Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID iyo Wefti uu hoggaaminayo oo laga horjoogsaday Socdaal ay ku Marayeen Gobolka Gabiley

Arabsiyo (SLpost)- Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo Wefti xisbigaas ah oo maanta u socdaalay Gobolka Gabiley,  ayey ciidanka Boolisku ku hor joogsadeen  kaantarooka Caabudla ee duleedka magaalada Arabsiyo.

Musharrax Jamaal Cali Xuseen oo warbaahinta kula hadlay goobta lagu horjoogsaday, ayaa diidmada loo diiday magaaladaas ku eedeeyey Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo uu xusay inay u adeegsatay Maamulka gobolkaas, waxaanu ku dooday in Xukuumaddu ay dhabbadii Burburkeeda cagta saartay.

UCIDXoghayaha Maaliyada ee Xisbiga UCID Faadumo Siciid oo ka mid ahayd weftiga UCID, ayaa  talaabadani ku eedaysay Marwada Koowaad ee madaxweynaha Somaliland oo ay sheegtay Tv-ga inay ka tidhi Gabiley ma tagi karaan.

FAADUMO SICIDMarwo Faadumo Siciid waxay sheegtay inayna ka soo noqonaynin ilaa ay Gabiley tagaan ama xukuumadu cadaynayso sababta loogu diidan yahay inay tagaan gobolkaas, iyada oo Safarka Madaxda UCID ku soo beegmayo beegmayo maalmo ka dib Safar laba maalmood qaatay oo Madaxweyne Siilaanyo ku tagay gobolkaas.

JAMAAL JAMAAL2 UCID33 GAADIID

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net