Munaasibad Loogu dabbaal-degayo Munaasibadda Qaran ee 18-ka May oo Caawa Lagu Qabtay Madaxtooyada  Somaliland (SAWIRRO)

Hargeysa (SLpost)- Munaasibad ballaadhan oo lagu weynaynayo 28-guurada kasoo wareegtay 18-kii Bishii May sannadkii 1991-kii oo ah markii ay Jamhuuriyadda Somaliland xornimadeeda dib ula soo noqotay, ayaa caawa lagu qabtay gudaha qasriga madaxtooyada Somaliland.

 

Munaasibaddan oo ahayd mid si weyn loosoo qabanqaabiyey, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxweyne-ku-xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, guddoomiyaha maxkamadda sare,  hoggaanka axsaabta qaranka, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxweyne-ku-xigeennadii hore ee dalka soo maray, wufuud xildhibaanno, wasiirro iyo dublomaasiyiin isugu jirta oo kala socda dalalka caalamka, madax-dhaqameed iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana madasha laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda maalintaas iyo guulaha ay Somaliland gaadhay muddadii ay qaranka madaxa bannaan ahayd.

Xubno bulshada maamuus ku dhex leh oo madasha ka hadlay, ayaa si isku mid ah ugu dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay iyo halganka ay ugu jirto inay mar uun kamid noqoto waddamada la aqoonsan yahay, waxana ay bulshada ugu baaqeen inay  sii wadaan dedaalka horumarka ku dhisan ee ay muddada kusoo jireen.

 Ugu horrayn Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI, Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa muujiyey sida ay Somaliland ugu midaysan tahay ka midho dhalinta himiladeeda qarannimo, isaga oo shacabkana ugu baaqay inay qarannimadooda wada ilaashadaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Maanta waxaynnu u dabbaaldegaynaa 18-kii May, waa maalin aynaan kala lahayn, waa maalin aynaan kala suntanayn oo aanay axsaabtuna kala xigsanayn oo u dhex ah, shacab weynaha Somaliland iyo inta Somaliland jecel gudo iyo dibadba waan hambalyeynayaa, waxana aan ugu bushaaraynayaa in qarankan aynnu wada ilaalin doonno oo aynnu wada dhisi doono oo aynnu tacab wada-gelin doono, haddii ay ay shacabweynaha tahay iyo haddii ay axsaabta tahayba.”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe oo isaguna hadal kooban madasha ka jeediyey, ayaa hoosta ka xarriiqay in shacabka Somaliland meel ay joogaanba ka midaysan yihiin qarannimadooda, isaga oo madaxda kala duwan ee qarankana ugu baaqay inay ku dedaalaan sidii meesha looga saari lahaa wax kasta oo khilaaf siyaasadeed ah oo taagan.

Guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Baashe Maxamed Faarax oo munaasibadda, ayaa isaguna tilmaamay in maalinta 18-ka May ay tahay maalin shacabka Somaliland oo dhammi u wada dhan yihiin oo aanay ku  kala qaybsanayn, waxana uu yidhi, “Ummad waliba taariikhdeeda ayey ku faantaa, taariikhdana waa in la xusaa, 18-Ka May waa taariikh Somaliland wada leedahay oo la goostay maalintii aynnu xornimada kala soo noqonnay Soomaaliya, waxana aan hambalyo u dirayaa dadka Somaliland ee gudaha iyo dibaddaba jooga.”

Guddoomiyaha golaha guurtida, mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa shacabka ku bogaadiyey sannad-guurada 18-aad ee kasoo wareegtay dib-ula soo noqoshadii xorriyadda Somaliland, ayaa sheegay in maalinta 18-ka May ay bulshada Somaliland oo dhammi midaysan tahay, isaga oo shacabka iyo xukuumaddana ugu baaqay inay il gaar ah ku eegaan shuhadadii usoo halgantay qarannimada iyo madax-bannaanida Somaliland, waxana isaga oo arrintaas ka hadlaya uu yidhi, “Maalintaa ma kala lihin, maalintaa mid baynnu nahay, axsaabtay inta kale oo dhan is xag-xagta, laakiin maalintaa walaalo ayaad tihiin, kubaddana meel baynnu ku wada dhalinaynaa, waxana aan jeclahay inaynnu caawa xusno mujaahidiintii qaranka usoo halgantay, kuwii u dhintay, kuwii u dhaawacmay, Ilaahayna haka jasaa’I siiyey, wixii aynnu la qaban karnona aynnu la qabanno.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo af-meeray, ayaa ugu horrayn muujiyey inay Somaliland ka go’an tahay inay dunida iyo deriskeedaba nabad kula noolaato, waxana uu yidhi, “Haddaanu nahay Somaliland oo caawa halkan ku dhan, waxan  doonayaa inaan baaq dheer ugu diro inaynu dalalka jaarka dhammaantoodba inaynnu nabad kula wada noolaanayno, gaar ahaan Soomaaliya oo maanta muran xooggani naga dhexeeya muddo soddon sannadood ah, waxa aannu xuduud ka wadaagnaana waa Puntland xad dheer oo shan boqol oo Kiilomitir ah aannu wadaagno.”

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu shaaciyey inay Somaliland go’aansatay inay nabad waarta iyo xasillooni kula noolaato maamulka Puntland, isaga oo caddeeyey inay haboon tahay in laga wada-hadlo sidii la isugu celin lahaa maxaabiistii lagu kala qabsaday isku dhicii  Jamhuuriyadda Somaliland iyo maamulka Puntland ku dhexmaray deegaanka Tukaraq, “Puntland waxan ugu baaqayaa waxaannu idiin wadnaa nabad iyo walaaltinimo iyo inaynnu xasillooni ku wada noolaano, waxana aannu rajaynaynaa inaanu khilaaf dambe dhexdeena ka dhicin, waxannu diyaar u nahay oo aannu nabadda ka bilaabaynaa oo aan doonayaa inaan iclaamiyo inaanu diyaar u nahay inaanu sii daynno maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalkii Tukaraq, iyaguna ay soo daayaan wixii ay naga hayaan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.