Muqdisho: Dab Xooggan oo qabsaday Qayb ka mid ah Suuqa Dayniile iyo Indho-cadde oo Hub ka-dhigis lagu sameeyey

Muqdisho, (SLpost)- Waxa goor-dhawayd dab xoogan ka kacay Suuqa weyn ee Degmada Dayniile oo maanta dagaal ku dhex maray dhinacyada isku haya magaalada Muqdisho.

Dabka oo ah mid xoogan ayaan la ogeyn sababaha rasmiga ah ee keenay balse dadka deegaanka ayaa sheegaya in  halkaasi ay madaafiic xoogan ku dhacday suuqana sidaasna dabku uga kacay.

Dab xoogan oo qiiq badan wata ayaa wali ka soconaya Suuqa Dayniile lamana oga Khasaaraha dhabta ah ee uu dhaliyay dabkaasi.

Ilaa imika lama sheegin cid isku dayaysa inay damiyaan dabka xoogan ee suuqa kasoconaya maadaama uu Suuqa uu kuyaalo aag u dhexeeya labada ciidan ee dagaalka uu wali ku dhexmarayo Dayniile

Dhanka kale, Dowlada KMG ee Soomaaliya iyo Ciidamada Midawoga Afrika ee AMISOM ayaa hub kadhigis ku sameesay Yuusuf Maxamad Siyaad (indha Cadde) oo ah hadda Janaraal katirsan Dowlada Soomaaliya balse horey uga mid ahaa Hogaamiyo kooxeedyadii Muqdisho.

Xaflad Hubka looga dhigayay Yuusuf indha Cadde ayaa galabta lagu qabtay Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho stadiom iyadoo Xafladaasi ay kasoo qeyb galeen masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Goobta uu Janaraal Yuusuf Indha Cadde hubka ku wareejinayay ayaa waxaa goob joog ka ahaa Raizul Wasaaraha Xukuumada KMG ee Soomaaliya Cabdi Wali Gaas Taliyaha ugu sareeya Ciidamada AMISOM ,gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo madax kale oo kasocotay AMISOM iyo Dowlada Soomaaliya.

Yuusuf Indha Cadde ayana Dowlada ku wareejiyay gawaari dagaal oo ilaa Sagaal gaarayay kuwa aoo kala ahaa 4 gawaarida Cabdi bilayaasha Dagaalka ah Afar gaadiidka Dagaalka ee waa weyn ee saaranyihiin Qoryaha Zuuga iyo hal gaari uu saarnaa Qorayga Biiteem.