Mulkiilaha Guri Lagu Leexsaday Raashinka Loo Xidhxidhay Masuuliyiin Oo Faahfaahiyay Sababta Gaadiidka Raran Gaysay Aqalkiisa

Hargeysa, 27 March, 2012 (SLpost) – Cabdi Cabdilaahi Guuleed oo ah Muwaadin Gurigiisa laga soo qabtay Mid ka mid ah gaadiidkii sidday raashin mucaawimo ah oo la leexsaday, ayaa markii ugu horeysay daaha ka fayday cidda gurigiisa keentay gaadiidka raashinka sidday, isla markaana waxa uu kashifay, waxba kama jiraana ka dhigay qayb ka mid ah eedii uu Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland hore ugu eedeeyay saddexda masuul ee u xidhan arrintan inay gaadiidkaas raashinka siday ay gurigaas geeyeen.

Cabdiraxmaan Cabdillaahi Guuleed oo isagu ah Mulkiilaha Guriga laga soo qabtay gaadhi ka mid ah gaadiidkii raashinka la leexsaday, waxa uu shaaca ka qaaday in aanu arag isla markaana aanu jirin wax qoraal ah oo uu u keenay Badhasaabkii gobolka Hargeysa, Axmed Cabdillaahi Cumar (Xamarji), kaas oo ay hore Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo qaar ka mid ah warbaahintu u sheegeen in Mulkiilaha guriga gaadhigan laga soo qabtay uu u sheegay in raashinkaas uu u keentay Badhasaabkii hore ee Hargeysa Xamarji.

Muwaadinkan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dirawaliintii wadatay laba gaadhi oo sidday raashinkan isla markaana gurigiisa la soo dhigay uu isaga laftiisu geeyay Saldhigga Bileyska ee Xaafadda Ibraahim Koodbuur, halkaas oo uu sheegay in Taliyaha bileysku wax kaga qoray, balse markii dambe amar xagga sare kaga yimi lagu sii daayey dirawaliintaas.

Cabdi Cabdillaahi Guuleed oo uu wargeyska Saxafi wax ka weydiiyay inta ogaalkiisa ah cidda gaadiidka raashinka la leexsaday siday gurigiisa keentay iyo sidii wax u dhaceen ayaa ugu horeyn isagoo ka jawaabaya war hore looga baahiyey oo sheegay inuu masuuliyiinta Bileyska iyo Xukuumadda u sheegay in raashinkaas uu u keenay Badhasaabkii hore ee Hargeysa, waxa uu yidhi: “Anigoo ah Cabdi Cabdilaahi Guuleed, waxaan aad uga xumahay warka jariidada Waaheen qortay ee waxba Kama jiraanka ah ee sida foosha xun loogu eedeynayo dad aan aniga afkayga laga maqal inay eed qabaan, sida Badhasaabkii hore oo kale, aniga waxa ii yimid Baabuur raran oo Raashin ah kuwaas oo ku socday guri iga sii jeedda oo raashin lagu rogayey, balse labadan gaadhi uu ka buuxsamay gurigaasi, waxaanay nimankii watay I yidhaahdeen deyrka gurigaaga aanu dhigano inta nalaga rogayo. Sidii aan ugu dhigay. Guriga kale ee naga sii jeeda waa tii raashin badan lagaga soo gurayey ee dadweynahoo dhami daawanayey, anigu walaa masuul iyo cid aan eedeeyey toona ma jirto, ilaahayna sida uu igu ogyahay waa sidaas, oo ninka la sheegayo ee Badhasaabka ah ee jaraa’idka lagu qoray, maan arag iimana iman. Ta kale aniga jaraa’id I waraystay ma garanayo oo ii yimid. Badhasaabku shaqo uu ku leeyahay arrintaasina ma jirto, aragiisa in aan garanayo mooyee aqoon aan isku leenahay ma jirto, ciddii wadatay raashinkaasina darawaliinta ayey ahayd, Darawaliintana waan kaxeeyey oo booliskaan u geeyey oo saldhigaan geeyey, iyaga wax ka qoray oo waraystay, markii dambana iyaga amar igu siiyey inaan sii daayo, baabuurtaas oo mid markiiba iska tegay kii kalena ay igu soo gaadheen jananka Bileyska, nin wasiir ku-xigeen ah, kuwaas oo kaxaystay. Wax alla waxa la qoray ee jaraa’idkaasi qoray waa waxbakamajiraan, anigu maan eedeyn masuuliyiin wixii layga baahdo ee kale marka loo baahdo ayaan sheegi doonaa.”

