Muran Dhul oo Ka Jira MCH-ka Tog-Wajaale iyo Maamulka iyo Masuuliyiinta Caafimaadka oo Mid Waliba Dhinaciisa uga Hadley

Gabiley (SLpost)-Maamulaha Mchka Tog-Wajaale,Maxamed Miigane Suldaan,oo ay wehelinayaan howlwadeenad,ka howlgala Mchka Tog-Wajaale ayaa cabasho xoogan ka muujiyay Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale kadib markii sida ay sheegeen Gudoomiyihu uu ka horjoogsadey dhismaha deyr kooban oo ay ku sameynayeen Mchka Degmadaasi Tog-Wajaale, iyo boodhadhka Wacyigalinta Caafimaadka ah oo ay ku taagayeen Xarunta horteeda.
Maxamed Miigane Suldaan Maamulaha Mchka Tog-Wajaale uga waramey arintan isagoo ku sugan Gudaha Magaalada Tog-Wajaale ayaa sheegay, in Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale Xaashi Muxumed Cabdi, uu ka hor istaagey dhismaha sida ay sheegeen deyr kooban oo ay ku xeyndaabayeen MCHKa Tog-Wajaale oo dhul badan laga qaatey islamarkaana kuyaala goob cidhiidhi ah oo aanu Munaasib ku aheyn Wakhti Xaadirkan.
Maamulaha Mchka oo arintaa kahadlaya waxa uu yidhi. “Waxaanu si dirqi ah deyr sadex mitir noqonaya uga helnay Mchka Tog-Wajaale nawaaxigiisa iyadoo, dhulkii Mchku lahaa oo dhan ay Bixiyeen Maamuladii soo marey D/hoose ee Degmada Tog-Wajaale haseyeeshee, deyrkaa aanu damacsaneyn in aanu dhisno waxa naga horjoogsadey oo si badheedh ah u diiday Gudoomiyaha , waxaananu halis u nahey in ay baabuurtu Waaweyn ee Xamuulka ahi dul maraan Xarunta Mchka oo ah ta kaliya ee goob Caafimaad ka furan Tog-Wajaale, waxaana ugu dambeysay Saaka oo aanu boodh ku taageynay ayuu amar kusoo rogay in aanan ka taagi Karin, iskumana aaminayno in ay Goobtani bilaa deyr noqoto, Waxaanu Gudoomiyihu wax ka maqley oo kaliya dad shacbi ah oo ah kuwii boobay dhulka Mchkani lahaa marka horeba balse, anaga oo ah Howlwadeenadii Caafimaadka namuu tix galin hadalna nagamuu dhageysan”Ayuu yidhi Maxamed Miigane Suldaan Maamulha Xarunta Mchka Degmada Tog-Wajaale.
Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa mar uu ka jawaabayay su,aal la weydiiday oo ku sahabsaneyd in Duqeyda iyo Waxgaradku Deegaanku dhexdhexaadiyeen iyaga(Maamulka-Caafimaadka)iyo Maayarka Degmada waxa uu sheegay in uu Gudoomiyaha Degmadu ka dhaga adeygay maslaxad kasta oo la isku dayay.
Sidoo kale waxa isaguna si kooban uga Hadley dhacdadan Mustafe Sheekh Abokor Xuseen oo kamid ah howlwadeenada Mchka Tog-Wajaale waxaana kamid ah hadaladiisii.
“Safarkii ugu dambeeyay ee Madexweynuhu kuyimid Degmadan Tog-Wajaale waxa kaliya ee uu Bulshada halkan kunool u balanqaadey waxey aheyd Dhismaha Cusbitaal loo sameeyo Tog-Wajaale markuu eegay baahida loo qabo iyo tirada dadka kunool bulshaduna waxey intaa ka sugeysay Xukuumada in loo degdeg loogu dhisayo Cusbitaalkaasi maadaama Madexweynihii u balanqaadey laakiin, nasiib daro waxa hada lagala kulmey taa badelkeedii filashadii in intii yareyd ee dadka loogu shaqeynayay ee ay ka xishootey kuna dhici weyday Xukuumadii Udub Maamulkani dhulkii Mchka Keydka u ahaa badh bixiyo intii soo hadheyna diido inaanu xeyndaab yar ku sameyno ama calaamad ku sameyno, godobtaasna waxey Reer Tog-Wajaale u hayaan Wasiirka Maaliyada oo isagu Tog-Wajaale u xidhey nin aan dhulka aqoon u laheyn oo aan ixtiraamka iyo wada shaqeynta laamaha Dowlada shaqo ku laheyn”Ayuu yidhi Mustafe Sheekh Abokor Xuseen,oo kamid ah howl-wadeenada MchkaTog-Wajaale.
Gudoomiyaha Degmada Degmada Tog-Wajaale Xaashi Muxumed Cabdi oo dhinac iskaga leexiyay eedeynta ay ujeediyeen Maamulka Caafimaadka Mchka Tog-Wajaale oo isaguna jawaan ka bixiyay eedeyntaasi ayaa i gaashaanka ku dhuftey  islamarkaana, sheegay in aanay habayraatee jirinwax deyr ahy oo uu u diiday haseyeeshee, uu ka joojiyay Boodh uu ku qoran yahey Wacyi-galinta Hiv/Aids oo ay ku taagayeen Mchka hortiisa oo dariiqu gaadhayo isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale .
“Horta majiro deyr aan ka joojiyay, ee waxan ka joojiyay waa Boodh ay ku taagayeen Mchka hortiisa , oo hadaad aragtaan halkay qodayeen waad qosli waana wadada badhtankeeda, aniguna gidaarka raaciyaan ku idhi hadey ka hadlayaan Mch waxa jirey dhul weyn oo Mchku lahaa oo la bixiyay hortey oo ay iyaguna wey joogeen ayaa jirey miyay ka hadlaan kaasi Maamulkii aniga iga horeeyay ayaa bixiyay dhulkaas iyaguna goob joog ayay ka ahaayeen deyr majirin ee waxan ay ka hadlayaan waa boodhkaas oo wadada loo dhaweeyay aniguna gidaarka raaciyaan idhi wax deyr ahi majiraan habayaraatee”Ayuu yidhi Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale Xaashi Muxumed Cabdi.
Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale Xaashi Muxumed Cabdi waxa uu ka marag kaceyn in dhul badan oo uu lahaa Mchkaasi la bixiyay oo lasiiyay dad rayid ah haseyeeshee, ay bixiyeen Maamulkii isaga ka horeeyay ee Xukuumadii Daahir Rayaale islamarkaana, aanay waxba ka jirin habayraatee in mudadii uu joogay isagu Maamulka Degmada oo ku siman tan iyo intii Xukuumadani la wareegtey talada dalka oo loo soo Magacaabay Tog-Wajaale in aanay jirin taako dhul ah oo laga bixiyay dhulka danta Guud ee Mchka Tog-Wajaale, laakiin ay isaga ka horeeyeen boobkaasi dhulka Mchku.
Sikastaba ha ahaatee Magaalada Tog-Wajaale ee ku taala xuduuda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya ayaa baahi weyn u qabta Cusbitaal loo sameeyo iyo helitaanka Goob Caafimaad oo  ka weyn Mchka hada loogu adeego kumanaanka qof ee kunool Magaaladaasi iyadoo, maalinba maalinta
ka dambeysa ay kasii kordhaan intii hore tirada dadku,  Tog-Wajaale oo ay soo dageen sanadkii 2003dii bishii tobnaad dadweyne ku afar jibaarmaya dadkii hore u deganaa oo kasoo hayaamay Magaalada Harta-Sheekh ee kililka shanaad, Itoobiya. Iyadoo mudadaa intii ka dambeyseyna sanad walba ay ku kordhayeen tiro dad ah oo ka badan intii hore waxaanay dhibaato culusi ka haysataa
Bulshada marka loo kuur galo Xaaladeeda Caafimaadka in ay ku dhiban yihiin qoysaska kunooli Mchka yare e u ah Xarunta Caafimaad Degmadaasi taas, oo markii hore kutalagalkiisu ahaa Qoyasas kooban oo lagu xanaaniyo Hooyooyinka uurka leh iyo dhalaanka balse hada xaajadu ka
durugtey intii hore waxaanay, inta badan dadweynaha kunool Magaaladaasi Tog-Wajaale aad uga cowdaan dhinacyada Arimaha Bulshada labada ugu muhiimsan ee lagama maarmaanka u ah nolosha aadamah oo ah Caafimaadka iyo Biyo la,aan kajirta oo saameyn culus kuleh.

SOMALILANDPOST.NET/Gabiley