Hargeysa (SLpost) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ku dhawaaqay inay taageerayaasha Xisbiyada Mucaaradka ah ee Gobollada dalka oo dhami ay samayn doonaan Banaan-baxyo uu sheegay in lagu diiddan yahay qorshaha furista Ururrada Siyaasadda, laguna dalbanayo in doorashada Madaxtooyada lagu qabto wakhtigeeda.
Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxaamed Cabdillaahi (Cirro) oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay inuu burburiyey Wada-hadalladii u socday Xisbiyada Mucaaradka ah iyo isaga ee la doonayey in xal loogu raadiyo khilaafka ka taagan doorashooyinka Furista Ururrada siyaasadda iyo ta Madaxtooyada ta soo horraynaysa.
Cirro wuxuu sheegay in Xisbiyada Mucaaradka ahi ay qaadi doonaan Tallaabooyin waaweyn oo u qorshaysan, si ay muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan qorshaha Furista Ururrada siyaasadda iyo in Doorashada Madaxtooyada wakhtigeeda la dhaafiyo, qorsheyaashaasna uu ugu horreeyo Mudaharaaddo Salmi ah oo taageerayaasha Xisbiyada Mucaaradku ka samayn doonaan Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland, si Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi loogu cadaadiyo inay qorshaheeda ka noqoto.
Musharrax Cirro oo farriin u diraya Taageerayaasha Xisbiyada Mucaaradka ah ee Gobollada iyo Degmooyinka dalku wuxuu yidhi, “Waxaan ugu baaqayaa taageerayaasha xisbiyada mucaaradka ah in ay si ballaadhan oo qorshaysan ugu diyaargaroobaan in dib loo bilaabi doono bannaan-baxyadii nabadeed”.
Musharrax Cirro waxa uu ku hanjabay in Xisbiyada Mucaaradka ahi ay aqoonsiga kala noqon doonaan Madaxweyne Muuse Biixi, haddii uu ku dhaqaaqo waxa uu ugu yeedhay sharci-darro isla-markaana aanu doorashada Madaxtooyada xilligeeda ku qabanin.
“Muusoow, Marka la gaadho 13 November, haddii aan dooraaho qabsoomin kursiga (Madaxweyne-nimo) wuu inoo siman yahay,” ayuu yidhi Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Cirro.
Musharrax Cirro waxa uu Madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in uu ka baxay ‘ballamo uu horay u qaaday’ oo uu sheegay inay ugu muhiimsanaayeen in uu doorashada wakhtigeeda ku qaban doono, iyo in uu dhagaysan doono talada waxgaradka, waxaanu ku dooday inay dhinacooda sameeyeen wax kasta oo ay u arkayeen in khilaafka lagu dhamayn karo.
Marka laga yimaaddo eedaymaha Murashax Cabdiraxmaan Cirro, haddana madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo dhawaan ka hadlay khilaafka ka taagan doorashooyinka, waxa uu sheegay inay xukuumad ahaan diyaar u yihiin inay doorashada madaxtooyada ku qabanayaan wakhtigeeda oo ku muddaysan bisha November 2022, balse ay ka soo horeyso doorashada ururrada Siyaasadda, taas oo ah arrinka ugu weyn ee khilaafku ka taagan yahay isla markaana xisbiyada mucaaradku aanay oggolayn.
Hadalka ka soo yeedhay murashax Cirro ayaa noqonaya markii labaad uu ee taageerayaasha xisbiga Waddani ugu baaqo bannaan-baxyo ka arradan qorshe muuqda oo feker ahaan ay ku midaysan yihiin hoggaanka xisbiyada mucaaradka iyo taageerayaashoodu, balse ay dad badani u arkaan tallaabo ka duulaysa rabitaanka Shaqsiyaadka hoggaanka u haya Axsaabta Mucaaradka oo sharci ahaan ka soo horjeeda furista ururrada siyaasadda.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa hore ugu gacan-saydhay codsi xisbiyada mucaaradku ku dalbadeen qabsoomidda bannaan-baxyo ay dareenkooda ku muujinayaan, kaas oo ay ku tilmaantay mid sharci-darro ah.
Bannaan-bax ka soo hor-dhacay wakhtigii ay xisbiyada mucaaradka oo iska indho-tiray go’aanka xukuumadda ay badhtamaha Hargeysa ka dhigeen bishii June ee sannadkan, ayaa sababay dhaawacyo kala duwan oo soo gaadhay taageerayaasha xisbiyada Mucaaradka iyo ciidammada Booliska ee rabshadaha ka hortaga.
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net