Cabdi Cabdillaahi waxa kale oo uu sheegay in dirawaliinta uu Saldhigga Koodbuur geeyay u sheegay gaadiidka raashinka sida ee gurigiisa la soo dhigay, waxaanu yidhi: “Waxaan ka soo ashkateeyay saldhiga, ninka haysta saldhigga Koodbuur ayaan u geeyey, kadibna isagaa muddo waraysanayey, markii warbixintooddu dhamaatay ayaa isagoo xidhaya oo gudaha galinaya oo kabihii laga saaray, ayuu haddana nagu yidhi amar baa xaga sare nagaga yimi sii-deyntooda ah, kadibna waxa uu igu yidhi sii daa ha iska dhaqaaqaane.”

Mid markiiba wuu iska tegay meel uu marayna war uma hayo, kadibna jananka iyo masuul wasiir ku xigeen ah ayaa guriga iigu yimid iyo weliba nin kale oo saddex qof ayay ahaayeen, kadib gurigayga ayaa la baadhay oo raashinkii in wax lagu dejiyay laga baadhay, markii ay wax raashin ah oo gaadiidkaas laga dejiyay ka waayeen gurigaygii ayey gaadhigii uun halkaas ka kaxaysteen, xataa gaadhigii labaad imay weydiin” ayuu yidhi Cabdi Cabdillaahi isagoo tafaasiil ka bixinaya sidii Taliyaha bileyska iyo wasiir ku-xigeenka Waxbarashadu gurigiisa ugu yimaadeen habeennimadii Sabtidu soo gelaysay ee 9-kii bishan March 2012.

Mar la weydiiyay Cabdi Cabdillaahi sababta uu hore arrintan uga hadli waayey maadaama oo uu ka warqabay in saddex masuul oo uu ka mid ahaa Badhasaabkii Hargeysa lagu eedaynayo, isla markaana warbaahintu qortay in isagu uu Bileyska u sheegay in Badhasaabku raashinkaas gurigiisa keenay, waxa uu ku jawaabay: “Horta anigu meel magacaygu ku yaallo maan arag, mulkiilaha guriga uun baan ku arkay jariidada, laakiin magacaygu kuma oolin, qofka bani aadamka ah ee wax yidhaahda in magaciisa la cadeeyo sow maaha, wax magac ah oo halkan ku qoran (jariidada) oo aan anigu leeyahay ma jirto, markaa wax aan uga hadlo ayaan ii muuqan wakhtigaas, balse hadda waxaan ogaaday in mulkiilaha guriga ee jariiradu qortay ay uga jeeday aniga, taas ayaa keentay inaan arrintan caddeeyo inaanay waxba ka jirin.”

Ugu dambayntii Cabdi Cabdillaahi Guuleed waxa uu carabka ku adkeeyay inaanay jirin masuuliyiin raashinkaas gurigiisa keentay, balse gaadiidkani ay ka mid ahaayeen gaadiid raashin ku rogayey guri ay jaar yihiin oo labada gaadhi ay ka buuxsameen, sidaas gurigiisa lagu keenay.

“Wax masuuliyiin ah oo aan ogahay ama aan wax ka sheegayaa ma jiro, aniga wax afkayga ka soo baxay oo aan cid ku eedeeyey ma jirto, cid alla cid wax I weydiisay ma jirto, wallaa Suxufi, dawlad iyo sirdoon wax I weydiiyay ma jirto, meel la igu waraystayna ma jirto” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Mulkiilaha guriga lagu soo qabtay mid ka mid ah gaadiidka raashinka la leexsaday ee lagu eedaynayo saddex masuul ee kala ah Badhasaabkii hore ee Hargeysa, Axmed Cumar Cabdillaahi (Xamarji), Agaasimihii Guud ee Dib-u-dejinta, Axmed Cilmi Barre iyo La-taliyihii Madaxweyne ku-xigeenka Cismaan Siciid Jaamac, kuwaas oo muddo saddex toddobaad ku dhow xabsiga ugu jira, ilaa haddana aan Maxkamad la soo taagin.

Saddexdan masuul ayaa xabsiga loo taxaabay, isla markaana xilka laga xayuubiyay iyagoo xabsiga ku jira, waxaanu Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdillaahi (Saylici) oo xadhigooda iyo xil-ka-qaadistoodaba ka hadlay maalintii la xidhay uu sheegay in xadhigooda ay u mareen sifo sharci ah maadaama ay dambi faraha kula jireen sidda uu yidhi, isagoo Madaxweyne ku-xigeenku dambiga ay faraha kula jireena ku tilmaamay gaadiid raashin ah oo ay leexsadeen.

Xigasho: Saxafi