Mujaahid Shoombe Oo Tallooyin U Soo Jeediyey Madaxweynaha – “Waxa Jira Waxaad Shar U Arkayso Oo Kheyr Ku Jiro”

Mujaahid ShoombeHargaysa (SLpost)- Mujaahid Shoombe Cumar Cismaan oo ka mid ahaa Geesiyaashii ugu cad cadaa Dagaal-yahanadii SNM, ayaa markii ugu horaysay Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), u soo jeediyey tallooyin wax ku ool ah, kuwaasoo uu shegay hadii uu qaato inay wax badan u tarayso.

Mujaahid Shoombe Cumar Cismaan waxa uu sidaas ku sheegay Qoraal kooban oo uu warbaahinta soo gaadhsiiyey, waxaanu u dhignaa sidan:- “Md Madaxweyne marka hore waan ku salaamayaa, bacda Salaan Illaahay kheyrkeeda ha ina siiyo bisha barakaysan ee Ramadaan oo aynu ku gudo-jirno tobankii dhexe ee Dambi dhaafka ahaa.

Md Madaxweyne waxaan kugula talinayaa Golaha wada-tashiga iyo toosinta qaranka ee maalmahan u dambeeyey arrintiisu taagnayd, inaad u aragto Niman Muwaadiniin ah oo Mujaahidiin ah oo Waayo-aragii Ummaddan ah, dalkana wax badan u soo qabtay Marxalado fara badana ka soo saaray, markaa waxaan kuu soo jeedinayaa inaad iyaga (Golaha wada-tashiga iyo toosinta qaranka), aad u dirto Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo iyagu hala soo arrinsadaan iyagoo Somaliland ka socda,waayo waa Mujaahidiin la hubo oo jiritaanka Somaliland daacad ka ah.

2- Xubnaha wasiiradda iyo Goleyaasha ee arrintan wada-hadallada u matalaya Somaliland iyagu ha gutaan hawl maalmeedkii qaranka ee haka mashquulinin. Nimankaas Mujaahidiinta ahna hawshaas u dirso,waayo Soomaalida ayaa ku maahmaahda Nin gunti-xumi inuu wax qarsanayo ayaa la moodaa.

3- Madaxweyne adigoo hawlaha qaranka iska fudaydinaya iyaga adeegso oo u dir arrinta Somaliland iyo Soomaaliya iyo weliba meelihii kale ee u baahan Odaynimo, iyagaa u mudan oo Muwaadiniin ah oo Karam ah.

Md Madaxweyne taladaas qaado hadii aad kheyr doonayso oo Cudur haw arkin ee daawo u arag, waxaa jira waxaad Shar u arkayso oo kheyr ku jiro, waxaa jira waxaad kheyr u arkayso oo shar noqda.