aad u fir-fircoon oo dedaal badan, marka uu shaqaddiisa ka nasanayana xilliyaddii fasaxyadiisa ilaa iyo 16kii sanadood ee ugu danbeeyay waxa uu mar walba dalka ka hir-gelin jiray mashaariic iyo dhismahayaal uu dalka ka waday wakhtigiisuna waxa uu ahaa xiliyaddii fasaxiisa mar uu mashruuc waddanka u waddo iyo mar uu ardayda Jaamacadaha dalka u jeedinaayey qudbaddo ku saabsan aqoonta iyo nolosha isaggoo cabiraayey hibadiisa hal-abuurnimo iyo  cabbirkiisa qofnimo ee carinta maskaxeed. Jamaal waa shakhsi ka soo mudh baxay heer caalamiya waaya arragnimo balaadhan iyo saaxiibo culus oo madaxda adduunka ah ku leh dunida daafaheeda. Waxa kale oo uu xidhiidh balaadhan la leeyahay oo aad ugu dhex caan yahay dhalinyarada reer Somaliland.

Jamal Cali Xuseen waxa ay cod aqbaliyad ah loogu doortay golaha dhexe ee xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka inuu u noqdo musharaxa jaggadda madaxweynaha ee sanadka 2015 haddii uu xisbigu ku guuleysto tartanka golaha degaanka ee foodda inagu soo haya. Waana qofka ugu da’da yar ee ku  tartamaya jagadda madaxweynaha ee dhawaan lagu tartami doono, taas oo wiilkan da’da yar keentay inuu cod kaga kasbado bulshadii ka qayb gashay codaynta barnaamijkan dadkii ku soo baxay ee biladaha hantay, loona gartay inay maanta kadib ku suntanaadaan Kaalinta HALDOORnimo ee loo xushay.

SOMALILANDPOST.NET