Munaasibad lagu Xusay Mujaahidiintii Ku Shahiidday Halgankii Dib-u-xoraynta Dalka oo Caawa Hargeysa lagu Qabtay

Hargeysa (SLpost)- Xaflad baladhaan oo lagu Xusaayo Dhamaan Mujaahidiintii Dalkan u soo Halgantay ayaa Caawa lagu Qabtay Majliska Axbaabta Xabiibka (Majlisul Tanbiih) oo ku yaala Xaafada Qudhac_dheer ee Magaalada Hargeysa Majliskan Caawa xaflada lagu xusayay Mujaahidiinta ayaa waxa uu ahaa Majliskii ay iska abaabuli jireen isla markaana ku kulmi jireen dhamaan Mujaahidiintii Waa weynayd ee Dalka Xoreysay .

Xuskan ayaa ah mid Sanad le ah oo Sanad Walba laga Xuso Majliska Axbaabta Xabiibka (Majlisul Tanbiih) ee Hargeysa, kaas oo sida la sheegay la aasaasay siddeetamaadkii iyadoo ujeedada laga lahaa ay ahayd sidii Rajiimkii Ummadda Dulmiga iyo Dhibaatada badan baday dalka looga xoreynlahaa .Sayid C/laahi Xaaji Cilmi Nuur oo isagu Sheekha Halgankan iyo Barnaamijkan Diiniyan u hagaayey ayaa Qolkamida Guriga uu Xaaskiisa iyo Caruurtiisu deganaayeen Qolkamida Diinta iyo Halganka Dalka ugu deeqay si ay Mujaahidiintan Hawsh wadaa ugu kulmaan uguna ducaystaan .

Mujaahidiinta Majliskan ku kulmi jirtey ayaa waxa kamid ahaa Mujaahid Sayid C/laahi Xaaji Cilmi oo ahaa Sheekha Majliska,Mujaahid Maxamed Cali , Mujaahid Maxamed Xaashi Lixle, Mujaahid Ibraahim Koodbuur, Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne, Mujaahid C/qaadir Koosaar, Mujaahid C/xakiim Sumuni, Mujaahid Harag-waafi, Mujaahid Xasan Kayd, iyo Mujaahidiin kale oo tiro badan kuwaasoo aynaan halkan kaga gayoonayn Xaadirintooda

Sawirada MujaahidiintaSida ay ku waarrameen Qaar ka mid ah Mujaahidiinta iyo Axbaabtii Majliskan ku kulmi jirtay oo madasha ku sugnaa, waxa ay nooga warameen qisooyyin Cajiiba kuwaaso aynu odhan karno waa mucjisooyin lagu cibro qaadan karo. Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo kamid ahaa axbaabtii Majliskan Fadhiisan jirtay, ayaa ka  waramay qiso layaable oo ka dhacday Majliskan Habeenkii Mujaahid C/laahi Askar La soo Furanayey isagoo qisadaa ka waramaayana waxa uu yidhi “ Habeenkii lagalaayey hawlgalkii C/laahi Koosaar lagusoo furanaayey ayaa waxa noosoo galay Mujaahid Ibraahim Koosaar dabadeedna waxa uu dhegta usaaray Sheekhii Majliska Sayid C/laahi Xaaji Cilmi hawsha ay galayaan iyo xiliga ay baxayaan dabadeedna wuu iska fadhiistay waxoogaa yar kadib ayaa Sheekhiina waa Sayid C/laahiye uu Baakid sigaar waraaqda hoose ka goostay dabadeedna wax ugu qorey ibraahim Koodbuur ,inyar kadibna waa uu naga baxay Mujaahid Ibraahim Koosaar sidiibaanu hawshii ku galay  kuna guuleytay , markaa Majliskani waxa uu ahaa Bar kulankii ay ku kala shiidaal qaadan jiren dhamaan Mujaahidiintii waaweyneyd ee dalkan xoreysay iyadoo ay ka warqabtay dawladii jirtay balse mucjisada jirtey ay ahayd inaanay awood ulahayn inay soo faro-galiso hawlihii halkan kasocday maxaayeelay iyadoo Mujaahidiinta la daydayaayo oo ay wintidh ka yihiin dalkan ayey hadana halkan ku qayilaayeen oo ku kulmaayeen waxan xasuustaa Mujaahid Lixle {AHUN) oo la baadigoobaayo oo halkan nala fadhiista iyadoo kuwii ciidamada haystay iyo basaasiintii ugu waaweynd ee dalkuba nala fadhiyaan iyana iyadoo aanay wax ficila samayn Karin amaba aanay iskubadayi Karin.”

