Murashaxa Madaxtinimada UCID oo dalka ku soo laabtay, kana Warbixiyey natiijada Socdaallo uu ku Maray Waddamo Dhowr ah

Hargeysa (SLpost)- Murashaxa madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa shaaca ka qaaday inuu Xisbiga UCID guulo la taaban karo ka soo hooyey waddanka Mareykanka, kadib markii uu khudbad ku saabsan arrimaha Somaliland u jeediyey Baarlamaanka waddankaasi,isla markaana waxa uu si mug leh uga hadlay isku-shaandheyntii uu madaxweyne Siilaanyo ku sameeyey Golihiisa Wasiirada iyo duruufaha wakhtigan ku gedaaman dalka iyo sababaha lagaga bixi karo.

Jamaal Cali Xuseen oo maanta dib ugu soo laabtay dalka, ayaa qofka nasashada ee Madaarka Berbera oo uu warbaahinta kula hadlauy, waxa uu tafaasiil ka bixiyey wax-qabadyo uga soo qabsoomay socdaal uu muddo ugu maqnaa waddamada Woqooyiga Ameerika iyo Yurub.

Mar la weydiiyey Jamaal Cali Xuseen muddadii afarta bilood iyo dheeraadka ahayd ee uu dibadda ku maqnaa waxa uga soo qabsoomay, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Waxaan ku faraxsanay inaan maanta ku soo guryo noqday hoygaygii Somaliland, waa wax lagu farxo mar haddii ILAAHAY igu soo nabad-celiyey,sidaad og-tihiin markii hore waxa laga baxay doorasho (Deegaanka) adag waxaan anigu u baxay qurbaha oo waxaan ku maqnaa muddo,intaa aan ku maqnaa qurbaha waxaan ku maqnaa dan qaran iyo dan Xisbi labada-ba, oo marna waxaan ka shaqeynayey danta Xisbigayaga sidaan isugu duba ridi lahayn, marna danta Somaliland oo arrimo baddan oo aan doonayno inaan xiligeeda ka midho dhalino dad baddan oo aanu asaxaab nahay oo aanu ku leenahay caalamka inaan kala soo hadalno kana soo dhaadhicino qaddiyada Somaliland halka ay mareyso”.

“Waddamada qurbaha ah ee aan soo marnay inaan Xafiisyada Xisbiga si aad ah uga dhisano, inaan la kulano madaxda Waddamadaasi qaarkoodna aan xidhiidh hore la lahaa, qaarkoodna aan xidhiidh cusub la sameystey aniga iyo Xisbigayaguba. Markii hore Waqooyiga Amerika waddamada Kanada iyo Mareykankuba si fiican ayaan Xisbiga uga soo dhaqaajinay oo aan uga soo sameynay, dadkii reer Somaliland ah ee meelahaas aan isku aragnayna afkaar baddan ayaanu is-weydaarsanay, iyaga qudhoodu tallooyin iyo aragtiyo ayey nagu soo kordhiyeen. Annaguna waxaanu fursada u isticmaalnay inaan qaddiyada Somaliland mar-walba halkaa ka muujino oo aanu horumarino.Inkasta oo ay dawladu xaq u leedahay inay jiheyso siyaasada arrimaha dibada, haddana waxa lagama maarmaan ah inay ka tallo-geliso bulsha weynta reer  Somaliland si dalku u yeesho Siyaasad cad oo leh meel loo raaco, dawladuna inay mar-walba dhageysato shicibkii soo doortey oo ay wax ku qabato tixgelina siiso shacabkeeda”.

“Guulo la taaban karo ayaanu ka soo hoynay waddanka Mareykanka oo madax aad u sareysa iyo Baarlamaan ayaanu khudbado ka jeedinay oo na dhageystey oo aan ka hadalnay arrimaha Somaliland, waa wax aan hore u dhicin oo aan annaguna Xisbi ahaan (UCID) ILAAHAY ugu shugriyeyno,taasina waa waajib naga saarnaa qaranka. Markaa dadkii qurbaha taageerayaashii Xisbiga asaxaabtii iyo dadkii aan ka dhaadhicinaynay Somaliland. Markii danbena waxaan imid waddanka Ingiriiska oo waxaan kala qeybgalay xafladihii ay qabsanayeen dadkii ingiriiska joogay oo ay ugu dabaal-dagayeen guushii Xisbiga UCID ayaan kala qeybgalno”.

Murrashax Jamaal Cali Xuseen waxa uu u mahad-celiyey dhamaan-ba waddamada uu soo marey sida ay dadka reer Somaliland ugu soo dhaweeyeen,“Waxaan u mahad-naqayaa dhamaanba dadkii reer Somaliland ee meelahaas aan marnay joogay Waddamada Yurub,Ameerika, Kanada iyo Afrika oo aan tagay Waddanka Tanzania oo aan la soo kulmay siyaasiyiinta waddankaasi, marka lagu darro guddoomiyaha Xisbiga tallada haya ee waddanka Tanzania oo ah ninka labaad ee waddanka Tanzania oo aan aqoon horena isku lahayn oo waxaanu iska soo wareysanay qaddiyadii Somaliland iyo arrimaha Geeska Africa ka socda”.

Sidoo kale, mar la weydiiyey Jamaal Cali Xuseen sida uu u arko isku-shaandheyntii uu Madaxweynaha Somaliland todobaadkii hore ku sameeyey Golihiisa Wasiirada, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Waxa la yidhi Xilku waa meerto, oo dadweynuhu waxay doorteen Madaxweyne iyo madaxweyne kuxigeen isaguna waxa uu soo dhisaa xukuumad gole wasiira oo la fuliya wixii uu doonayey inuu umadda u qabto.Markaa madaxweynuhu xaq ayuu u leeyahay oo dastuurka ayaa xaq u siinaya inuu marka uu doono isku-shaandheyn doono, marka uu doono isku bedeli doono oo wuxuu doono ka yeeli karo, oo taasi maaha mid aynu odhaneyno muxuu u sameeyey? Annaguna hadaanu mucaarid ahaan muraayadii mucaaridka xidhano oo aanu eegno runtii dadku waxay is-weydiinayaan ama aanu anagu is-weydiinaynaa, dawlad yar oo fiqiira, oo dhaqaalaheedu halka uu marayo la og-yahay inaynu maamul balaadhan oo ka kooban 43-Wasiir inaynu sameynaa su’aasha la is-weydiinayaa waxa weeyaan ma qaadi karnaa Somaliland ahaan dhaqaalaheenu oo ma awoodi-karayaa, haddii uu awoodi karayo maxay shacabku faa’iido ahaan ka heli karayaan? Cashuur bixiyayaashu maxay faa’iido ka heli karayaan? Dalkuse muxuu ku horumarayaa, marwalba waxa wanaagsan wixii dakhli ama hanta ah ee la heysto waa in la eega maxaa ugu wanaagsan ee lagu qaban karayaa,Hore ayey Xukuumadu balanqaadyo u sameysay oo waatii tidhi waxaanu soo dhisi doona dawlad tiro yar oo tayo leh,tii hore waxaabad mooda inay kasii badiyeen oo waxay xukuumadii hore ahayd dhowr iyo labaatan, tanna waadigan arkaaya halka ay tirade mareyso. Markaa waxaa wanaagsan oo tayo leh oo umadda wax u noqonaya oo aan dhaqaalaha burbur ku ridayn in mar-walba la sameeyo, iyada oo aan la qancinayn shakhsiyaad waa in mar-walba la qaata waxay danta umaddu ku jirto”.

