Muqdisho: Sheekh Nuur Baaruud Gurxan Oo Sharaxay Waxay Diinta Islaamku Ka Qabto In Haweenku Qayb ka Noqdaan Siyaasada

Muqdisho (SL.Post) Hay’ada culumada Somaaliya,  ayaa walaac ka muujisay qoondada 30% ah ee Haweenka ay ku leeyihiin hay’adaha dastuuriga ee Dowladda Federaalka Somalia, gaara haan Saamiga kuraasta Baarlamaanka la dhisi doono dhawaan.

maxresdefault

Shir jaraa’id oo ay haya’dda culummadu ku qabteen magaalada Muqdisho, ayay ku sheegeen inay tahay in si siman Rag iyo Dumarba loogu tartamo Kuraasta Aqallada Sare iyo Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, intii cid gaar ah meel loogu xiri lahaa kuraas gaar ah.

“Inagu ummad Islaam ah baanu nahay, wax walba oo la sameynayo waxaan doonaynaa inaan u fiirino arrintan maxay diinta Islaamku ka qabtaan. Diinta Islaamku Haweenku qorshe ayay ugu talo-gashay… Waa warshad soo saarta bani’aadamka, waxay tarbiyeeyaan madaxda, Hawl gaar ah ayayna leeyihiin, in siyaaadda meelaha sare ay ka galaanna looguma talo-gelin.” sidaa waxa yidhi Afhayeenka hay’adda Culummada Soomaaliyeed, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Mar la weydiiyay Sheekh Nuur inay xaq u leeyihiin haweenka inay kuraas ka helaan baarlamaanka si ay u helaan cid ku metesha ayuu ku jawaabay. “Iyaga uma kala soocna; Baarlamaan, Madaxweyne iyo Wasiir. Haweenka waan aragnay waxay sheegeen in ay rabaan illaa Madaxweyne waxaadna mooddaa inaysan sharciga eegayn.” ayuu yidhi Sheekh Nuur Baaruud

Sheekh Nuur Baaruud waxa uu intaas ku daray, “Marka la eego Arrinta la xidhiidha Baarlamaanka… Mid Annagu waan ka gaabsan lahayn Haddii ay Sameeyaan. Haddii ay Baarlamaanka u soo galaan sida ay Raggu ugu Tartamayaan oo ay u soo galaan, weliba iyagoo aqoon u leh, da’dooduna hore u badatay, ayna baarlamanaka gudihiisa anshaxa ku ilaaliyaan. Balse waxay leeyihiin innagu ragga ayaan la mid nahay.”

 

Somalilandpost.net