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir ayaa sidoo kale waxa uu iiga waramay arimo kale oo wada mucjisooyina kuwaasoo dhamantood Majliskan ka dhacay kuwaasoo ay kamid ahayd waqtigan Majliska hawshani ka socotay ayaa waxa dalka oodhan ka mamnuuc ahaa ayaa hadana habeen qudha aan laga waayi jiren Majliskan kaasoo uu kucaan ahaaa Majliskani Kulanka Mujaahidiinta iyo  Xuska iyo Weyneyn Ilaahay iyadoo Majliskan uu saldhig u ahaa Salawaadka Rasuulka (CSW) oo ilaa hada sidii saldhi ugu ah

Dhinaca kale waxa isna nooga waramay Taariikhda Majliskan Mujaahid Dr. Axmed Cabdi Jaamac Agaasimihii hore ee Wasaarada Caafimaadka Somaliland oo isna siqoto dheer uga waramay Taariikhda iyo Qisaska Majliskan isagoo isla markaan xusay in Majliskani ahaa Bartii laga unkay Halgankii hubaysnaa ee dalkan lagu xoreeyey isagoo gabagabadiina uduceeyey Sheekhii Majliskan Sayid C/laahi Xaaji Cilmi iyo dhamaanba Mujaahidiintii Dalkan usoo Halgantay.

 Sidoo kale waxa isna waxka waydiiyey  Sayid Cali Shaybe Jaamac oo ka mid ahaa inamadii dhalinyarada ahaa ee xiligii Majliska la aasaasay iyagu Gacan yarayaasha ka ahaa ayaa waxa ee u shaqayn jirey Mujaahidiintii Majliska ku kulmi jirtey ayaa waxa hadaladiisii kamid ahaa” Majliskan anigu waxan kamid ahaa inamadii dhalinyarada ahaa ee biyaha iyo shaaha usoo dhigi jirey markaa hawlihii halkan ka socon jirey may ahayn wax caqliga qofka binu aadamkii qiyaasi karo waxay ahaayeeen arimo layaab badan oo mucjisooyin ah ,waxan xasuustaa habeen askar Mujaahid Lixle Daydayeysaa noo yimaadeen isagoo nala jooga dabadeedna ay na waydiiyeen isaga dabadeedna iyagoo nala fadhiya oo isnala fadhiyo aanay hadana ka dhex garanayn ninkii dhamaayeen ay doonayeene ay garanaayeen ee dee caanka ahaa aanay hadan garanayn waxay noqotay mucjiso weyn dabadeedna iyagoo fadhiya ayuu markii danbe aad yar iska baxay oo galay guri nagu xiga oo uu deganaa iyadoo magaalada laga raadinaayo

 Ugu danbayntii ayaa waxaanu wax ka waydiinay Taariikhda Majliskan Sayid Muxamed Sayid C/laahi Xaaji Cilmi Oo uu dhalay Sheekhii Majliskan aasaasay islma markaana markii uu shahiiday Mujaahidkan dhalay isagu xilkii Majliskan Axbaabta Xabiibka la wareegay ilaa waqti xaadirkana xilkiisa haya ayaa waxa uu yidhi, “Majliskan Sida ay Odayaashii iga horeeyeyba sheegeen waxa loo aasaasay sidii bar kulan uu ugu noqon lahaa Mujaahidiintii waaweynayd ee dalkan xoraysay markaa xiligii Majliskan la aasaasay anigu waxan ahaa inan yar oo halkan Majliska dhexdiisa ayaa uu Aabo Quraanka noogu dhigi jirey markaa ani waxan ka xasuustaa hawlihii halkan ka socon jirey , waxaan habeen walba arki jirey askar iyo baabuur ciidan oo nagu wareegaysa balse aan guriga gudaha usoo galayn kuwaasoo aad dareemayso inay wax raadinayaan.”

Sayid Muxamed Sayid C/laahi Xaaji Cilmi oo sidaynu hore u xusnay ah Masuulka hada ee Majliskan oo sidii ay ugu kulmaan Axbaabta Xabiibka ilaahay isla markaana sidii ay uga socdaan Wayneynta Ilaahay  iyo Salawaadka Rasuulka oo ahaa ujeedadii ugu weynayd ee loo aasaasay Majliskan ayaa waxa uu tibaaxay in Bulshada reer Somaliland ay kaleexatay Ujeedadii loo halgamay ee loo dagaalamay  isagoo isla markaana tilmaamay in Saldhiga hadafka Halganku ahaa sidii ummadda Shareecada Islaamka loogu xukumi lahaa in loo dagaalamaayey balse aan loo dagalamin in Dimuqraadi iyo Qabyaalad iyo Diin la’aan dalka lagu maamulo,Dhinaca kale ayaa Sayid Muxamed Sayid C/laahi Xaaji Cilmi waxa uu xusay in Halgankii SNM waxa kaliya ee aynu ka haynaa yahay Calankeena Towxiidka leh  ee synu Caalamka Dheer nahay kaaso wax loo dhigaaba aanu jirin

Xuskan Caawa la sameeyey ayaa ah mid sanadle ah oo sanad walba Habeenka 15KA RAMADAAN Majliskan lagu Sameeyey kaaso loogu duceeyo Mujaahidiintii Qiimaha layd ee Majliskan Aas aastay iyo dhamaan Mujaahidiintii dalka usoo shihiidayba.

 

Miyir Cali Xuseen

Xoghayaha Warfaafinta  Jimciyatul Axbaab

miyircali@gmail.com

Hargeisa /Somaliland