Muqdisho (SLpost)- Qaraxyo ismiidaamin ah oo khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, ayaa maanta ka dhacay meherad ganacsi oo magaalada Muqdisho ee dalkaasi Soomaaliya, taas oo sannad ka hor ay Kooxda Al-Shabaab ka fulisay weerarro is-qarxin oo galaaftay nolosha tobanaan qof.
Qarax-yadan ismiidaaminta ah, ayaa inta la ogyahay galaaftay nolosha 15-qof oo isugu jiray shacab iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 20-qof oo shacab u badan.
Weerarrada ayaa la sheegay in lagu fuliyey laba qarax oo kala horeeyey oo kala ahaa gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyey iyo Qof ismiidaamiyay, iyadoo la sheegay in qofka isqarxiyay uu sababay inta badan khasaaraha dhimashada iyo dhaawac.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay weerarkan, ayaa ku tilmaamay mid naxariis darro ah oo lagu laayay dad aan waxba galabsan, isagoo sheegay inay qayb ka tahay qorshayaasha ujeeddo la’aanta ah ee shacabka lagu laynayo. “Inta aan maqlay waxaa ku dhintay qaraxyadan 14-qof, waxaana dadkani ay intooda badan dhinteen iyagoo doonayay inay u gurmadaan dad waxyeello ay ku gaadhay qaraxii hore, waana arrin xanuun badan,” ayuu Xasan Sh. Maxamuud.
Xildhibaan ka mid ah Mudaneyaal Baarlamanka dalkaas ka tirsan oo ku sugnaa Maqaaxi lagu magacaabo The Village oo ka soo horjeedda meheradda qaraxyada lagu fuliyey, ayaa warbaahinta Muqdisho u sheegay inuu arkay dhimashada 10-qof oo rayid ah, kuwaasoo isugu jiray siddeed rag ah iyo laba dumar ah oo ku dhintay qaraxii uu ruuxa miineysan geystay.
Sheegashada Al-Shabaab
Kooxda Al-shabaab ee xidhiidhka la leh urur-weynaha Al-Qaacida, ayaa war-saxaafadeed ay maanta soo saartay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxyada ay ku naf-waayeen 15-ka Qof ee shacabka u badnaa, waxaanay ku doodeen inay ku bartilmaameedsanayeen wax ay ugu yeedheen cadowga Gaalada u adeega.
“Makhaayaddan waxaa iska leh shaqsiyaad cadow ah oo gacan-saar la leh mid ka mid ah hay’adaha Sirdoonka reer Galbeedka, ayna tahay goobaha laga soo maleego dhagaraha dadka Muqdisho uu cadowgu ku hayo, ayna mujaahidiintu dhowr jeer oo hore dadka uga digeen in ay u dhawaadaan,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka oo kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee Al-shabaab, sida lagu baahiyey warbaahinta ka hawl-gasha magaalad Muqdisho.
Al-shabaab waxa ay sheegtay inay sii wadi doonaan beegsiga goob walba oo ay u arkaan in loo adeegsado dhibaataynta dadka muslimiinta ah, haddii ay tahay xarun milatari oo muuqata ama mid sirdoon oo qarsoon.
Cambaareynta Qaramada Midoobay
Ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa cambaareeyay weerarkaas ismiidaaminta ah ee ka dhacay Muqdisho.
“Waxaa aad iiga nixiyay ficilka waxashnimada ah ee dadka badan ay ku dhinteen. Waxaana u cambaaraynayaa sida ugu xooggan. Waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo saaxiibbadii dadkii lagu dilay weerarkan, sidoo kale, waxaana u rajaynayaa kuwii ku dhaawacmay inay si dhakhso leh u soo bogsoodaan,” ayuu yidhi Kay.
Isagoo sii hadlaya ayaa wuxuu yidhi, “Weerarrada noocan ah ee ku dhisan cadownimada waxay na xasuusinayaan in dadka Soomaaliyeed ay si dhab ah ugu baahan yihiin nabad. Argagixisinimadda waxay caqabad ku tahay dadka Soomaaliyeed iyo dunida inteeda kale. Argagixisinimadda waxay u baahan tahay in loo jebiyo ciidan ahaan iyo siyaasad ahaan.”
Dhanka kale, waxaa weerarkan cambaareeyay ciidamada nabad-ilaalinta AMISOM ee dalkaasi sugan iyagoo sheegay inuu ahaa weerar waxashnimo ah oo lagu dilay dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.
Weerarkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo bishii September ee sannadkii hore sidan oo kale weerarro is-miidaamin ah loola beegsaday makhaayaddaas, halkaasoo ay ku dhinteen in ka badan 20-qof oo ay ku jireen wariyeyaal iyo saraakiil ciidan, waxaana mas’uuliyadda weerarkaas sheegatay Al-shabaab.
Dhanka kale, laba nin oo miineysan ayaa iyaguna sannadkii hore weeraray isla maqaayad lagu magacaabo The Village II oo ku taalla Muqdisho, waxaana Makhaayadahan iska leh muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Axmed, kaas o kaasoo muddo dheer ku noolaa dalka Britain, balse dalkiisa ku laabtay muddo laba sanno ka horteed ah.
Somalilandpost.net/Muqdisho