MUQDISHO: Huteel Lala Beegsaday Qaraxyo iyo Dagaal Ka Dhex Socda

Muqdisho(SLpost) -Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badana way ku dhaawacantay weerar subaxnimadii hore ee Axaddan maanta lagu qaaday  hotelka Saxafi oo ku yaala badhtamaha caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Gaadhi waxyaabaha qarxa laga buuxiyay ayaa afaafka hore ee hotelka lagu qaxiyay xilli ku beegan abaaro 6-dii subaxnimo oo wax yar dhiman, waxaana daba socotay qaraxa rasaas ay adeegsadeen dablay weerarka gaysatay, waxaana gudaha hotelka ka socota rasaasta u dhexaysa ilaalada hotelka iyo kooxda, sida uu sheegay wariyaha Muqdisho ee BBC-da.

Inkasta oo aanay faahfaahin dheeraad ahi ka soo bixin weerarkan haddana Booliska ayaa sheegay in ugu yaraan laba qarax hotelka lala eegtay, ilaa haddana saraakiishu aanay faahfaahin bixin karrin maadaama hawlgal lagu jiro.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay Masuuliyadda weerarka. Kooxda ayaa Hotelada u beegsata in hotelladu marti galiyaan madaxda dawladda sida xildhibaannada Baarlamaanka, wasiirada iyo saraakiisha kale oo qaarkood hotelka degan yihiin kuwo kalena ay inta badan yimaadaan.

 Hotelka ayaa ku yaala jidka Km4, waxaanu u dhaw yahay madaarka, iyadoo ka soo horjeedkiisana xarunta sirdoonka Somalia ku taalo.