“Waxaan kula talin lahaa dawlada inay tixgelin siiso oo ay xilkooda u deyso wasiirada ay shicibku ka tibaax bixiyeen ee wax wanaagsan qabanaya, tusaale ahaan Wasiiradii hore xilka looga qaaday sida Wasiirkii hore ee Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi, Wasiirkii hore ee Warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale iyo Wasiirkii hore ee Caafimaadka Dr. Xuseen Xoog, Taliyihii hore ee ciidanka qaranka Nuux Ismaaciil Taani, Taliyihii hore ee ciidanka Qaranka Maxamed Xasan jIdhif iyo kuwa kale oo la mid ahi-ba, haday dalka dadkaba si fiican wax ugu qabteen waxay mudnaayeen inay xilkooda umadda ugu sii adeegaan, halka aanay xukuumada maanta ka midka ahayn”.Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

“Madaxweynaha waa la doortey, waa inuu furfuraa waxa umadda ugu haboon isaga oo aan cidna u habranayn, way jiraan shakhsiyaad waa weyn oo miisaan culus leh oo xukuumada ku soo biirey,laakin markaad isku-wada qaadid dhamaan waxa taas oodhan isku wada fuuqsanaysa marka uu Golihii (Wasiiradu) noqday mid aad u balaadhan oo dadka shaqooyinkoodii la kala garan la’a-yahay iyo waxa uu qabanayo oo wixii isku sii qasmaan, oo dawakhii markii hore ina haystey uu mid ka sii badani yimaado waa mid aan wanaagsanayn umaddana dhaqaale ahaan u wanaagsanayn”

“Weli waddooyin hagaagsan ma lihin, dhakhaatiir wanaagsan malihin oo dhismayaashii dhakhaatiirtii ay Ingiriisku inagaga tageen ayeynu ku jirnaa. Waad ogtihiin dhalinyaradeena tahriibta ku jirta oo waxaad maalin-walba arkeysa shaqo la’aanta waddanka ka taagan. Isku-shaandheynta xukuumada ee golaheeda waxa ka horeeya oo ina horyaala arrimo ka waaweyn oo caqabado ah, way fiican tahay haddii amaanku sii xumaanayo in wax laga qabto, in caafimaadka wax laga qabto way fiican tahay, in biyo la’aanta ka jirta magaalooyinka waaweyn wax laga qabto way fiican tahay, arrinka ugu muhiimsan ee aan filayey in culuska la saaro oo wax laga qabto waxa weeyaan dhalinyaradeena tahriibaysa ee dhibaateysan, taasi wax faa’iido ah ma u keenaysa haddii xukuumada la balaadhiyo? Waxa laga ayaaba khayraadkii yaraa ee aynu haysanay inay wax inaga sii carqaladeyso mooyaane inay wax kale inoo sii tarto anigu ma arko, in la sii balaadhiyo Golaha xukuumada dhaqaalaheenu muu awoodi kareyn, sababta oo ah waxa jira waddo baddan oo inaga dhaqaale waaweyn oo intaas oo Wasiira aan lahayn”

Jamaal Cali Xuseen waxa uu ku taliyey oo uu yidhi “Waa inaynu culeyska saarna dhaqaala, sidii aynu shaqo u abuuri lahayn, sidii maalgelin waddanka loogu sameyn lahaa oo aynu dadka dibada u soo jiidan lahayn,waa in shuruucdii la sameeya oo cadaaladii laga shaqeeyo oo Baarlamaanku fadhiga ka kaco laf-tigiisu oo uu sameeya shuruucdii maalgeliyayaasha”

“Adduunka waxay dawladuhu ku fikiraan inay kharashka yareeyaan oo lacagta ay dadka ka uruurinayaan inay badh u dhigaan, markaa lacagtaas loo dhigo lagu isticmaalo xaaladaha uu waddanku dhibaatada ku jiro, sida haddii ay abaaro dhacaan oo biyo-dhaan loo baahdo, sida haddii la doonayo in mashaariic lagu fuliyo oo shaqo abuuris loo sameeyo, markaa waxa wanaagsan waxaynu heysano inaynu eegno, dakhliga dawladu miyuu sare u kacayaa? Haddii uu sare u kacayo maxaa sabab u ah? Mararka qaarkood waxa dhacaysa haddii baayac-mushtarka cashuur xad-dhaafa la saaro oo aynaan tartan sameynin inay wax ka soo dejistaan waddamada jaarka ah sida Puntland iyo Jabuuti oo kale. Markaa waxa wanaagsan inay adeega Dakadaheena ka shaqeyno, in culeyska la saaro shaqo-abuurista dhalinyarada”

 SOMALILANDPOST.NET