Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed: Waa Halyey ummaddiisa ka mudan Milgo iyo Maamuus Qaran.

Eng Hussein Adan EgehMarka hore waxaan jecelahay inaan qoraalkayga ku caddeeyo sida aanu aniga iyo inta fikir ila wadaagtaaba dhammaantayo uga xunnahay dhacdadii foosha xumayd iyo falkii dhagaraysnaa ee 09/11/2013 lagula kacay Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed taasoo ay naftiisu halis ku gashay. Waxay ahayd dhacdo foolxun oo dhaqanka, damiirka suuban iyo dadnimada ummadda reer Somalilandba ka fog. Waxay ahayd gef, meel ka dhac, gar-darro cad iyo fal-dhagareed bilaa ujeeddo ah oo lagula kacay Maxamed Kaahin Axmed. Mujaahidka qof ahaan, qoyskiisa iyo qaraabadiisa, asxaabtiisa, tol-weynaha uu ka dhasay iyo guud ahaanba ummadda JSL waxaanu jecelnahay inaanu si aan gabasho lahayn ugu caddayno inuu Maxamed Kaahin Axmed yahay Geesi iyo biri-ma-gayday ummaaddiisa baal-dahab ah kaga qoran oo dalka iyo dadkaba ku leh abaal aan la gudi-karin, isla markaana aanu sinaba u mutaysanin in fal-dhagareedkaa foosha xun lagula kaco.

Waxa kale oo anu halkan ku caddaynaynaa in dhacdadani aanay ahayn mid salka ku haysa, la xidhiidha amaba ay ka dambeeyaan koox, beel, reer iyo qabiil midniba. Sidoo kale dhacdadani ma khusayso kumana lug-laha Xisbi iyo Siyaasad dhinacyo ku loollamayaan. Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Maaliyadda JSL C/casiis Maxamed Samaale midkoodna kama dambeeyo, shaqo kuma laha, kamana suurtowdo fal-dhagareedkaa lagula kacay Muj. Maxamed Kaahin. Waa arrin ku kooban kuna soo ururaysa shakhsi keliya iyo intii la socotay ee fal-dhagareedkaa la ogayd.

Xurmo iyo xaq-siin ayuu Muj. Maxamed Kaahin ka mudan yahay guud ahaan ummadda JSL ee samaha iyo wanaagga jecel, gaar ahaana bah-weynta Xisbiga Kulmiye Xaal, Milgo iyo Maamuus aan qiyaas lahayn ayaanu Muj. Maxamed Kaahinow kaa siinaynaa fal-dhagareedkaa foosha xun ee laguu geystay; waxaanannu ku leenahay nabar gardarro Rabbi ha kaaga dhigo. Waxaanu ognahay oo anu qiraynaa inaanad ahayn kii ay maanta arrintaa oo kale ku dhici lahayd, xaasha uma qalantid, balse way dhacday. Waxaad leedahay dadnimadii, damiirkii iyo dulqaadkii aad dhacdooyinka noocan oo kale ah kaga gudbi lahayd. Abaalka iyo wanaagga aad ummaddaada u gashayna ALLAH ayaad ka heli doontaa.

Ugu dambayntii waxaa Xukuumadda looga fadhiyaa inay arrinta gacan-bir ah ku qabato oo cid kasta oo falkaa ku lug lahaydba la soo qabto sharcigana la horkeeno.

W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) [Hargeisa, Somaliland]