Murashaxa Kulmiye oo Qaranka ka tacsiyadeedayey Mid ka mid ah Oday-dhaqameedka gobolka Awdal oo maanta geeriyooday Borama

Murashax Muuse Biixi Oo Qudbad Miisaan Leh Ku Cabiray Doorka Dhalinyarta Ee Dawladda MustaqbalkaGuddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Cabdiraxmaan Ibraahim Waaberi (Cileeye) oo ku geeriyooday magaalada Boorama maanta oo taariikhdu tahay tahay 12/06/2017

Guddoomiyuhu waxa uu ku tilmaamay Marxuum Cabdiraxmaan Ibraahim Waaberi inuu ahaa oday wayn oo reer Somaliland ka baxay, isagoo ahaa ganacsade dadkiisa iyo dalkiisaba wax badan taray, kaalina wayna ka soo qaatay dib-u-dhiskii dalka Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo.