Muqdisho: Tirada Dadka loo Karantiimeeyey Caabuqa CoronaVirus oo Korodhay iyo Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya

 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya

Muqdisho (SLpost)- Dowladda Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaadday inay sii kordheen tirada dadka ay u karantiimeeyeen shaki laga qabo inuu hayo cudurka Covid-19 ee uu sababo Caabuqa CoronaVirus oo si xawli ah ugu faafaya dunida.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa sheegtay inay kordheen tirada dadka ay u karantiimeeyeen caabuqa CoronaVirus ee ku nool gudaha Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa hore u shaacisay inuu jiray hal qof oo loo karantiimeeyey cudurkan, balse war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay inay sii korodhay tirada dadka la karantiimay oo xilligan maraysa 4 qof kuwaas oo la tuhunsan yahay inay ka tageen dalalka cudurkani saamaynta ba’an ku hayo.

Afarta qof ayaa la sheegay inay dhammaantood ka yimaaddeen dalka Shiinaha, iyadoo qofkii u horeeyey gaadhay magaalada Muqdisho 10-kii bishan, halka saddexda qof ee kale ay gaadheen Khamiista maanta, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Waxa warku intaas ku daray in dadkaas lagu hayo meel gaar ah oo loogu tala-galay, islamarkaana ay caafimaad qabaan, balse ay wasaaradda caafimaadku fulinayso awaamiirta caalamiga ah ee Coronavirus ah.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa todobaadkan ku dhowaaqday in caabuqa ka dhasha cudurka Coronavirus ee Covid-19 uu yahay ‘Pandemic’ oo macnaheedu yahay Cudur xuduudaha isaga gudba.

WHO ayaa sidoo kale sheegtay in illaa iyo hadda caalamka laga xaqiijiyey 118,000 kiis oo ah cudurkan ah, balse tirada dhimashada ee la xaqiijiyey tahay 4,000 oo qof, kuwaas oo ay ugu badan yihiin dalalka Shiinaha, Talyaaniga iyo Iiraan.

Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, ayaa u qornaa sidan:-

 

Somalilandpost.net

Somalilandpost@live.com