Munaasibad xil-la wareegis ah oo maanta ka Dhacday Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Hargeysa, 17 March, 2012 (SLpost)- Munaasibad lagu qabtay Xarunta Wasaarada Arrimaha Dibada ee Caasimada Hargaysa ayuu xilkii kula Wareegay Wasiir ku xigeenka Cusub ee Wasaaradaas loo soo magacaabay Mawliid Maxamuud Ibraahim iyo Gudoomiyaha Cusub ee Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha Maxamud C.raxmaan .

Masuulka Cusub ee Xilka loo magacaabay waxa ku Wareejiyay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Dr Maxamed C.laahi Cumar,Mas’uuliyiinta iyo Shaqaalaha Wasaaradaasi.

Wasiirka arrimaha dibadda Dr  Maxamed Cabdilaahi  Cumar oo  hadal  kooban halkaasi ka jeediyay waxa uu ku faahfaahiyay waajibaadka balaadhan ee ay Wasaaradani Qaranka uga mas’uulka tahay iyo baahida loo qabo in ay hesho Mas’uuliyiin maarayn kara hawl maalmeedkeeda shaqo waxa uu Wasiirka Arrimaha Dibadu Dr Maxamed C.laahi Cumar uu ilaahay uga baryay in Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Dibada Mudane Mawliid Maxamud Ibraahin iyo Gudoomiyaha Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha Maxamud C.raxmaan uu u fududeeyo xilalka loo igmaday .

Sidoo kale, Wasiir ku xigeenka cusub ee Wasaarada Arrimaha Dibada Mudane Mawliid Maxamud Ibraahin iyo Gudoomiyaha Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha Maxamud C.raxmaan oo labadooduba halkaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyay Wasiirka Wasaarada Arrimaha dibada iyo Shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradaasi oo ay ku amaaneen sida milgaha leh ee ay Wasaarada ugu soo dhaweeyeen waxaanay balan qaadeen in xilka loo magacaabay ay uga soo baxayaan si xilkasnimo iyo  daacadnimo ku jirto.

somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland