Mujtamaca waa in laga wacyi-geliyaa in qabiil aanu qaran noqon karin; “Maxaadse Ka Taqaan Qabiilka & Ilbaxnimada Somaliland?” – Qaranimo iyo Qabiil – (Warbixin Kooban)

Waxa mahad iska leh Illaahay SW.,marka xigta waxaan salaamayaa dhammaan shacabka S/land dibad iyo gudaba, iyo dhamaan shabakadaha warbaahineed ee inoo saamaxay inaynu fikradeheenna ku soo bandhigno mareegahooda , si aynu uga kala faa,iideysano., Akhristoow sida aan la wada socono S/land waxay jirsatay muddo ku dhow 22 sano oo ay gooni isu-taagtay,ilaa xiligaasna waxa ka jirey xukuumadu siday doonaan itaalkoodu ha ahaadee.

 

Marka aynu ay dib u jaleecno taariikhdoodiinii hore siiba aasaskeeddii waxay ka soo unkatay dhinaca miyiga oo aynu odhan karno, waxayba sees u ahayd nolosheena, kadibna muddo iminka laga joogo sadex ilaa afar qarni waxaa bilaabmey samaysankii magaalooyinka kuwaasoo,markii hore ku teedsanaa dhulkeena xaga xeebaha yaal , iyadoo ay sababtu ahayd, dadkii xadaaradaha inagaga horeeyey siiba carabta ,hindidii, gumeysiyaddii iyo wadamaddii kale ee aynu xidhiidhka ganacsi la lahayn, oo badidoodu ka soo degi-jirey  magaalooyinka dhinaca xeebaha ku teedsan,halkaas oo lagu kala bedalan jiray alaabooyinka muhiimka ah.

Dadkaasi ayaa sida taariikhda ku duugan,waxay ka koobnaayeen jinsiyado kala duwan oo ka kala yimid wadamadda Carabta, Cafar, Turki, Pakistan, Hindi iyo Muslimiinta ku nool dhulka xabashida, waxa ugu weyn ee isku xidhi jirayna waxay ahayd Diinta Islaamka oo dhaqankoodu ku Salaysnaa iyo caadooyinkoodaba, waxay ahaayeen dad ka xoroobay aafada Qabiilka iyo waxa la xadhiidha, waxaa kale oo ku noolaa Yahuud samayn jirtay Dahabka oo lagu Qadarin jirey Caadooyinkooda iyo waxay aamin-sanyihiin, ganacsigu waxuu ku iman-jirey maraakiibta iyo doonyaha waaweyn oo u kala gooshi jirey Badda Cas ( Red sea ).

Qoraalada laga hayo taariikhda S/land way farabadan yihiin, balse aan ka soo qaado, socdaalo oo ay ku soo kala bixiyeen taariikhdeena  niman la kala odhan jiray  Richard Burton & Johnston,xilligaa ay labadaa nin soo kala mareen ,xeebeheena badda cas ku yaalay, waxay ahayd 1844-kii oo uu Johnston soo maray iyo 1854-kii oo uu Richard soo maray, iyagoo xilligaasi ku sii socday magaalada Herer, magaalada Berbera ayaa xiligaasi loo yaqaanay magaca “Malawo” waxay ka mid ahayd magaalooyinka ay warbixintu ka bixiyeen Richard Burton iyo Johnston-ba, waxayna labadooduba ku tilmaameen sebenadaa, inay magaaladu ahayd magaalo weyn, oo lagu samayn jirey carwooyin waaweyn oo ganacsi, gaar ahaan xilliyada magaaladu qabawdahay.

Qarnigii 19-naad horraan-tiisii ilaa dhammaadkiisii, magalaada Berbera dadka deggenaa waxay u badnaayeen Carab iyo Hindi, balse waxaa dadkaa ajaanibka ah u ahaa “Abbaan” dad Somalilander ah, waayo suurtagal may ahayn in qof qalaad uu Abbaan la’aan ku dhexjoogo magaalooyinka xeebaha Somaliland, Nin la odhan jiray Drake-Brockman oo Somaliland ka qoray buug aad u faahfaahsan 1912-kii wuxuu ku qiyaasay tirada dadka Berbera inay u dhaxay-say 15,000 ilaa 30,000 xilliga qaboobaha, balse xilliga xagaaga ama kulaylaha ay tiradaasi hoos ugu soo dhici jirtay 5000-10,000 oo qof ,magaalooyinka ku yaalla xeebaha Somaliland, kumay koobnayn Berbera , ee waxaa jiray magaalooyin kale oo qaar ka midi ay kaba facweyn yihiin Berbera. Sida magaalooyinkaa Seylac, Laasqoray, Bullaxaar, Maydh iyo Xiis.

 

Dadkii markay ay qaba-timeen magaalooyinka waxay la yimaadeen hab ka duwan,qaabkii loogu noolaa noloshii miyiga, waxaana dadku u dhaqmeen sida magaalooyinka caalamka ku yaala. oo kale , waxaana bilaabmey sida  ganacsiyo kala nooca iyo dhismayaal kala duwan, waxaana isla-markiiba meesha ka baxday adeegsiga bahasha qabyaalada, maadaama hadaba waqtigaasi asbaabihii qabyaalada loo adeegsan jiray ay yaraadeen noloshiina ka baxday tii aynu lahayn ee reer miyinimo, isla-markaana la  bartay nolol cusub oo

 

magaalanimo taasoo dhaqankeeda wadata, waxay dadkii magaaladu barteen maamulka, iyagoo markiiba u dhaqaaqay xaga siyaasada. Iyo horumarka ,Laakiin miyigii oo keliya ayey ku sii hadhay qabyaaladii.

Maxaad ka taqaan Erayada Qabiil iyo Qabyaalad?

Inkastoo ay dooduhu aad u farabadan yihiin, haddana sababta loo isticmalaa way sahlan tahay waxaana lagu soo koobi karaa hal eray oo macno keliya ah, run ahaantii hadana waa ereyo sharaxaad badan iyo waqti inooga baahan waayo haddii aad weydiisid dadka xaga qabyaalada ku dheereya micnaha hoos ahaaneed ee ereyga qabiil uu xambaarsan yahay waxay ku dhiibayaan micno ka gadisan kan xaqiiqadiisu xambaarsan tahay qaar ayaa kuula kacaaya , waa xulufaysi ku dhisan hab beeleed ,halka ay qaar kalena sooba qadimayaan maah maahdii ahayd “Oodi Ab Kadhow”
Qolooyin kalena waxa ay ku siinayaan micne kale oon ka run sheegayn ,hadaba hadii aan feker ahaan ka bixiyo sharaxaad guud ereyga qabiil, waxaan u kala qaadi karaa laba macne oo kala gedisan, kalena fog oo la isku kabay laakiin markii magacooda lagu howl galo isku yimaada waana labadan erey (QAB) IYO (IIL)

QAB:- waa erey xambaarsan isla weyni iyo faan, Halka IIL-na uu yahay erey loo isticmaalo xabaasha halka ugu hoosaysa Laakiin hadii sida kale loo dhigo,labadaan erey waxaa ka dhaxeysa wada shaqayn fiican, tusaale ahaan Somalidu waxay ilaa fac hore dhex mari-jirey dagaal ku salaysnaa hab-beeleed, kaasoo aan horumar lagu gaadhi jirin.

 Hadii aan sii sharaxno habka ay labadan magac isula shaqeeyaan,tusaale ahaan berigii hore marka ay labo beelood xurgufi dhex marto, beelina beesha kale kamay haybaysan-jirin, markii ay arini dhex martana , ayagoo huwan shaadhkoodii Qab ama sida dadka qaar u fasiraan isla weyniba, ayey iyaduna beesha kale dhinaceeda huwan jirtay shaadh la nooca kaasi xaafada kale, iyadoo beeshaa kale ee wax kala galeen haba yaraatee waxba iskaga tirin-jirin.

 Halka uu Abwaan ku cabiray xaaladu markay sidaas noqoto:- asagoo odhanaaya “Qab-Qab Dhaafay Bay Laba Qabiil Qaran Ku Weydaa” Sidaasi daradeed ayaanay labadaas beelood aanay faraha isla gefi jirin, markii uu isku dhac hubaysani yimaadana, waxaa fursad u banaanaan jirtay, magaca intiisii kale ee (IIL), waayo markii lays laayo waxa iilka la geyn jiray rag badan oo intii ay noolaayeen maslaxada ka soo horjeeday, sidaasna waa sida ay wada shaqayntu uga dhaxeyso labada macne oo aan muuqaal ahaan is lahayn laakiin ku wada shaqeeya , xaga adeega qabyaalada.

 Muddooyinkan danbe ayaa dhaqanadii aan ka soo guurnay, isla-markaana ilbaxnimadeenu ay suulisay, ayaa waxa soo ifbaxay dad sheeganaya ganacsato, siyaasiyiin, madaxdhaqameedyo  iyo qaar la midda  oo marin-habaabisay haybadii iyo dhaqankii wanaagsanaa u rogay dukaamo yaryar dabakayooyin, oo aad maalin kasta arkayso dad caaddo ka dhigtay maalin-masruuf, milgihii ay lahayeena ka dhigtay dhaammeel uu u daadiyo hadba ninka dan ka lihi.

Waxaad arkaysaa dhalinyar badan oo ku murmeysa qabyaalad, iyagoo isku faanaya anagu halkaasaanu degnaa, intaasoo madaxa sare baanu leenahay dowladda , g/wakiilada intaas oo xildhibaan baanu soo saarnay , intasoo tujaara baanu leenahay iyo waxaan iyaga macne buuran u samaynaynin ,isla-markaana waxa miyi iyo magaaladiiba isugu biirtay laba isu cadaw ahaa oo ah siyaasad iyo qabyaalad., kana dhigay dadkii qaar sida sim-kaadhadhka la gashado telefoonada, hadba cid dangaara wadataa ay u isticmaasho,ama ay ka dhex hadlayso, Waxaana fiican in laga waantoobo hunguriga la siisanaayo midnimada iyo wada tashiga umadda,lagana koro waxyaalaha warxumo tashiilka, lana wada ilaashado nabadgalyada Somaliland, “Dan ayaa laga hadlayaa” ,”hadaanu reer hebel  nahay ma ogolin“, “Anaga waan raacsanahay iyo “Waanu ka soo horjeednaa”, “bilaa shuruud hebel halagu soo daayo”

Arimmaha qaar ayaa sida looga hadlayo , waa in la waantoobo hababka dad badan oo mashruucyo balaadhan wataa ay markiiba soo geliyaan ama u rogaan dhinaca beelaha, ama hab gudi horumarin loogu adeegsado dano gaar ahaneed ku saleysan Hunguriga dhinaca ganacsiga ah ama hadaanu reer hebel  nahay ma ogolin , halka qaar kalena shaqsi la xidhay ku dhawaaqaan in bilaa shuruud hebel halagu soo daayo, ma dhacayso in ay qaran iyo qabiil ay is galaan, falalka qaar dadka sidan u dhaqma , waxaa fiican inay ogadaan inayna sidan milgo ahayn, nin weliba sida u doono ayuu u wadayaa maaha, xadhig xidhana ma leh ,hala ilaaliyo Nidaamka iyo sharciga umadda u yaalla, waa in la joojiyaa turjumaada qaldan ee arimaha qaar laga sameynaayo, isla-markaana colaadaha iyo kala fogaanshaha waa in laga hortagaa lakiin aan durbaanka loo tumin.

 Qofka Wariyaha laftiisa xilbaa isagana ka saaran, in qof uu aad u neceb yahay ,noockasta oo ay ka mid tahay qabyaalad war lidi ku ah haka qorin , haddii aad ka qorto asbaabo gaara ,waxaad ka baxday xayn-daabkii saxaafada, qofna ha u amaanin waad jeceshahay ,isku reer ayaad tihiin , Saxafiga wanaagsanina waxa uu yahay ninka aaminsan in waxan uu ku hadlayaa ay dhab yihiin, oo waa inuu xil iska saaraa waxan uu sheegayo, khaladadka aad gashaana, waa mid weligaa kula soconayo oo aanu kaa hadhayn.

Umada Somaliland waa in laga wacyi-galiyaa habkan qaldan ee loo adeegsado qabiilka, gaar ahaan qurbaha oo xiligan aad ugu badan tahay isticmaalka qabyaalada, waana sababta horumar la’aanta qurba joogta oo iyagu magan u noqday qabyaalad iyo xasid,  sidaasi daraadeedna waa in bal aan is weydiino qabyaalada waxa aan ka dhaxalnay, dibu-dhaca iyo kal-fogaanshaha waxaa sabab looga dhigaa adeegsiga qabiilka oo dhinaca xun loo isticmaalo, waxaana lagama maarmaan ah , in loo wada guntado sidii mujtamaca looga wacyigalin lahaa in “Qabiil uusan Qaran noqon karin”.

Waxaa  kaloo aan meesha ka maarmayn inaan is xasuusino midhaha aan ka dhaxalno ereyga qabiil iyo adeegsiga qabyaalada , waxaana la helaa  oo kaliya qasaare aan la soo koobi karin,ha ahaado wayitaan “Qaranimo iyo sumcad xumo”.

Waxaan u dhaafay aqristayaasha sharafta mudan, Waxay ila tahay inay in badani ku baraarugi doonto qormadan sidaas daraadeed aan il gaara isaga wada eegno “Foolxumada Qabiilka iyo Qabyalada”.

 Waxaana looga  baahanyahay Salaadiinta, Madax dhaqameedka iyo Aqoon yahanka u dhashay Somaliland , sidii ay u midoobi lahaayeen, isla-markaana iyagoo isku duuban ay horumarka dalkooda uga shaqayn lahaayeen, una dhiiri-geliyaan wax wada qabsiga  bulshada S/land iyo sidii ay uga  waanin lahaayeen adeegsiga qabyaalada iyo wixii kala fogayn-karaba.

Ugu danbeyn,waxaan ku soo afmeerayaa ,waxa aynu u baahanahay in arimo qaar la muujiyo isu tanaasul iyo wax wada qabsi,iyada oo laga fogaanayo adeegsiga qabyaalada iyo dadka xumaha ka macaasha,waxaana loo baahanyahay in hadjeer aad loo ilaaliyo wadaniyada, lagana shaqeeyo wixii kobcinaya nabada iyo horumarka S/land.

-Allaa Mahadleh-

Qore: Adan Yusuf Elmi/ B,ham/UK