Muniir, Sheekh Aadan-siiro waa la yaqaane, yaa sida madfaca kuu riday? – W/Q: Maxamed Axmed

Waxa dhaygag iyo dhabanno-hays igu dhaliyay war aan abbaaro 04:00 galabnimo ee 13/June/2013-ka ku arkay mareegta Somalilandtoday.com oo nuxurkiisu yahay “Sheekh Aadan Siiro oo la sheegay inuu kooxo dhallinyaro ah ku ururiyo xaafadda Xawaadle isagoo ugu muxaadireeyay inay Xaqooda Dhacsadaan!”. Qoraalku intaas kuma eka’e waxa lagu ladhay buunbuunin ah inay yihiin kooxo tiro badan oo khalkhal abuuri kara, wasaaraddii arrimaha gudahana waxa lagu eedeeyay in aanay falkaas waxba ka qaban.

Xusuusta-garaadku waxa ay judhiiba godoshay aqoon gaaxsan oo aan u lahaa Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Siiro), dhab iyo dhalanteed midka uu qoraalkani yahay ayaa aan is-weydiiyay? Sheekh Aadan ma ku kici karaa arrinkan ayaa hortayda timi?.. Degello kale ayaan fiiriyay, se cid kale oo hadal-haysaaba ma jirto. Bal guji halkan si aad xogtaas u akhrido

http://somalilandtoday.com/shiikh-aadan-siiro-oo-la-sheegay-inuu-kooxo-dhalinyo-ah-ku-uruuriyo-xaafadda-xawaadle-isagoo-ugu-maxadireey-inay-xaqooda-dhacsadaan-2/

Ugu dambayn waxa aan go’aansaday inaan cambaareeyo dhigaalkan aan u qalmin in dhaayuhu arkaan ama dheguhu maqlaan, Sheekh Aadanna xaal aan ka siiyo gefkan aan qaban iyo inaan dhawr su’aalood ku qarqiyo Guddoomiyeha Bahda Saxaafadda SIILAANYO Today ee sida qaldan loogu magacaabay Somalilandtoday Muniir Axmed Cigaal, waana kuwan weydiimihi:

1. Yaa warkan keligaa kuu sheegay?

2. Sheekh Aadan waa la yaqaan wuxuu galo iyo wuxuu gudo ee yaa xajiintan kugu dirqiyay?

3. Ma xaajada Wargeyska HUBAAL ee Sheekhu ka hadlo ayay xukuumadda iyo wasiirrada aad ku xidhan tahay ka gubteen?

4. Sheekhu inuu nabadda ka shaqeeyo waa la yaqaane, keen caddayn rasmi ah?

5. Ma cay iyo cantarabaqash ayaad is-leedahay way cuntamayaan?

6. Ma guul-darradii ciyaaraha Burco ee aad ka dambayseen ayaad Sheekha uga dhigteen nin magaaladiisa dab gelinaya?

Maxamed A Jaamac

Qaahira, Masar

maxdjaamac@gmail.com